{"id":28274,"date":"2016-05-28T01:13:18","date_gmt":"2016-05-27T22:13:18","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=28274"},"modified":"2016-05-28T01:14:33","modified_gmt":"2016-05-27T22:14:33","slug":"xeryaha-qaxootiga-dhadhaab-oo-qm-sheegtey-in-aan-caddeyn-loo-hayn-ku-gambashada-argagixisada-waxa-loogu-yeero","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/05\/xeryaha-qaxootiga-dhadhaab-oo-qm-sheegtey-in-aan-caddeyn-loo-hayn-ku-gambashada-argagixisada-waxa-loogu-yeero\/","title":{"rendered":"Xeryaha Qaxootiga DHadhaab oo Q\/M sheegtey in aan caddeyn loo hayn ku gambashada Argagixisada waxa loogu yeero."},"content":{"rendered":"<p>Qaramada Midoobay ayaa maanta sheegtay in wararkii ka oo baxay Mas\u2019uuliyiinta Xukuumadda Kenya ee ahaa, in Xeryaha Dhadhaab ay gabaad ka dhigtaan kooxaha argagaxisada ah aysan ahayn mid xaqiiqo dhab ah loo hayo.<\/p>\n<p>Mas\u2019uuliyiinta Dalka Kenya, ayaa horay u sheegay in Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab oo ay ku jiraan Nus-malyuun qof oo qoxooti ah, kuwaasoo intooda badan ah Somali ay Kooxaha argagaxisada ahi kasoo qaadaan duullaamada ay ka geystaan Kenya.<\/p>\n<p>Balse, Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay &#8211; ayaa Arbacadii Xusay in wararkaas aan Caddeymo dhab ah loo hayn; kaddib Markii Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ay booqdeen Soomaaliya iyo Kenya toddobaadkii lasoo dhaafay.<\/p>\n<p>\u201cWax xaqiiqo ah oo cad looma hayo in xeryaha Qoxootiga deegaanka Dhadhaab ee Kenya ay ku dhex-sugan yihiin kooxaha argagaxisada ah,\u201d ayuu yiri Ergayga Masar ee Qaramada Midoobay, Abdellatif Aboulatta oo ka hadlayay kulan ay Goluhu ku yeesheen xaruntooda Magaalada New York ee dalka Mareykanka.<\/p>\n<p>Hoggaamiyaha Xubnihii Golaha Ammaanka ee booqday dalka Kenya oo ah Ergayga dalka Masar ee QM, ayaa magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya Kulammo kala duwan kula qaatay madaxweynaha Wadanka Kenya, Uhuru Kenyatta iyo mas\u2019uuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda Kenya.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto, ayaa Shirkii Arrimaha Bani\u2019aadamnimada looga hadlayay ee Toddobaadkaan lagu qabtay Magaalada Istanbuul ee Waddanka Turkiga ka sheegay in Xeryaha Dhadhaab ay Khatar weyn ku yihiin Ammaanka dalka Kenya.<\/p>\n<p>Sidoo kale, William Ruto ayaa Xusay in Qoxootiga Soomaaliyeed ee Xeryahaas ku jira dib loogu celinayo Waddankooda, isla markaana la xirayo xeryaha Dhadhaab, isagoo intaas ku daray in Xeryahaan laga soo Abaabulay Weerarradii lagu Qaaday Westgate Mall Sannadkii 2013-kii iyo midkii Jaamacadda Gaariso ee dhacay sannadkii lasoo dhaafay ee 2015-ka.<\/p>\n<p>\u201cWaxaanu haysannaa Xaqiiqooyin aan ku caddeynayno arrintan,\u201d ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne ku xigeenka Kenya, iyadoo Dhawaan ay Mas&#8217;uuliyiinta Kenya Shaaciyeen in ay xirayaan Xeryaha Dhadhaab.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Xeryaha Dhadhaab ee Kenya oo ah kuwa ugu waaweyn Caalamka oo dhan ayaa waxaa ku jira boqolaal kun oo Qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwoas oo Qaar ka mid ah ay ku dhasheen xeryahaas kuna ilmo-dhaleen.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco21.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-28153\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco21.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco21.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco21-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-28154\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank1-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank1-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-28155\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara1.jpg\" alt=\"ttara\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara1.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Qaramada Midoobay ayaa maanta sheegtay in wararkii ka oo baxay Mas\u2019uuliyiinta Xukuumadda Kenya ee ahaa, in Xeryaha Dhadhaab ay gabaad ka dhigtaan kooxaha argagaxisada ah aysan ahayn mid xaqiiqo dhab ah loo hayo. Mas\u2019uuliyiinta Dalka Kenya, ayaa horay u sheegay in Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab oo ay ku jiraan Nus-malyuun qof oo qoxooti ah, kuwaasoo intooda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":28276,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-28274","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28274","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=28274"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28274\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":28275,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28274\/revisions\/28275"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/28276"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=28274"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=28274"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=28274"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}