{"id":28207,"date":"2016-05-25T19:34:47","date_gmt":"2016-05-25T16:34:47","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=28207"},"modified":"2016-05-25T19:36:55","modified_gmt":"2016-05-25T16:36:55","slug":"dalka-turkiga-shirweynihii-ka-socdey-ee-looga-hadlayey-biniaadannimada-oo-lagu-soo-gabangabeeyey-stanbuul","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/05\/dalka-turkiga-shirweynihii-ka-socdey-ee-looga-hadlayey-biniaadannimada-oo-lagu-soo-gabangabeeyey-stanbuul\/","title":{"rendered":"Dalka Turkiga shirweynihii ka socdey ee looga hadlayey Bini&#8217;aadannimada oo lagu soo gabangabeeyey Stanbuul."},"content":{"rendered":"<p>Hoggaamiyayaasha Caalamka, Qaramada Midoobay, Wakiilada deeqbixiyayaasha iyo hay&#8217;adaha gargaarka kuwa caalamiga ah iyo kuwo aan dowliga ahayn, ayaa u fadhiyay shir laba maalmood ah.<\/p>\n<p>Ujeeddada Shirkaan ayaa ahayd sidii wax looga badali lahaa nidaamka wax looga qabto dhibaatooyinka bini&#8217;aadaminimo ee ka dhasha khilaafyada iyo dagaalada, masiibooyinka dabiiciga ah iyo isbadalka cimilada.<\/p>\n<p>Illaa 60 milyan oo qof, ayaa dunida ku guryo beelay, sababahaas awgood, ilaa 130 milyan oo ka mid ah waa dad u baahan in la caawiyo.<\/p>\n<p>Waxaa la sheegay in lagu Guul-darreystay ilaalinta Sharciga Caalamiga ah ee Arrimaha bini&#8217;aadaminimada.<\/p>\n<p>Xoghayaha guud ee QM, ayaa ugu baaqay dowladaha Dunida, ganacsiyada iyo hay&#8217;adaha gargaarku in ay go&#8217;aansadaan in kala bar ay noqdaan tirada dadka guryahooda ka barakacay marka la gaaro sanadka 2030.<\/p>\n<p>Wuxuu yiri waxaan idinku dhiirigalinayaa in aad xal muddada dheer ah u heshaan qaxootiga iyo barakacayaasha si wadajir ahna loo qaybsado mas&#8217;uuliyadda.<\/p>\n<p>Madaxwaynaha Turkiga Tayyib Erdogan, waxaa uu yiri heerka burburka nidaamka bini&#8217;aadaminimo ee dunida wuxuu gaaray mid laga naxo.<\/p>\n<p>Dalka Turkiga waxaa ku sugan ilaa 3 million oo qaxooti ah, waxa uuna sheegay in culayskooda lagu daayay dalka Turkiga.<\/p>\n<p>Tirada ugu badan ee qaxooti ah adduunka oo dhan, ayuu sheegay in uu dalkiisu kaligii martigalinayo.<\/p>\n<p>Wuxuu yiri si siman in loo qaybsado ayaan filaynaa. Hadda kadib waa in cid walba ay mas&#8217;uuliyad iska saartaa.<\/p>\n<p>Madaxwanaha Bank-ga adduunka, Jim Yong Kim, wuxuu xusay in in ka badan 70 sano diiradda la saarayay horumarinta muddada dhexe iyo tan fog, balse dhibaatada bini&#8217;aadaminimo ee dunida ay gaartay heer lagu tilmaamo tii ugu darnayd ilaa dagaalkii labaad ee dunida.<\/p>\n<p>Hadii xeryaha qaxootigu jiraan ilaa labaatan sano in ay arrintu dhaafsiisan tahay jawaab bini&#8217;aadaminimo.<\/p>\n<p>Waxaa laga dooday iyadoo shirad gaar gaar ah ay dhinacyada shirka ka socdaan, oo ku saabsan sidii mowqif midaysan looga qaadan lahaa wax ka qabashada xaaladaha bini&#8217;aadaminimo ee dunida.<\/p>\n<p>Madaxwaynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya ka mid yahay goobaha dhibaatooyinku ka jiraan, horumarka waxyaabaha hortaagan ay ka mid yihiin kooxaha argagixisada, isagoo xusay in dib u dhiska dalka uu muhiim u yahay waxka qabashada bini&#8217;aadaminimada dunida ee sii daciifaysa.<\/p>\n<p>Wuxuu ku dheeraaday muhiimadda ay xawaaladuhu u leeyihiin dalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Dhaqaalaha dalka ayuu sheegay in xawaaladuhu ay kaalin mug leh ka qaataan, oo 40% daqliga dalka soo galo ay yihiin xawaaladaha, ayna ka badan tahay gargaarka dalku ka helo dunida.<\/p>\n<p>30-40% ayuu sheegay in dhaqaalihii dalka ka soo gali jiray uu hoos u dhacay sababo la xiriira bankiyada ganacsi ee dibedda oo xiray akownadoodii.<\/p>\n<p>Madaxwayne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto ayaa isaguna ka codsaday madaxda caalamka in gacan laga siiyo sidii loo xiri lahaa xeryaha qaxootiga Dadaab.<\/p>\n<p>Dowladda Somalia ayaa Kenya ugu baaqday in ay ku soo noqoto wadaxaajoodka sadex geesoodka ah ee labada dowladood iyo Qamada Midoobay u socday.<\/p>\n<p>Waxaa la filayaa waxyaabaha ka soo baxaya in ay ka mid noqdaan qaab cusub oo looga jawaabo dhibaatooyinka soo wajaha bini&#8217;aadamka, maalgalinta gargaarka oo wax laga badalo iyo in la isku raaco si sidii hore ka duwan in loo daryeelo dadka rayidka ah.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco21.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-28153\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco21.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco21.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco21-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-28154\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank1-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank1-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-28155\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara1.jpg\" alt=\"ttara\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara1.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hoggaamiyayaasha Caalamka, Qaramada Midoobay, Wakiilada deeqbixiyayaasha iyo hay&#8217;adaha gargaarka kuwa caalamiga ah iyo kuwo aan dowliga ahayn, ayaa u fadhiyay shir laba maalmood ah. Ujeeddada Shirkaan ayaa ahayd sidii wax looga badali lahaa nidaamka wax looga qabto dhibaatooyinka bini&#8217;aadaminimo ee ka dhasha khilaafyada iyo dagaalada, masiibooyinka dabiiciga ah iyo isbadalka cimilada. Illaa 60 milyan oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":28209,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-28207","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28207","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=28207"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28207\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":28208,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28207\/revisions\/28208"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/28209"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=28207"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=28207"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=28207"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}