{"id":27988,"date":"2016-05-14T17:51:17","date_gmt":"2016-05-14T14:51:17","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=27988"},"modified":"2016-05-14T17:53:04","modified_gmt":"2016-05-14T14:53:04","slug":"dawladda-dalka-kenya-oo-ku-faantey-in-ay-dishey-10-al-shabaab-ah-36-kalena-qabatey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/05\/dawladda-dalka-kenya-oo-ku-faantey-in-ay-dishey-10-al-shabaab-ah-36-kalena-qabatey\/","title":{"rendered":"Dawladda dalka Kenya oo ku faantey in ay dishey 10 AL-shabaab ah 36 kalena qabatey."},"content":{"rendered":"<p>Kenya ayaa sheegtay inay ciidamadeedu hawl-gal ka dhan ah Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ku dileen 10 xoogaggooda ka tirsan, sidoo kalena ay ku dhigeen gacanta 36 kale.<\/p>\n<p>Millateriga Kenya ayaa sheegay in hawl-galka lagu dilay xoogaggan Al-shabaab ka tirsan uu qayb ka yahay hawl-gallo sagaalkii bilood ee lasoo dhaafay laga waday deegaannada xeebta Kenya, kuwaasoo looga horjeedo Al-shabaab.<\/p>\n<p>Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaa sheegtay weerarro is-daba-joog ahaa oo ay ku dhinteen boqollaal qof oo Keenyaan ah, kuwaasoo qaarkood ka dhacay meelo ka mid ah deegaannada ku dhirisan xeebta Kenya.<\/p>\n<p>Taliyaha ciidamada hawl-galkan wada, James Ole Serian ayaa sheegay innay sidoo kale ay hawl-gallada ka socda Boni ay ku burburiyeen qalab ay xoogagga ka tirsan Al-shabaab isticmaali jireen.<\/p>\n<p>\u201cDeegaanka Boni haatan waxaa saldhigyo joogto ah ku leh ciidamadeenna huwanta ah ee Booliiska iyo Millateriga, si aan u xaqiijinno ammaan,\u201d ayuu yiri James oo ku daray intaas. \u201cHawl-galkii u dambeeyay waxaan ku dilay 10 xoogaga Al-shabaab ka mid ah,\u201d ayuu hadalkiisa ku daray.<\/p>\n<p>Sannadkii 2014-kii ayay ahayd markii ugu yaraan 100-qof ay Al-shabaab ku dishay weerar ay ku qaaday deegaanka Mpeketoni oo ka tirsan Lamu. Iyadoo dhawaanna ay Kenya sheegtay inay xirayso Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab oo ay sheegtay inay noqdeen kuwo weerarrada laga soo abaabulo.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa sheegtay inaysan wax weerarro ka abaabulin abid xeryaha Qoxootiga Dhadhaab, inkastoo aysan weli ka haldin hawl-galka la sheegay in lagu dilay xoogag ka tirsan kuwooda.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/salaam-bank1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-27728\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/salaam-bank1-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/salaam-bank1-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/salaam-bank1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/beco22.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-27727\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/beco22.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/beco22.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/beco22-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/tabarak1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-27729\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/tabarak1-150x150.jpg\" alt=\"tabarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/tabarak1-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/tabarak1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kenya ayaa sheegtay inay ciidamadeedu hawl-gal ka dhan ah Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ku dileen 10 xoogaggooda ka tirsan, sidoo kalena ay ku dhigeen gacanta 36 kale. Millateriga Kenya ayaa sheegay in hawl-galka lagu dilay xoogaggan Al-shabaab ka tirsan uu qayb ka yahay hawl-gallo sagaalkii bilood ee lasoo dhaafay laga waday deegaannada xeebta Kenya, kuwaasoo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":27990,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-27988","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27988","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=27988"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27988\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":27989,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27988\/revisions\/27989"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/27990"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=27988"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=27988"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=27988"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}