{"id":27982,"date":"2016-05-14T17:26:08","date_gmt":"2016-05-14T14:26:08","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=27982"},"modified":"2016-05-14T17:27:36","modified_gmt":"2016-05-14T14:27:36","slug":"kulan-looga-arinsanayo-sidii-loola-dagaalami-lahaa-ururka-boko-haraam-oo-ka-dhacay-dalka-naijeria","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/05\/kulan-looga-arinsanayo-sidii-loola-dagaalami-lahaa-ururka-boko-haraam-oo-ka-dhacay-dalka-naijeria\/","title":{"rendered":"Kulan looga arinsanayo sidii loola dagaalami lahaa Ururka Boko haraam oo ka dhacay dalka Naijeria."},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Nigeria, ayaa Marti-gelinaysa shir looga hadlayo Ammaanka, kaasoo maanta\u00a0furmay, waxaana ujeeddadiisa lagu sheegay sidii loosoo af-jari lahaa khataraha ka imaanaya kooxda Boko Haram, iyadoo ay sii kordhayso astaamaha isku soo dhawaanaha wada-shaqeynta Millateri ee quwadaha Gobolka iyo taageerada caalamka.<\/p>\n<p>Madaxda Wadamada jaarka la ah &#8211; Nigeria ee Benin, Cameroon, Chad iyo Niger, ayaa lagu casuumay Shirkaan, iyadoo Sidoo kale ay joogaan wufuud ka kala socota Ururka Midowga Yurub, Galbeedka Afrika iyo Dalalka ku yaalla Bartamaha Afrika.<\/p>\n<p>Kulankaan oo ka dhacaya Magaalada Abuja, ayaa Madaxda Sar-sare ee Ajaanibta ah ee ka qayb-galaya waxaa ka mid ah, Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, ku-xigeenka Xog-hayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken iyo Xog-hayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Britain, Philip Hammond.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Xukuumadda Abuja ayaa Toddobaadkaan sheegtay inay si Guul ah kusoo Af-jartay hawlgalkeeda millateri, iyadoo xustay in Wada-hallada ay harayn doonaan dar-dar-gelinta wax ka qabashada dhibaatada bini\u2019aadamnimo.<\/p>\n<p>Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay goor sii horreysay wuxuu walaac xoog leh ka muujiyay xiriirka sii kordhaya ee ka dhaxeeya Maleeshiyaadka Boko Haram iyo Kooxda isugu yeera Dowladda Islaamka, Xilli Nigeria ay maanta Marti-gelinayso Shir ku saabsan sida loola dagaallami karo xag-jirnimada.<\/p>\n<p>Dhanka kale, War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Amaanka, ayaa lagu sheegay in Boko Haram ay sii waddo Waxyeelleynta nabadda iyo deganaanshaha Galbeedka iyo Bartamaha Qaaradda Afrika.<\/p>\n<p>Boko Haram ayaa Sannadkii hore ku dhawaaqday inay ku biirtay Kooxda Daacish\/ISIS ee ka dagaallanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya, iyadoo la sheegay inay dhawaan Liibiya u dirtay Qaar ka mid ah Dagaal-yahannadeeda, si ay u Caawiyaan ISIS, inkastoo aan la ogeyn Weli halka uu gaarsiisan yahay xiriirka labadan kooxdoo.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Kooxda Islaamiga ee Boko Haram ayaa Shaxda Caalamka ee Argagixisada kaga jirtay inay tahay kooxda geysatay Dilkii ugu badan ee Caalamka ka dhacay sannadkii 2014-kii. Iyadoo qiyaastii 20,000 qof dishay tan iyo 2009-kii.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/beco22.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-27727\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/beco22.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/beco22.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/beco22-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/tabarak1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-27729\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/tabarak1-150x150.jpg\" alt=\"tabarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/tabarak1-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/tabarak1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/salaam-bank1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-27728\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/salaam-bank1-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/salaam-bank1-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/salaam-bank1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Nigeria, ayaa Marti-gelinaysa shir looga hadlayo Ammaanka, kaasoo maanta\u00a0furmay, waxaana ujeeddadiisa lagu sheegay sidii loosoo af-jari lahaa khataraha ka imaanaya kooxda Boko Haram, iyadoo ay sii kordhayso astaamaha isku soo dhawaanaha wada-shaqeynta Millateri ee quwadaha Gobolka iyo taageerada caalamka. Madaxda Wadamada jaarka la ah &#8211; Nigeria ee Benin, Cameroon, Chad iyo Niger, ayaa lagu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":27984,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-27982","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27982","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=27982"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27982\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":27983,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27982\/revisions\/27983"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/27984"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=27982"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=27982"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=27982"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}