{"id":27827,"date":"2016-05-05T19:52:28","date_gmt":"2016-05-05T16:52:28","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=27827"},"modified":"2016-05-05T19:53:46","modified_gmt":"2016-05-05T16:53:46","slug":"dood-ku-saabsan-shaqo-laaanta-iyo-shaqo-abuurka-oo-uu-ka-qeybgeley-wasiirka-maaliyadda-dawlada-federalka-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/05\/dood-ku-saabsan-shaqo-laaanta-iyo-shaqo-abuurka-oo-uu-ka-qeybgeley-wasiirka-maaliyadda-dawlada-federalka-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Dood ku saabsan shaqo la&#8217;aanta iyo shaqo abuurka oo uu ka qeybgeley wasiirka Maaliyadda dawlada federalka soomaaliya."},"content":{"rendered":"<p>Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Somalia, Maxamed Aadan Ibraahim Farkeeti ayaa xalay ka qayb galay Dood ay soo qaban Qaabisay wasaarada dhalinyarada &amp; isboortiga oo looga hadlayey sida ugu habboon ee dhallinyaradu shaqo looga abuuri karo, si looga hor-taga tahriibka iyo shaqo la\u2019aanta baahsan ee dalka ka jirta.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa waxaa Doodda kala qayb-galay Wasiirka Dhalinyaradda iyo Isboortiga DFS Maxamuud C\/llaahi Xasan Nuux, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxman Odowaa, Guddoomiyaha degmadda Waaberi, Aqoonyaho, Ururrada Dhalinyarada iyo Qaar ka mid ah shaqaalaha dowaladda.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Wasiir Farkeeti ayaa aad uga hadlay\u00a0 talaabooyinka Wasaaradda Maaliyadu ay qaaday si dhalinyaradu u helaan shaqooyin, isagoona xusay intii uu joogay Wasaaradda in uu ku guulaystay in Mushaar loo helo dhamaan shaqaalaha dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada,<\/p>\n<p>\u201cWaxaan heshiis la soo galnay soconaya mudo shan sano ah Bangiga aduunka, heshiiskaas ayaa ku qotoma in shaqaalaha dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada la siiyo mushaar joogta ah, Waxaana jira Shuruudo ku xiran bixinta Mushaarkaas illaa haddana dhinaca dowladdu way ka soo baxday, maamuladda goboladuna waxay ku howlan yihiin sidii loo buuxin lahaa shuruudahaas, waxaana arrinkaan naga caawin in kumanan shaqaale Soomaaliyeed ah ay helaan mushaaraad ku filan oo joogta ah. Waxaa intaa dheer in Wasaaradu dhawaan bilaabayso mashruuc cusub oo uu maal galinayo Bangiga Horumarinta Africa kaas oo shaqooyin loogu abuurayo dhalinyarada waxbaratay iyo kuwa xirfadleeyda ah\u201d ayuu yiri Wasiir Farkeeti<\/p>\n<p>Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in xiliyadii hore shaqo abuurka ay door muhiim ah ka qaadan jireen kaabayasha dhaqaalaha sida Beeraha, Xoolaha, iyo Kaluumaysiga, taasna maanta meesha ka maqan tahay\u201d ayuu yiri Wasiir Farkeeti<\/p>\n<p>\u201cDalka 72% shaqada waxaa abuuri jiray wax soosaarka Beeraha, Kaluumaysiga iyo Xoolaha, maantana arinkaas waxaa ku yimid hoos u dhac balaaran, waxaa kale dowladdu lahaan jirtay Warshado faro badan, hadii aan dib loo soo celin kaabayaashii dhaqaalaha oo bur buray way adag tahay in la helo shaqo ku filan dhalinyarada\u201dayauu sii raaciyey Wasiir Farkeeti<\/p>\n<p>Wasiir ayaa ku boorriyey dhallinyarada Soomaaliya inay dalkooda Aaminana kana Waan-toobaan tahriibka,\u201d shalay waxaa saxaafada caalamka iyo tan Soomaalida haystay gabar Soomaaliyeed oo isku gubtay Jaziiradda Nauru ee dalka Australia, iyadoo u aaday inay nolol ka fiican mida Soomaaliya meeshaas ka hesho\u00a0dowladda Australia waxay go\u2019aamisay labo sano ka hor in qofkii magan galyo doon ah la geeyo Jaziiradaas, runtiina waxaa ka nolol fiican ku noolaansha Jaziiradaas Nauru in qofku ka shaqaysto meelaha laga qodo carro kaawada.\u201d<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/mypage.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-27795\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/mypage-150x150.jpg\" alt=\"mypage\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/mypage-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/mypage-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/salaam-bank1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-27728\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/salaam-bank1-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/salaam-bank1-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/salaam-bank1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/beco22.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-27727\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/beco22.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/beco22.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/beco22-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Somalia, Maxamed Aadan Ibraahim Farkeeti ayaa xalay ka qayb galay Dood ay soo qaban Qaabisay wasaarada dhalinyarada &amp; isboortiga oo looga hadlayey sida ugu habboon ee dhallinyaradu shaqo looga abuuri karo, si looga hor-taga tahriibka iyo shaqo la\u2019aanta baahsan ee dalka ka jirta. Wasiirka ayaa waxaa Doodda kala qayb-galay Wasiirka Dhalinyaradda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":27829,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-27827","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27827","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=27827"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27827\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":27828,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27827\/revisions\/27828"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/27829"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=27827"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=27827"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=27827"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}