{"id":27672,"date":"2016-04-14T20:56:41","date_gmt":"2016-04-14T17:56:41","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=27672"},"modified":"2016-04-14T20:58:33","modified_gmt":"2016-04-14T17:58:33","slug":"xildhibaano-kamid-ah-barlamaanka-dawladda-federalka-soomaaliya-oo-kasoo-horjeestey-goaanadii-madasha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/04\/xildhibaano-kamid-ah-barlamaanka-dawladda-federalka-soomaaliya-oo-kasoo-horjeestey-goaanadii-madasha\/","title":{"rendered":"Xildhibaano kamid ah barlamaanka dawladda federalka soomaaliya oo kasoo horjeestey go&#8217;aanadii madasha."},"content":{"rendered":"<p>Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda Khaatumo, Siyaasiyiin iyo Qaybaha Bulshada, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho kaga soo hor-jeestay go\u2019aannadii laga soo saaray Shirkii Madasha Wada-tashiga Qaran ee Muqdisho.<\/p>\n<p>Shirka ayaa waxaa kaloo looga hadlay Doorashada dalka ka dhaceysa 2016-ka iyo qaabka loo qaybsanayo xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka la dhisi doono.<\/p>\n<p>Madaxweynihii hore Khaatumo, Maxamed Yuusuf Jaamac [Indho-sheel] oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay kasoo hor-jeedaan go\u2019aannadii kasoo baxay Shirkii Muqdisho, ayna diidan yihiin, Isagoo xusay inaysan qodobadaas iyaga u cuntameyn.<\/p>\n<p>Qaar ka mid ah Siyaasiyiintii iyo Waxgaradkii ka Qayb-galay kulankaas, ayaa iyaguna sheegay in shirka Madasha lagu xaqiray Maamulka Khaatumo oo ka mid ah maamullada dalka, isla markaana xuquuqdii uu lahaa la duudsiiyay.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Xildhibaan C\/waaxid C\/llaahi Jaamac oo ka hadlay kulanka ayaa isaguna wuxuu sheegay in maamul-goboleedyada dalka ka jira ay yihiin kuwo beeleed, isla markaana masiirka ummadda aanay ka tarjumi karin.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Xildhibaanka ayaa xusay in go\u2019aanadii kasoo baxay shirkii Madasha Wada-tashiga Qaranka ee Muqdisho la horkeenayo Baarlamaanka, isla markaana Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ay ka qaadan doonaan waajibka dastuuriga ah ee ka saaran, iyadoo aanay jiri doonin cid loogu Darnaanayo.<\/p>\n<p>Si kastaba, ha ahaatee, hadalladan ayaa waxay imaanayaan iyadoo dhawaan uu madaxweynaha maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galeydh uu sheegay inay Xiriirka u jareen Dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama ay heshiis aan sharci ahayn ay la gashay maamulka Puntland, kasoo iyaga lagu dulmay.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/beco21.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-27643\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/beco21.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/beco21.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/beco21-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda Khaatumo, Siyaasiyiin iyo Qaybaha Bulshada, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho kaga soo hor-jeestay go\u2019aannadii laga soo saaray Shirkii Madasha Wada-tashiga Qaran ee Muqdisho. Shirka ayaa waxaa kaloo looga hadlay Doorashada dalka ka dhaceysa 2016-ka iyo qaabka loo qaybsanayo xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka la [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":27674,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-27672","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27672","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=27672"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27672\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":27676,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27672\/revisions\/27676"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/27674"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=27672"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=27672"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=27672"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}