{"id":27546,"date":"2016-04-08T19:58:06","date_gmt":"2016-04-08T16:58:06","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=27546"},"modified":"2016-04-08T20:06:42","modified_gmt":"2016-04-08T17:06:42","slug":"khilaafkii-u-dhaxeeyey-turkiga-iyo-israaiil-oo-heshiis-laga-gaareymaxey-ku-heshiiyeen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/04\/khilaafkii-u-dhaxeeyey-turkiga-iyo-israaiil-oo-heshiis-laga-gaareymaxey-ku-heshiiyeen\/","title":{"rendered":"KHilaafkii u dhaxeeyey Turkiga iyo Israa&#8217;iil oo heshiis laga gaarey\/maxey ku heshiiyeen?."},"content":{"rendered":"<p>Turkiga ayaa sheegtay Maanta in la dhameeyay khilaafkii iyada iyo Israa\u2019iil sanadaha ah u dhexeeyay, kaddib Wadahadallo ku dhexmaray magaalada London ee xarunta dalka Britain.<\/p>\n<p>Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, ayaa maanta shaacisay in lasoo af-jaray murankii siyaasadeed ee Turkiga kala dhexeeyay Israa\u2019iil, ayna labadoodu gaareen heshiis rasmi ah oo murankaas lagu dhameynayo.<\/p>\n<p>Khilaafka u dhexeeyay Turkiga iyo Israa\u2019iil ayaa ka billowday markii Ciidammada Israa\u2019iil ay toogasho ku dileen sanadkii 2010-kii shaqaale gargaar oo Turki ah oo la socday Markab gargaar u waday magaalada Gaza oo ay dagaallo ka socdeen; iyadoo Turkiga laga dilay 10-ruux.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Washington ka sheegay toddobaadkii hore inuu rajeynayo in wadahadallada u dhexeeya iyaga iyo Israa&#8217;iil ay ka soo bixi doonaan natiijooyin wax ku ool ah, isagoo Mareykanka kula kulmay ururrada Yuhuudda ee Dalkaas ku nool.<\/p>\n<p>Wadahadallada Turkiga iyo Israa\u2019iil ayaa yimid &#8211; kaddib sannado uu ka dhexeysay khliaaf adag, waxaana ugu dambeyntii dhinacyadan wadahadallada yeeshay ay heshiis is Af-garad ka gaareen khilaafkaas Jimcaha maanta ah.<\/p>\n<p>\u201cErgooyinka labada dhinac waxay sameeyeen horumar weyn oo lagu soo af-jaray murankii mudda dheer u dhexeeyay labada Dowladood iyo Mad-madowgii ku dhex-jiray labada Dal. balse waxaa jira kulan kale oo dhawaan dhici doona,\u201d ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Turkiga bayaan ay maanta soo saartay.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa\u2019iil oo heshiiskaan wax laga weydiiyay ayaa ka gaabsaday inay ka bixiso wax faahfaahin ah. Waxaana wadahadalladii London ka dhacay Israa\u2019iil uga Qayb-galay, Joseph Ciechanover oo ah la taliyaha RW Israa\u2019iil, halka Turkiga uu uga qayb-galay Feridun Sinirlioglu oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda.<\/p>\n<p>\u201cHorumar ballaaran ayaa la sameeyay,\u201d ayuu yiri RW dalka Turkiga, Ahmet Davutoglu oo wareysi siinayay warbaahinta Turkiga, isagoo intaa ku daray. Waxaan filaynaa inaan guulo ka gaari doonno wadahadallada.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Heshiiskan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo israa\u2019iil ay sannadkii 2013-kii ay dowladda Turkiga ka raali-gelisay falkii dhacay, ayna dalbatay in dib loosoo celiyo xiriirkii ka dhexeeyay. Inkastoo Dowladda Turkigu ay uga dhigtay shuruud soo celinta xiriirka inay Israa\u2019iil mag-dhaw ka bixiso dhibbanayaashii ay ciidanka Israa\u2019iil toogteen.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-27366\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Turkiga ayaa sheegtay Maanta in la dhameeyay khilaafkii iyada iyo Israa\u2019iil sanadaha ah u dhexeeyay, kaddib Wadahadallo ku dhexmaray magaalada London ee xarunta dalka Britain. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, ayaa maanta shaacisay in lasoo af-jaray murankii siyaasadeed ee Turkiga kala dhexeeyay Israa\u2019iil, ayna labadoodu gaareen heshiis rasmi ah oo murankaas lagu dhameynayo. Khilaafka u dhexeeyay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":27548,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-27546","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27546","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=27546"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27546\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":27550,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27546\/revisions\/27550"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/27548"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=27546"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=27546"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=27546"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}