{"id":27529,"date":"2016-04-07T22:52:31","date_gmt":"2016-04-07T19:52:31","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=27529"},"modified":"2016-04-07T22:57:13","modified_gmt":"2016-04-07T19:57:13","slug":"london-oo-lagu-aflagaadeeyey-gabdho-soomaaliyeed-isla-markaasna-xiran-xijaab-iyo-indho-shareer","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/04\/london-oo-lagu-aflagaadeeyey-gabdho-soomaaliyeed-isla-markaasna-xiran-xijaab-iyo-indho-shareer\/","title":{"rendered":"LONDON: oo lagu aflagaadeeyey gabdho soomaaliyeed isla markaasna xiran Xijaab iyo indho shareer."},"content":{"rendered":"<p>Muuqaal naxdin leh ayaa waxaa laga duubay Nin af-la-gaadeeyay haweeney Soomaaliyeed oo ku sugnayd dukaan ku yaalla Galbeedka Magaalada London ee xarunta dalka Britain.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Muuqaalkaan &#8211; ayaa muujinayay ninkan oo cay iyo erayo Afla-gaaddo ah isugu daraya Gabadhaas Soomaaliyeed ee Xijaabneyd, iyadoo Muuqaalkaan uu ku baahay baraha ay bulshadu ku xiriirto.<\/p>\n<p>Gabadha falkan foosha xun la kulantay oo 25-jir ah oo laguna Magacaabo Axlaam Saciid, ayaa waxay ku labisnayd xijaab iyo niqaab ama indha-shareer, xilli ay dukaanka ninkan uu ku afla-gaadeeyay ka iibsanaysay waxyaabo macmacaan ah.<\/p>\n<p>Axlaam Siciid oo wareysi siinaysay BBC-da ayaa sheegtay in ninkan oo ah cadaan uu isku dayay inuu gacan u qaado, balse uu dukaanka soo galay wiil Soomaali ah oo ka difaacay in ninkan uu gacan u geysto.<\/p>\n<p>\u201cNinkan wuxuu igu yiri \u2013 erayo afla-gaado oo ku saabsan qaabka aan u labisnaa Xijaab iyo Niqaabka. Waxaana muddo aamusnaan ahayd kaddib ku iri iska aamus, laakiinse wuxuu sii watay afla-gaadadiisii,\u201d ayay tiri Axlaam oo xustay in erayadii uu ninkan ku yiri ay ka mid ahaayeen; In haweenka xijaabka wata ay taageeraan ISIS iyo kooxaha kale ee argagaxisada ah.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Gabadha Soomaaliyeed ayaa sheegtay in hadalladii uu kula hadlay Ninkan ay ka mid yihiin; In Niqaabka ama Indho-shareerku uusan Wanaagsanayn, In Niqaabku yahay maasgaro iyo erayo kale oo aan fiicnayn.<\/p>\n<p>\u201cWiilkii Soomaaliyeed ee i difaacayay, wuxuu ku yiri \u2013 ma Ninkeeda ayaad tahay, maxaad u difaacaysaa. isaguna wuxuu ugu jawaabay inaan saygeeda noqdo daruuri ma ahan ee iska daa gabadha,\u201d ayay hadalkeeda raacisay Axlaam.<\/p>\n<p>Gabadhaan Soomaaliyeed ee Afla-gaadda la kulantay ayaa waxay sheegtay in intii dooddu socotay ay ka qaadaysay muuqaal, laakiin uu mar dambe arkay, Wuxuuna igu yiri bay tiri \u2013 waxaad rabo duub, anniguna waxaan u sheegay inaan baraha bulshada ku faafin doonno.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii, Wargeysyada kasoo baxa Britain ayaa si aad ah Arrintaan wax uga qoray, iyagoo warbixinnadooda ku sheegay in afla-gaaddo loo geystay haweeney muslimad ah oo xijaaban.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-27366\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muuqaal naxdin leh ayaa waxaa laga duubay Nin af-la-gaadeeyay haweeney Soomaaliyeed oo ku sugnayd dukaan ku yaalla Galbeedka Magaalada London ee xarunta dalka Britain. Sidoo kale, Muuqaalkaan &#8211; ayaa muujinayay ninkan oo cay iyo erayo Afla-gaaddo ah isugu daraya Gabadhaas Soomaaliyeed ee Xijaabneyd, iyadoo Muuqaalkaan uu ku baahay baraha ay bulshadu ku xiriirto. Gabadha falkan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":27531,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-27529","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27529","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=27529"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27529\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":27533,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27529\/revisions\/27533"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/27531"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=27529"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=27529"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=27529"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}