{"id":27509,"date":"2016-04-07T21:02:31","date_gmt":"2016-04-07T18:02:31","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=27509"},"modified":"2016-04-07T21:12:14","modified_gmt":"2016-04-07T18:12:14","slug":"isbaheysiga-xisbiyada-siyaasadda-soomaaliya-oo-war-saxaafadeed-ka-soo-saarey-xaaladda-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/04\/isbaheysiga-xisbiyada-siyaasadda-soomaaliya-oo-war-saxaafadeed-ka-soo-saarey-xaaladda-dalka\/","title":{"rendered":"Isbaheysiga Xisbiyada siyaasadda soomaaliya oo war saxaafadeed ka soo saarey xaaladda dalka."},"content":{"rendered":"<table>\n<tbody>\n<tr>\n<td colspan=\"3\" width=\"412\"><strong>Ku:\u00a0 dhammaan Saxaafadda gudaha iyo dibadda<\/strong><\/td>\n<\/tr>\n<\/tbody>\n<\/table>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n<p><strong>Ujeeddo<u>:\u00a0 Warsaxaafadeed<\/u><\/strong><\/p>\n<p>Isbahaysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliyeed (CSPP), wuxuu maalintii shalay oo ay taariiqdu ahayd 6<sup>th<\/sup> April 2016 kulan ay isugu yimaadeen Hogaamiyeyaashiisu ay iskula soo qaadeen xaaladaha dalka gaar ahaan dhibaatooyinka haysta umadda Soomaaliyeed kuwooda wadanka gudihiisa jooga iyo kuwa dibadda kunool intaba.<\/p>\n<p>Waxaa baryahan dambe baraha bulshadu ay kuxiriirto (Social Media) lasoo galiyay Sawiro muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu laayay gudaha dalka Masar, kuwaasoo lagala baxay qeybo ka mid ah xubnaha jidhkooda ugu muhiimsan sida wadnaha, Kalyaha iyo beerka, kadibna la tolay, waana dhibaato aan indhaha laga qabsan Karin oo aad u foolxun. Nasiib darro xukuumadda Soomaaliya Arrintaasi wax hadal ah oo ay kasoo saartay ma jiraan.<\/p>\n<p>Sidaa darted Isbaysiga ( CSPP), markuu kadooday xaaladahaas iyo kuwo kale oo ay\u00a0 ka mid yihiin Abaaraha,\u00a0 kutakrifalhantida Qaranka Soomaaliyeed, Dhisidda Maamulka gobolada Hiiraan iyo Sh\/dhexe, iyo Heshiiskii Garoowe ee 3dii bishan dhex maray Dowladda federaalka iyo Maamulka Punt-land wuxuu soo saaray Qodobada soo socda:<\/p>\n<ol>\n<li>In Xukuumaddu ay warcad kazoo saarto dhibaatada loogeystay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka Masar lagulaayay islamarkaana u gudbiso dowladda Masar in loo baahan in Sharciga la horkeeno dadkii kadambeeyay dhacdaas foosha xun ee gafka ku ah xuquuqul insaanka.<\/li>\n<li>In Faragalinta khaladka ah ee ay dowlaha qaar ku hayaan Soomaaliya la joojiyo. Isbahaysiga CSPP wuu ka soo horjeedaa faragalin kasta oo wax u dhimeysta dib u yagleelidda Qaranimada Soomaaliya .<\/li>\n<li>Dowladda Soomaaliya waa inay la timaaddaa qorshe cad oo wax looga qabanayo abaaraha soonoqnoqday. Ma habboona in mar walba aanan laheysan qorshe wax looga qabanayo Gaajada iyo Macluusha ay abaaruhu keenaan iyadoo la heli karo in kutagal cad laga yeesho dhammaan Masiibooyinka iman kara.<\/li>\n<li>Waxaa jira in warar sheegaya in Madaxda dowladda qaar ka mid ah ay saxiixeen in Soomaaliya lagu soodaadiyo Qashinka Warshadaha reer galbeedka. ilaa 1.5 million oo Tan sun gaareysa ayaa ay Saxiixeen qaarka mid ah Madaxdaasi. Waxaan ognahay in Suntaasi ay khatar ku tahay dhulka iyo Noolaha kunool, waxaanan soojeedinaynaa in arrintaasi si degdeg ah looga hortagaa.<\/li>\n<li>Dhinaca Heshiiska Dowladda Federaalka iyo Punt-land, waxaa wax laga xumaada ah in Heshiiska la Saxiixay aan lagu soo darin habka Axsaabta badan in dalka laga hirgaliyo si looga baxo hannaanka waxqeybsiga ee 4.5 taasoo ah hannaan Qabyaaladeed oodhibaato ku ah umadda Soomaaliyeed laakiin aan ognahay wadada kaliya ee looga bixi karo inay tahay Tartan dhex mara Xisbiyo Siyaasadeed oo dalka laga Hirgaliyo.<\/li>\n<li>Wixii ka dhacay 28kii Bishan Magaalada B\/weyne, waa wax aad looga xumaado oo Muujinaysa in Xukuumaddu ay ka shaqeynayso iska horkeenka beelaha Soomaaliyeed islamarkaana ay meel kadhac kunoqonayso rajadii laga qabay dhismaha Maamul u sameyntagoboladaHiiraan iyo Shabeelaha dhexe. Dowladdu waa inay ka fogaataa wixii kala fogeyn kara beelaha walaalaha ah ee goboladaas kunool islamarkaana ku ekaataa dowrkeeda fududeynta ah.<\/li>\n<li><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-27366\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/li>\n<\/ol>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ku:\u00a0 dhammaan Saxaafadda gudaha iyo dibadda \u00a0 Ujeeddo:\u00a0 Warsaxaafadeed Isbahaysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliyeed (CSPP), wuxuu maalintii shalay oo ay taariiqdu ahayd 6th April 2016 kulan ay isugu yimaadeen Hogaamiyeyaashiisu ay iskula soo qaadeen xaaladaha dalka gaar ahaan dhibaatooyinka haysta umadda Soomaaliyeed kuwooda wadanka gudihiisa jooga iyo kuwa dibadda kunool intaba. Waxaa baryahan dambe baraha bulshadu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":27511,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-27509","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27509","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=27509"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27509\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":27513,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27509\/revisions\/27513"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/27511"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=27509"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=27509"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=27509"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}