{"id":27499,"date":"2016-04-07T00:02:42","date_gmt":"2016-04-06T21:02:42","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=27499"},"modified":"2016-04-07T00:06:07","modified_gmt":"2016-04-06T21:06:07","slug":"madaxweynaha-khatumo-state-oo-sheegey-in-ay-cilaaqaadkii-u-jareen-dawlada-federalka-soomaaliyawaa-maxey-sababtu","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/04\/madaxweynaha-khatumo-state-oo-sheegey-in-ay-cilaaqaadkii-u-jareen-dawlada-federalka-soomaaliyawaa-maxey-sababtu\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha KHatumo State oo sheegey in ay cilaaqaadkii u jareen dawlada federalka Soomaaliya\/waa maxey sababtu?."},"content":{"rendered":"<p>Maamulka Khaatumo ayaa Maanta shaaciyay in xiriirka ay u jareen Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii uu saameyn culus ku yeeshay heshiiskii ay Xukuumadda Somalia iyo maamulka Puntland ay dhawaan ku kala saxiixdeen magaaladda Garoowe.<\/p>\n<p>Kulan ay Mas\u2019uuliyiinta Khaatumo ku yeesheen Magaalada Buuhoodle, ayay kaga hadleen heshiiskii ka dhacay Garoowe oo ay ku sheegeen inuu yahay mid gaf looga galay shacabka ku nool Gobollada &#8211; Sool Sanaag iyo Cayn, sida ay ku sheegeen War-saxaafadeed ay kasoo saareen shirkooda.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galayr oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay muddo dheer ay isku dayeen in dowladda Xasan Sheekh Maxamuud Masiirka ummadda ay metelaan, balse way ka dhego-adaygeen.<\/p>\n<p>\u201cHeshiiska labada wiil ee ilmo adeerka ahi &#8211; ay ku galeen Degmada Garoowe oo Dowladda Federaalka iyo Puntland ay ku matalayeen, waa mid ummadda Soomaaliyeed u horseedaya bur-bur, waxaana leeyahay &#8211; Balaayo daaman la qabtay leedahaye dabo la qabto ma lahan,\u201d ayuu yiri Galayr oo intaas ku daray in wixii ka dhasha kooxaha kaalmaynaya ay ku adkaan doonto xal ka gaaristooda.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Galeydh ayaa ugu baaqay bulshada reer Khaatumo, inay isku tashadaan, isgaoo dhinaca kale sheegay in hawsha u taalla ay tahay dagaal ayna xoreynayaan deegaannada ay Somaliland ka haysato.<\/p>\n<p>\u201cWarkeygu wuxuu ku eg-yahay Dawladda Xamar cilaaqaadkii ayaanu ka jarnay, Puntland-na awalba khayr badan nooma dhexayn,\u201d ayuu Prof. Cali Khaliif Galaydh hadalkiisa kusoo Gunaanaday.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, War-saxaafadeedka Khaatumo ayaa waxaa keenay, kaddib markii Puntland Qalinka loogu duugay inay Magacaabaan Xildhibaannada beelihii dhistay Puntland, taasoo bannaanka ka dhigtay Maamulka Khaatumo in ay soo xulaan cid u metesha labada Aqal ee \u00a0Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lasoo dooran doono dhawaan.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-27366\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maamulka Khaatumo ayaa Maanta shaaciyay in xiriirka ay u jareen Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii uu saameyn culus ku yeeshay heshiiskii ay Xukuumadda Somalia iyo maamulka Puntland ay dhawaan ku kala saxiixdeen magaaladda Garoowe. Kulan ay Mas\u2019uuliyiinta Khaatumo ku yeesheen Magaalada Buuhoodle, ayay kaga hadleen heshiiskii ka dhacay Garoowe oo ay ku sheegeen inuu yahay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":27502,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-27499","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27499","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=27499"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27499\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":27503,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27499\/revisions\/27503"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/27502"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=27499"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=27499"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=27499"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}