{"id":27442,"date":"2016-04-02T22:51:59","date_gmt":"2016-04-02T19:51:59","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=27442"},"modified":"2016-04-03T04:34:05","modified_gmt":"2016-04-03T01:34:05","slug":"isbaheysi-qiimeyn-doonta-soomaalida-oo-muqdisho-lagaga-dhawaaqey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/04\/isbaheysi-qiimeyn-doonta-soomaalida-oo-muqdisho-lagaga-dhawaaqey\/","title":{"rendered":"Isbaheysi qiimeyn doonta soomaalida oo muqdisho lagaga dhawaaqey."},"content":{"rendered":"<p>Magaalada Muqdisho, ayaa Maanta looga dhawaaqay Is-baheysi loogu magac-daray Rajada Somalia; iyadoo furitaankiisa ka qayb-galeen qaybaha kala duwana ee bulshada iyo bahda saxaafadda.<\/p>\n<p>Ugu horreyn, Waxaa goobta ka hadlay, Faahfaahinna ka bixiyay Isbahaysiga Rajo C\/casiis Maxamuud Maxamed oo ka mid ah aasaasayaasha isbaheysigan, isagoo sheegay in ujeedka loo daah-furay ay tahay &#8211; inuu qiimeyn ku sameeyo dadka Soomaaliyeed ee dadkooda wax u qabtay.<\/p>\n<p>\u201cIsbahesiga RAJO kuma shaqeeyo qabiil, siyaasad, koox, IWM, laakiinse wuxuu u taagan yahay inuu bulshadiisa wax u qabto,\u201c ayuu yiri C\/casiis oo intaa raaciyay in bilooyinka soo socda uu qiimeyntaas billaabi doono, ayna bisha August 2016-ka, ay ku dhawaaqi doonaan cidda ku guuleysatay abaal-marinta oo ah mid aad u qiimo badan, isagoo dhinaca kale ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed oo dhan in ay u Gurmadaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.<\/p>\n<p>Xubihii kale ee halkaas ka hadlay Waxaa ka mid ahaa; Diini Maxamed Diini oo u hadlayay SOSCENSA, isagoo sheegay in bulshada rayidka ay so dhaweynayaan isbaheysiga Rajo oo uu tilmaamay inuu yahay mid bulshadeena wax u qabanaya isagoo ugu baaqay dhammaan qaybaha kala duwan ee Warbaahinta inay ka Qayb-qaataan u gurmashada dadka Abaaraha dalka ka jira saameynta ku yeesheen.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Maxamed Maxamuud Ducaale oo Xubin ka ah Isbaheysigan Rajo oo ka hadlay goobta, ayaa sheegey in Dadka Soomaaliyeed marka ay fikirkooda isku dar-sadaan ay wax badan qabsan karaan, wuxuuna raaciyay. \u201cIsbaheysiga Rajo wuxuu Qiimeyn doonaa oo uu Abaar-marin guddoonsiin doona cid kasta oo waddankaan iyo dadkaan wax u qabta.\u201d<\/p>\n<p>\u201cSomalia waxy leedahay 300 oo waadi, kuwaasoo soo rogo biyo badan, marka waa Nasiib-darro in biyahaas aan laga faa\u2019iideysan,&#8221; ayuu intaa ku daray Ducaale oo xusay in bulshada looga baahan yahay inay la yimaadaan hal-abuur ay dalkooda ku dhistaan<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Haweenka Magaalada Birmingham ee waddanka Britain, Xaali Cali Siyaad ayaa iyana sheegtay in ay dhankooda soo dhaweynayaan Isbaheysiga Rajo, iyadoo Ballan-qaaday inay dadka Soomaaliyeed ee dibadaha dalka ku nool ay gaarsiinayso isbahaysigaan. Waxayna intaas raacisay. \u201cWaa markii u horreysay ee aan maqlo Isbaheysi aan lahayn wax xafiis ah, marka waa inaan isbahaysigaan la shaqeynaa.\u201c<\/p>\n<p>Waxaa magaca saxaafadda Soomaalida ku hadlay Ismaaciil Khaliifa oo goobtaas ka ballan-qaaday in bahda Warbaahintu la shaqeynayaao, ayna siin doonaan wixii warbixin oo ku saabsan xaaladaha ka jira Soomaaliya.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii, Hal-ku-dhigga Rajo ayaa ah; \u201cSoo nooleynta Dalkeenii Burburay\u201d \u201cDib u eegista Dareenka Dadweynaha\u201d \u201cDaris-wanaag iyo Nabad lagu Diirsado\u201d \u201cDadaal iyo Dul-qaad Daruuf kastoo nala soo darista\u201d \u201cDanta guud oo loo wada dadaalo\u201d &amp; \u201cU danqashada Dalkeenna dihan.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-27366\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Magaalada Muqdisho, ayaa Maanta looga dhawaaqay Is-baheysi loogu magac-daray Rajada Somalia; iyadoo furitaankiisa ka qayb-galeen qaybaha kala duwana ee bulshada iyo bahda saxaafadda. Ugu horreyn, Waxaa goobta ka hadlay, Faahfaahinna ka bixiyay Isbahaysiga Rajo C\/casiis Maxamuud Maxamed oo ka mid ah aasaasayaasha isbaheysigan, isagoo sheegay in ujeedka loo daah-furay ay tahay &#8211; inuu qiimeyn ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":27449,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-27442","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27442","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=27442"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27442\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":27443,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27442\/revisions\/27443"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/27449"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=27442"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=27442"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=27442"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}