{"id":27434,"date":"2016-04-02T20:05:00","date_gmt":"2016-04-02T17:05:00","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=27434"},"modified":"2016-04-02T20:10:50","modified_gmt":"2016-04-02T17:10:50","slug":"amisom-oo-sheegtey-in-hawlgal-wadajir-ah-ay-ku-dileen-hugaamiye-sare-al-shabaab-ah-iyo-qaar-kale","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/04\/amisom-oo-sheegtey-in-hawlgal-wadajir-ah-ay-ku-dileen-hugaamiye-sare-al-shabaab-ah-iyo-qaar-kale\/","title":{"rendered":"Amisom oo sheegtey in hawlgal wadajir ah ay ku dileen hugaamiye sare AL-shabaab ah iyo qaar kale."},"content":{"rendered":"<p>AMISOM ayaa ku sheegay bayaan ay soo saareen maanta in Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay howlgal ay si wadajir xalay u fuliyeen deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada hoose, ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Taliyaha AMISOM ee Qaybta 1-aad, Jen, Sam Okiding ayaa xaqiijiyay in hogaamiyaha ay dileen lagu magacaabi jiray, C\/rashiid Buq-dube, isagooo xusay in hawlagalkaas lagu dilay 22 xubnood oo kale oo ka tisranaa Al-shabaab oo la socday hoggaamiyahan sare.<\/p>\n<p>\u201cHawl-galkaan lagu dliay Sarkaalkan iyo xubnaha kale ee Al-shabaab ka tirsan ayaa isugu jiray duqeyn cirka ah iyo kuwo dhulka ah oo ay wadajir u fuliyeen ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia,\u201d ayuu yiri Jen. Sam Okiding.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Taliyaha ayaa xusay, in tiro kale oo ka tirsanaa Al-shabaab, lagu dilay iyagana hawlgallo kale labadii maalmood ee u dambeeyay kaddib markii ay isku dayeen inay hor-istaagaan oo ay arbushaan ciidamada AMISOM iyo kuwa DF oo waday hawlo horumarin ah oo ay ka mid yihiin; dayactirka ceelasha iyo nadiifinta waddooyinka.<\/p>\n<p>\u201cAMISOM iyo Ciidanka DF Somalia, waxay sii wadi doonaan Nadiifinta Waddooyinkaan, iyadoo illaa hadda la dhameystiray laba wado oo muhiim ah: Mid ka mid waxay isku-xirtaa Beledul-amiin iyo Qoryooley, halka tan labaad ay isku xirto Beledul-amiin &amp; Shalanbood. Waxaan hadda nadiifineynaa tan isku xirto Buufow iyo Jannaale, halkaasoo ay Al-Shabaab iska caabin kala hor-yimaadeen ciidamada,\u201d ayuu hadalkiisa ku daray Jen. Okiding.<\/p>\n<p>Wuxuu Jen. Sam Okidin intaas ku daray in ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS ay sii wadi donaan inay Al-shabaab ka saaraan deegaanada ay haystaan ee ku xeeran Janaale, si Dadka deegaanadaas looga xoreeyo cadaadiska Alshabaab.<\/p>\n<p>\u201cAl-shabaab isma qarin karaan\u2026 waana wadi doonaa inaan u diidno inay helaan goobo ay ku badbaadaan si shacabka looga xoreeyo kooxaha argagixisada,\u201d ayuu kusoo gunaanaday hadalkiisa Jen. Sam Okiding.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii, Hadalkaan kasoo baxay AMISOM ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli uu madaxweynaha Somalia sheegay habeen hore in ciidanka DF Somalia iyo kuwa AMISOM ay billaabeen hawl-gallo ka dhan ah Al-shabaab ah.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-27366\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>AMISOM ayaa ku sheegay bayaan ay soo saareen maanta in Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay howlgal ay si wadajir xalay u fuliyeen deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada hoose, ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya. Taliyaha AMISOM ee Qaybta 1-aad, Jen, Sam Okiding ayaa xaqiijiyay in hogaamiyaha ay dileen [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-27434","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27434","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=27434"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27434\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":27437,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27434\/revisions\/27437"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=27434"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=27434"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=27434"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}