{"id":27410,"date":"2016-04-01T20:29:16","date_gmt":"2016-04-01T17:29:16","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=27410"},"modified":"2016-04-01T20:33:44","modified_gmt":"2016-04-01T17:33:44","slug":"maamulka-galmudug-oo-ku-baaqey-in-laga-digtoonaado-askareynta-caruurta-yar-yar-iyagoo-yiri-al-shabaab-wax-halaga-qabto","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/04\/maamulka-galmudug-oo-ku-baaqey-in-laga-digtoonaado-askareynta-caruurta-yar-yar-iyagoo-yiri-al-shabaab-wax-halaga-qabto\/","title":{"rendered":"Maamulka Galmudug oo ku baaqey in laga digtoonaado askareynta caruurta yar yar iyagoo yiri AL-shabaab wax halaga qabto."},"content":{"rendered":"<p>Maamul-goboleedka Galmudug ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed uu Maanta soo saaray, walaac kaga muujiyay kana digtay askareynta carruurta ee Al-shabaab, iyagoo ugu baaqay Beesha Caalamka in Caruurtaas wax lala qabto. Galmudug ayaa xustay in dagaalladii dhawaan ay xoogag ka tirsan Al-shabaab kula galeen deegaanno ka tirsan kuwa Galmudug ay kusoo qabteen maxaabiis 110-qof ah, kuwaasoo ay sheegeen in 38 ka mid ah ay yihiin caruur da\u2019adoodu 18-jir ay ka yar tahay.<\/p>\n<p>Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Galmudug, Maxamuud Cabdi Cismaan (Masaga-waa), ayaa war-saxaafadeedka ku yiri. \u201cWalaac weyn bay nagu haysaa inaan aragno carruurteenii Soomaaliyeed oo ay Al-shabaab Askareynayso si ay u dagaal-geliyaan. Waana nasiib-darro in lagu gubo dagaallada carruur Soomaaliyeed oo ah mustaqbalka dalka.<\/p>\n<p>Diinteena suuban, xeerarka dalkeena iyo kuwa caalamiga ahba &#8211; ma ogola in sharafka iyo karaamada caruurta wax loo dhimo. Falkan aad baan u cambaareyneynaa ugana digaynaa kooxaha argagaxisda ah inay si deg-deg ah u joojiyaan dagaal-gelinta carruurta Soomaaliyeed.\u201d<\/p>\n<p>Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in Galmudug ay ku dadaalayso in 38-kaan qof ee caruurta ah laguna soo qabtay dagaallada si wanaagsan loola dhaqmayo oo loo fidiyo daryeel, balse waxay Galmudug u baahan tahay kaalmmo Caalamiga ah, si carruurta loo xannaaneeyo.<\/p>\n<p>\u201cMaamulka Galmudug&#8230; waxaa ka go&#8217;an in 38 caruurta ah ee lasoo qabtay iyo Maxaabiista kaleba la xannaaneeyo oo ay helaan dhaqan-celin &amp; daryeel wanaagsan, si ay bulshadooda uga mid noqdaan oo ay ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarka dalka. Laakiinse Galmudug ahaan ma haysanno xarumihii lagu xannaaneyn lahaa oo Dhaqan-celin loogu sameyn lahaa.<\/p>\n<p>Sidoo kale ma heysano dhaqaalihii caruurtan loogu fidin lahaa daryeelka iyo dhaqancelinta ay u baahan yihiin,\u201d ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka warfaafinta Galmudug.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug, Masaga-waa, ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka, Ganacsatada &amp; Bulshada Soomaaliyeed inay gaan ka geystaan qorshaha dhaqan-celinta carruurtan oo muhiim ah inay helaan daryeel fiican, Waxbarasho iyo in laga wacyi-geliyo sidii ay uga shaqeyn lahaayeen nabadeynta iyo horumarka waddankaas.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maamul-goboleedka Galmudug ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed uu Maanta soo saaray, walaac kaga muujiyay kana digtay askareynta carruurta ee Al-shabaab, iyagoo ugu baaqay Beesha Caalamka in Caruurtaas wax lala qabto. Galmudug ayaa xustay in dagaalladii dhawaan ay xoogag ka tirsan Al-shabaab kula galeen deegaanno ka tirsan kuwa Galmudug ay kusoo qabteen maxaabiis 110-qof ah, kuwaasoo ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-27410","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27410","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=27410"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27410\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":27412,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27410\/revisions\/27412"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=27410"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=27410"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=27410"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}