{"id":27374,"date":"2016-03-31T00:18:22","date_gmt":"2016-03-30T21:18:22","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=27374"},"modified":"2016-03-31T00:24:06","modified_gmt":"2016-03-30T21:24:06","slug":"madaxweynaha-dalka-kenya-oo-xildhibaan-tim-wanyonyi-uu-ka-codsadey-in-soomaaliya-laga-soo-saaro-ciidamada-kdf","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/03\/madaxweynaha-dalka-kenya-oo-xildhibaan-tim-wanyonyi-uu-ka-codsadey-in-soomaaliya-laga-soo-saaro-ciidamada-kdf\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha dalka Kenya oo xildhibaan TIM WANYONYI uu ka codsadey in soomaaliya laga soo saaro ciidamada KDF."},"content":{"rendered":"<p>Xildhibaan Tim Wanyonyi oodeegaanka Westlands ee waddanka Kenya\u00a0laga soo doorto, ayaa sheegay in Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ay tahay inuu ka laabto qorshihiisa ah in ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ay sii joogaan gudaha Soomaaliya.<\/p>\n<p>Mudanaha oo ka hadlayay Baarlamaanka Kenya Talaadadii shalay ahayd, ayaa sheegay in laga doonayo Xukuumadda in ay qorshe cad u dajiso sidii looga soo saari lahaa ciidamada Kenya gudaha Somalia, isagoo xusay inaanu jirin waqti dheeri ah oo Soomaaliya sii joogi karaan ciidamada Kenya ee KDF-ta.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa la joogaa xilligii madaxweynaha uu shacabka u sheegi lahaa xilliga uu Ciidamada Kenya kasoo saarayo Somalia, waayo ciidankeena KDF muddo fog ayay joogaan halkaas,\u201d ayuu xildhibaanka hadalkiisa ku daray.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Wuxuu intaas raaciyay in Madaxweyne Kenyatta ay ka doonayaan inuu sheego tirada saxda ah ee looga dilay ciidamada Kenya weerarkii Al-shabaab ay ku qaadday 15-kii Jannaayo, 2016-ka saldhigga AMISOM ee Ceel-cadde.<\/p>\n<p>\u201cMa garanayno illaa hadda tirada saxda ah ee ciidamada Kenya looga dilay weerarkii Ceel-cadde\u2026 Halka dalal kale ay sheegayaan tirooyinka ciidamadeena looga dilay Weerarkaas,&#8221; ayuu ku daray hadalkiisa xildhibaan Tim Wanynoyi.<\/p>\n<p>Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay weerarka ku dileen 63 ka mid ah askartii Kenya ee xeradaas ku sugnaa kuwo kalena ay qafaasheen, laakiin markii dambe ayay sheegeen inay tiradu gaarayso 100-askari, halka xukuumadda Kenyana ay xaqiijisay inay jiraan askar ka tirsan ciidamadooda oo la qafaashay.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa 28-kii bishii Jannaayo ee sannadkan 2016-ka, wuxuu sheegay in ciidamada Kenya aanay kasoo bixi doonin Somalia, Xilli uu taagnaa buuq ka dhashay Ciidamadii Kenya ee Al-shabaab ay ku laysay Weerarkii Xerada Ceel-cadde ee gobolka Gedo.<\/p>\n<p>\u201cCiidamadeenu way sii joogi doonaan Somalia\u2026 askarteena qaarkood ayaa la dilay, kuwo kalena way naga maqan yihiin,\u201d ayuu ku yiri Uhuru Kenyatta hadalo uu Shacabka Kenya u jeediyay maalintaas. Isagoo intaas ku daray. \u201cWaxay doonayaan inaan ka cararno Somalia, balse taas ma yeelayno, waxaana xag-jiriinta ku ugaasan doonnaa meel walba oo ay galaan, waxaana Somalia kasoo bixi doonnaa marka aan hawl-galladeenna soo gaba-gabeyno.\u201d<\/p>\n<p>Balse, Xildhibaan Wanyonyi ayaa sheegay inay Xukuumadda Jubilee ku Guul-darreysatay inay wax ka qabto ammaanka guud ee dalka Kenya, taasoo sheegay in ay ka mid tahay iska indho-tiridda ay xaqiiqooyinka jira isaga daboolayso.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Guddiga Difaacaa iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Baarlamaanka Kenya, ayaa dhankooda sheegay in Wasiiradda Gaashaandhigga Kenya, Raychelle Omamo ay ka Meer-meerayso inay si cad uga hadasho weerarkii Ceel-cadde.<\/p>\n<p>Gaba-gabadii Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Baarlamaanka Kenya, Xildhibaan Ndung&#8217;u Githinji ayaa dhankiisa weydiistay taliyeyaasha ciidanka KDF ee Kenya inay hor-yimaadaan baarlamanka si su\u2019aalo looga weydiiyo weerarkaas iyo wixii khasaare ah ee kasoo gaaray ciidamada Kenya.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-27366\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco21-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xildhibaan Tim Wanyonyi oodeegaanka Westlands ee waddanka Kenya\u00a0laga soo doorto, ayaa sheegay in Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ay tahay inuu ka laabto qorshihiisa ah in ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ay sii joogaan gudaha Soomaaliya. Mudanaha oo ka hadlayay Baarlamaanka Kenya Talaadadii shalay ahayd, ayaa sheegay in laga doonayo Xukuumadda in ay qorshe [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":27376,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-27374","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27374","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=27374"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27374\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":27378,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27374\/revisions\/27378"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/27376"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=27374"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=27374"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=27374"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}