{"id":27346,"date":"2016-03-28T21:44:32","date_gmt":"2016-03-28T18:44:32","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=27346"},"modified":"2016-03-28T21:54:41","modified_gmt":"2016-03-28T18:54:41","slug":"rw-soomaaliya-iyo-mweynaha-puntland-oo-dhagax-dhigey-xarunta-isgaarsiinta-tinoolajiyada-casriga-ah-ee-itc","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/03\/rw-soomaaliya-iyo-mweynaha-puntland-oo-dhagax-dhigey-xarunta-isgaarsiinta-tinoolajiyada-casriga-ah-ee-itc\/","title":{"rendered":"R\/W soomaaliya iyo m\/weynaha Puntland oo dhagax dhigey xarunta war faafinta kuna hawl geli doonta tinoolajiyada casriga ah ee ITC."},"content":{"rendered":"<p>Madaxeynaha Puntland, C\/weli Maxamed Cali Gaas iyo RW Soomaaliya, Cumer C\/rishiid Cali Sharma\u2019arke, ayaa Maanta si Wadajir ah u\u00a0Dhagax-dhigay dhismaha cusub ee wasaaradda warfaafinta Puntland.<\/p>\n<p>Dhismahan ayaa noqon doono mid lagu dardar-gelin doono isgaarsiinta Puntland iyadoo la adeegsanayo tiknoolojiyadda casriga ah (ICT); waxaana maal-gelinaya Bangiga Adduunka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Puntland, Dr. C\/weli Maxamed Cali ayaa sheegay in nidaamkani uu wax badan kusoo kordhin doono\u00a0Nidaamka is-dhaafsiga Xogaha ee Wasaaradaha Puntland iyo weliba shirkadaha isgaarsiinta Puntland.<\/p>\n<p>\u201cWaa barnaamij wax badan ka beddeli doona aqoonta, is-dhaafsiga xogaha iyo isgaarsiinta, waa mashruuc leh wejiyo kala duwan oo hadda Wejigiisii 1-aad oo uu Bangiga Adduunku maal-gelinayo &#8211; aynu maanta dhagax-dhignay, Waxaana ku xigi doonaan mashaariic kale,\u201d ayuu yiri Madaxweyne C\/weli Gaas.<br \/>\nSidoo kale, madaxweyne Gaas\u00a0ayaa uga mahad-cliayay RW Soomaaliya oo Xukuumadiisu door ku lahayd hirgelinta mashruucaan muhiimka u ah Puntland, Qaybna ka ah Deeqaha ay Somalia siiso Beesha Caalamka.<\/p>\n<p>\u201cRa\u2019iisul Wasaare Cumar C\/rashiid waxaan kaaga mahad-celinayaa inaad nagala soo qayb-gashid dhagax-dhigga mashruucan, qaybna aad ka ahaataan adiga iyo xukuumaddaada Hir-gelinta mashruucan oo runtii ah waxyaabihii ay Puntland ka filaysey Dowladda federaalku inay la qaybsato, isla markaana ay deeqaha loogu talo-galay Somalia ay Puntland ka hesho wixii ay xaqa u lahayd,\u201d ayuu yiri Madaxweyne Gaas.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, Wasiirka warfaafinta Puntland iyo Wasiirka Boostada Somalia oo goob-joog ka ahaa dhax-dhigga xaruntan cusub, ayaa sheegay in Puntland iyo Soomaaliya ay ka wada faa\u2019iideysan doonaan sidii lagu tala-galay.<\/p>\n<p>RW Sharma\u2019arke, oo dhiciniisa hadalka qaatay ayaa sheegay in ay waajib tahay in Somalia oo dhan lagu baahiyo deeqaha dowladda Soomaaliya ay ku caawiyaan Waddamada\u00a0Beesha Calaamka.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii RW Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland C.weli Gaas ayaa si wadajir ah u booqday dhaawac askartii Puntland ee la dagaaalamay Al-shabaab ee ay dhaawacyadu kasoo gaareen dagaalkaas oo lagu daweynayo Garoowe.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-27169\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco2.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxeynaha Puntland, C\/weli Maxamed Cali Gaas iyo RW Soomaaliya, Cumer C\/rishiid Cali Sharma\u2019arke, ayaa Maanta si Wadajir ah u\u00a0Dhagax-dhigay dhismaha cusub ee wasaaradda warfaafinta Puntland. Dhismahan ayaa noqon doono mid lagu dardar-gelin doono isgaarsiinta Puntland iyadoo la adeegsanayo tiknoolojiyadda casriga ah (ICT); waxaana maal-gelinaya Bangiga Adduunka. Madaxweynaha Puntland, Dr. C\/weli Maxamed Cali ayaa sheegay in [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":27349,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-27346","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27346","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=27346"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27346\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":27351,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27346\/revisions\/27351"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/27349"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=27346"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=27346"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=27346"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}