{"id":27252,"date":"2016-03-24T19:32:24","date_gmt":"2016-03-24T16:32:24","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=27252"},"modified":"2016-03-24T19:36:26","modified_gmt":"2016-03-24T16:36:26","slug":"jaamacadda-muqdisho-oo-ay-ka-qalinjabiyeen-dufcaddi-15aad-iyagoo-wiilal-iyo-gabdhaba-isugu-jira","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/03\/jaamacadda-muqdisho-oo-ay-ka-qalinjabiyeen-dufcaddi-15aad-iyagoo-wiilal-iyo-gabdhaba-isugu-jira\/","title":{"rendered":"Jaamacadda muqdisho oo ay ka qalinjabiyeen dufcaddi 15&#8217;aad iyagoo wiilal iyo gabdhaba isugu jira."},"content":{"rendered":"<p>Munaasabad ballaaran oo ay ka qayb-galeen qaybaha bulshada Soomaaliyeed &#8211; sida: Bahda waxbarashada, Ganacsatada, isgaarsiinta, waaliddiin, maamulka, macallimiinta iyo ardayda Jaamacadda Muqdisho, ayaa Hotel Shaamow maanta lagu qabtay, taasoo ay ku qalin-jabinayeen Dufacaddii 15-aad oo ka Af-laxay Jaamacadda.<\/p>\n<p>Munaasabadda, ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay mas\u2019uulka tirsan Jaamacadda Muqdisho kana mid ahaa Gudigga qaban-qaabada munaasabada, Cali Daahir Maxamed\u00a0 ayaa sheegay in Ardayda maanta qalin-jabisay ay ka kooban yihiin laba qayb oo kala ah; kuwo ka Qalin-jabiyay Shahaadada Koowaad oo gaaraya &#8211; 430-arday oo ka baxay Toddobada kulliyadood oo ka mid ah sagaalka kulliyadood ee ay ka kooban tahay Jaamacadda Muqdisho iyo kuwo kale oo shahaadada labaad ee Master-ka ka qalin-jabiyay oo gaaraya 98-arday oo wiilal iyo gabadho isugu jiray.<\/p>\n<p>Dr. Cali Baashi Cumar oo ka mid ah gudigga sare ee Jaamacada ayaa isna u hambalyeeyay Ardayda qalin-jabiyay maanta, isagoo yiri \u2018Ummadi hormar waxay ku gaari kartaa cilmiga, waana tan maanta aan u joogno halkan\u2019 isagoo dhanka kalena Ammaanay horumarka ay ku tallaabsatay Jaamacadda Muqdisho.<\/p>\n<p>Sidoo kale, waxaa isagana xafladda ka hadlay Hormuudka daraasaadka sare ee Jaamacadda Muqdisho, Dr. Cilmi Dhuxulow Gacal, isagoo ardaydii qalin-jabiyay u sheegay in ummada lasoo hagi jiray, balse maanta ay Hagid iyo Hoga-tusaaleyn looga fadhiyo, taasoo uu xusay inay tahay midda ay wax u baranayeen.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Jaamacada Banaadir, ahna guddoomiye ku xigeenka Daladda Somali RAN oo ah Dalladda Waxbarashada iyo Cilmi-barista Somalia oo ay ku mideysan yihiin Qaar ka mid ah Jaamacadaha Somalia ka jira, Dr. C\/risaaq Axmed Dalmar, ayaa ka sheegay xaflada in Jaamacada Muqdisho ay ka mid tahay kuwa ugu fir-fircoon Dalladda Somali RAN, kana mid tahay aas-aasayaasheedii, isagoo ku Amaanay inay ahayd Jaamacadihii ugu Horreeyay ee dagaalladii sokeeya kaddib dalka laga furay, ayna noqotay tusaale lagu daydo.<\/p>\n<p>Munaasabada waxaa soo xiray guddoomiye ku xigeenka arrimaha maamulka Jaamacadda Muqdisho, Dr, Ibraahim Maxamed Mursal oo isagana ka sheekeeyay marxaladihii ay soo martay Jaamacadda iyo meesha ay higsanayso mustaqbalka.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Waxaa munaasabada laga soo jeediyay waxyaabaha mustaqbalka dhaw iyo kan fogba ay tiigsanayso Jaamacadda Muqdisho, kuwaasoo kala ahaa;<\/p>\n<ol>\n<li>Tayeynta iyo kor u qaadidda Heerarka Waxbarashada Jaamacadeed.<br \/>\n2. In Macallimiinta Jaamacadda ay noqdaan kuwo haysta PhD, 25-ka sano ee soo socda<br \/>\n3. Manhajka Waxbarashadana in kor loo qaado.<br \/>\n4. Ummaduhu cilmi ayay ku horumaraan, waana cilmiga la karaameeyo.<\/li>\n<li><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-27169\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco2.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/li>\n<\/ol>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Munaasabad ballaaran oo ay ka qayb-galeen qaybaha bulshada Soomaaliyeed &#8211; sida: Bahda waxbarashada, Ganacsatada, isgaarsiinta, waaliddiin, maamulka, macallimiinta iyo ardayda Jaamacadda Muqdisho, ayaa Hotel Shaamow maanta lagu qabtay, taasoo ay ku qalin-jabinayeen Dufacaddii 15-aad oo ka Af-laxay Jaamacadda. Munaasabadda, ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay mas\u2019uulka tirsan Jaamacadda Muqdisho kana mid ahaa Gudigga qaban-qaabada munaasabada, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":27254,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-27252","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27252","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=27252"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27252\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":27256,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27252\/revisions\/27256"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/27254"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=27252"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=27252"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=27252"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}