{"id":27231,"date":"2016-03-24T01:05:27","date_gmt":"2016-03-23T22:05:27","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=27231"},"modified":"2016-03-24T01:07:30","modified_gmt":"2016-03-23T22:07:30","slug":"caasimadda-burundi-bujumbura-oo-lagu-toogtey-sarkaal-ay-isu-hawaayeen-madaxweynaha-dalkaasi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/03\/caasimadda-burundi-bujumbura-oo-lagu-toogtey-sarkaal-ay-isu-hawaayeen-madaxweynaha-dalkaasi\/","title":{"rendered":"Caasimadda Burundi Bujumbura oo lagu toogtey sarkaal ay isu hawaayeen madaxweynaha dalkaasi."},"content":{"rendered":"<p>Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Burundi oo si aad ah ugu dhawaa madaxweynaha dalkaas, Pierre Nkurunziza ayaa lagu dilay toogasho shalay oo Talaado ahayd, sida ay sheegtay xukuumadda dalkaas. Inkastoo aan la sheegin kooxaha dilay sarkaalkaan cidda ay ka tirsan yihiin.<\/p>\n<p>Lt. Col. Darius Ikurakure ayaa lagu dhex-toogtay xarun ay Ciidamada Burundi ku leeyihiin magaalada Bujumbura, sida ay saraakiil ka tirsan millateriga dalkaas u sheegeen wakaalada wararka ee AP, kuwaasoo diiday in magacyadooda lagu xuso warbixinta, sababo la xiriira inaan loo ogoleyn inay warbaahinta la hadlaan.<\/p>\n<p>Wararka ayaa\u00a0sheegaya, in sarkaalkaan la toogashada lagu dilay uu ahaa taliyihii saldhigga ciidamada ee Muzinda oo ku yaalla gobolka Bubanza, laakiinse waxaa lagu arkayay bilihii u dabmeeyay isagoo hoggaaminaya howlgallo baaristaan ah oo ciidamadu ka sameynayaan degmooyinka caasimadda, kuwaasoo lagu ugaarsanayay dadka kasoo horjeeda xukuumada, sida ay saraakiishu sheegeen.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Vital Nshimirimana oo ah u dhaq-dhaqaaqe xuquuqda aadanaha dalka Burundi, ayaa u sheegay Warbaahinta, in Ikurakure iyo Ciidamadiisa lagu eedeeyay inay dilal badan oo siyaabo kala duwan uga dhacay xaafadaha xarunta waddanka Burundi ee Bujumbura.<\/p>\n<p>\u201cXaqiiqdii&#8230; dilka taliyaha sare ee lagu dilay xarun ciidamadu leeyihiin waxay u muuqataa inaysan jirin cid ammaan ku haysata gudaha dalka Burundi. Sidoo kale waxay muujinaysaa fogaanta uu leeyahay khilaafka u dhexeeya ciidamada; Burundina ma ahan mid amaan ah,\u201d ayuu hadalkiisa ku daray Nshimirimana.<\/p>\n<p>Colaadaha ka Taagan Burundi tan iyo Bishii Abriil ee Sannadkii hore, ayaa wuxuu Beesha Caalamka ku keenay walaac xooggan oo laga qabo in dalkaas uu dib ugu laabto Colaadihii sokeeye ee sannadkii 2005-tii lasoo af-jaray.<\/p>\n<p>\u201cMarkii dilku dhacay&#8230; kooxihii dilkaan geystayna si\u00a0dhaqso ah ayay ku baxsadeen,\u201d ayuu Afhayeenka ciidamada Burundi Major Cl\u00e9ment Cimana ku sheegay Bayaan uu soo saaray. Isagoo intaa ku daray inay socdaan hawlgallo lagu raadinayo kuwii dilkaan geystay.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Ma jirto illaa hadda cid weli sheegatay mas\u2019uuliyadda dilka Sarkaalka sare ee ka tirsanaa Millateriga Burundi. Wuxuuna dilkani qayb ka noqonayaa dilal horay loogu geystay saraakiil ka tirsan ciidamada Burundi.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-27169\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco2.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Burundi oo si aad ah ugu dhawaa madaxweynaha dalkaas, Pierre Nkurunziza ayaa lagu dilay toogasho shalay oo Talaado ahayd, sida ay sheegtay xukuumadda dalkaas. Inkastoo aan la sheegin kooxaha dilay sarkaalkaan cidda ay ka tirsan yihiin. Lt. Col. Darius Ikurakure ayaa lagu dhex-toogtay xarun ay Ciidamada Burundi ku leeyihiin [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":27233,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-27231","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27231","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=27231"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27231\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":27234,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27231\/revisions\/27234"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/27233"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=27231"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=27231"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=27231"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}