{"id":27226,"date":"2016-03-24T00:55:02","date_gmt":"2016-03-23T21:55:02","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=27226"},"modified":"2016-03-24T00:58:38","modified_gmt":"2016-03-23T21:58:38","slug":"odayaasha-dhaqankahiiraan-iyo-rw-cumar-crashiid-wixii-ay-ka-wada-hadleen-oo-ugaas-xasan-uu-faah-faahin-ka-bixiyey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/03\/odayaasha-dhaqankahiiraan-iyo-rw-cumar-crashiid-wixii-ay-ka-wada-hadleen-oo-ugaas-xasan-uu-faah-faahin-ka-bixiyey\/","title":{"rendered":"Odayaasha dhaqanka Hiiraan iyo R\/W Cumar C\/rashiid wixii ay ka wada hadleen oo Ugaas Xasan uu faah faahin ka bixiyey."},"content":{"rendered":"<p>Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo la hadlayay HOL, ayaa Faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay qodobbadii ay kala hadleen RW Somalia Sharma\u2019arke, kaddib kulan ay maanta duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan iyo Ra&#8217;iisul wasaaruhu ay ku yeesheen magaalada Beledweyne.<\/p>\n<p>Ugaas Xasan ayaa sheegay in labo Qodob oo keliya ay ka wada-hadleen RW Soomaaliya, kuwaasoo kala ahaa; Dib-u-hishiisiin iyo in shirka dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe lagu qabto magaalada Beledweyne.<\/p>\n<p>\u201cAnnaga iyo RW Somalia si furan oo bulshada ay goob-joogayaal ka ahayd ayaan u wada-hadalnay, markii dambana kulan gaar ah ayaan yeelanay, keliya waxaan ka wada-hadalnay labo qodob oo kala ahaa, In dib-u-hishiisiin loo qabto beelaha ku dhaqan gobolka iyo In la dhigo Baladweyne gogosha dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe, Ra&#8217;iisal Wasaaruhuna labadan qodob wax jawaab ah nagama siin, sidaas ayaana kusoo kala tagnay,\u201d ayuu Ugaasku u sheegay WARSOM<\/p>\n<p>Sidoo kale, Ugaaska ayaa dhanka kale soo hadal qaaday qodob sida uu hadalkiisa u dhigay muhiim u ahaa Shirka ay la qaateen ra&#8217;iisal wasaaraha, kaasoo uu ku tilmaamay maqaamka Gobolka Hiiraan, isagoo intaas ku daray in Dowladda Somalia ay ka dalbadeen in Gobolka uu helo xaqa todobadii gobol kale ee Soomaaliya ay u heleen in loo qaybiyo min labo illaa saddex gobol.<\/p>\n<p>\u201cGobolka Hiiraan &#8211; lixdii Gobol ee Somalia ayuu ku mid ahaa, Siddeedii gobol ayuu sidoo kalana ka mid ahaa, marka suuro-gal ma ahan in haddana uu ka mid ahaado 18-ka gobol ee Soomaalliya, waa in toddobadii gobol ee kale xaqa ay u heleen in la qaybiyo uu helaa ama saamiga uu gobolku wax ku helayo noqdo siddeedii gobol ee Soomaaliya,\u201d ayuu yiri Ugaas Xasan.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, Ugaas Cali Ugaas Muxumed Shafeec oo ka mid ahaa duubabkii dhaqanka ee ka qayb-galay kulankii maanta lala yeeshay RW Somalia, ayaa beeniyay wareysi uu VOA-da uu siiyay Wasiirka Warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] oo sheegay in RW Soomaaliya iyo duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan ay isku Af-gareen in dib loogu laabto shirka Jowhar.<\/p>\n<p>\u201cWaa wax lala yaabo in mas&#8217;uul Dowladdeed uu ka been-abuurto Hoggaamiyayaal dhaqan, iyadoo waxa laga wad-hadlayo ay yihiin masiir ummadeed, annaga iyo RW Somalia marna kama Wada-hadlin shirka Jowhar, labo qodob oo kaliya ayaan hor-dhignay, kuwaasoo kala ahaa; Dib-u-hishiisiinta iyo Shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe in lagu qabto magaalada Beledweyne,\u201d ayuu yiri Ugaas Cali.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, shirkii maanta dhaxmaray duubabka-dhaqanka gobolka Hiiraan iyo wafdiga Dowladda ka socda oo labo qaybood ka koobnaa, ayaa wajigiisa hore waxaa ka qayb-galay oday-dhaqameedka Gobolka iyo xubno ka tirsan qaybaha bulshada oo la socday inta badan Hadalladii ay is-weydaarsanayeen Ugaasyada iyo Mas&#8217;uuliyiinta Dowladda Somalia ee uu Hoggaaminayay Ra&#8217;iisul Wasaare Sharma&#8217;arke.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-27169\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco2.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo la hadlayay HOL, ayaa Faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay qodobbadii ay kala hadleen RW Somalia Sharma\u2019arke, kaddib kulan ay maanta duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan iyo Ra&#8217;iisul wasaaruhu ay ku yeesheen magaalada Beledweyne. Ugaas Xasan ayaa sheegay in labo Qodob oo keliya ay ka wada-hadleen RW Soomaaliya, kuwaasoo kala ahaa; Dib-u-hishiisiin [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":27228,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-27226","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27226","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=27226"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27226\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":27230,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27226\/revisions\/27230"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/27228"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=27226"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=27226"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=27226"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}