{"id":27214,"date":"2016-03-22T18:44:08","date_gmt":"2016-03-22T15:44:08","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=27214"},"modified":"2016-03-22T18:47:29","modified_gmt":"2016-03-22T15:47:29","slug":"dawladaha-cuba-iyo-mareykanka-oo-wali-ku-kala-aragti-duwan-xagga-fekerka-iyo-siyaasadda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/03\/dawladaha-cuba-iyo-mareykanka-oo-wali-ku-kala-aragti-duwan-xagga-fekerka-iyo-siyaasadda\/","title":{"rendered":"Dawladaha Cuba iyo Mareykanka oo wali ku kala aragti duwan xagga fekerka iyo siyaasadda."},"content":{"rendered":"<p>Mareykanka iyo Cuba, ayaa Waxaa u dhexeeya Weli kala aragti-duwanaan dhanka fikirka ah, iyadoo tani ay dibadda u soo baxday, kaddib kulan dhexmaray madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama oo booqasho ku jooga Havana iyo madaxweynaha Cuba, Raul Castro.<\/p>\n<p>Qodobbada ay sida aadka ah uga kala aragti-duwan yihiin labadan Dal, ayaa waxaa ka mid ah; Dimuquraadiyadda iyo Xaquuqul Insaanka. Wuxuuna madaxweyne Obama sheegay in xiriirka u dhaxeeya labadooda dal uu gaari karo meel wanaagsan, haddii xukuumada Cuba ay horumarka ka sameyso dhinacyada siyaasadda iyo xaquuqul insaanka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Xukuumadda Cuba, Raul Castro ayaa Dowladda Mareykanka ku eedeyay laba-wajiilenimo, wuxuuna si weyn ugu dhaliilay Mareykanka xayiraadda dhaqaale ee uu kusoo rogay dalkiisa, taasoo saarnayd muddo fog.<\/p>\n<p>\u201cWaxaad ii keentaa magacyada maxaabiista aad sheegaysaan inay siyaasad Cuba ugu Xir-xiran yihiin\u2026 Haddii aad keento &#8211; waxaa ballan ah inaan isla caawa xabsiga kasii dayno,\u201d ayuu ka yiri madaxweynaha Raul Castro shir jaraa\u2019id oo ay si wadajir ah u qabateen isaga iyo madaxweyne Obama.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Raul Castro ayaa ka dalbaday Barakac Obama inuu gacanta Cuba kusoo celiyo saldhigga ciidanka Badda ee Guantanamo Bay, oo ku taalla Jasiiraddaas uuna Mareykanku u adeegsado xilligaan xabsi uu ku xiran dadka looga shakiyo in ay ka tirsan yihiin kooxaha Islaamiyiinta ah.<\/p>\n<p>Barack Obama ayaa dhankiisa shirka jaraa\u2019id ka sheegay in Cuba ay horumarro waa-weyn ka gaartay dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada, isagoo xusay in Mareykanka aysan ka aamusi doonin arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Cuba.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa jira Farqi weyn oo inoo dhexeeya aniga iyo madaxweyne Castro, kaasoo ah inaan ku kala Aragti-duwanahay &#8211; Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqda Aadanaha. Aniga iyo Castro waxaan yeellanay wada-hadalo ay daacadnimo ku dheehan tahay, kaasoo aan intiisa badan uga hadalnay arrimahan aan ku kala aragti-duwannahay,\u201d ayuu hadalkiisa ku dara Obama.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Barack Obama ayaa xusay in dowladda Mareyknaku uu qirayo horumarka ay ku tallaabsatay Cuba, Laakiinse loo baahan yahay in is-bedello siyaasadeed ay la timaaddo Cuba, wuxuuse xusay in Mareykanka iyo dal kale uusan go\u2019aan kama dambeys ah ka gaari karin mustaqbalka Cuba.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Inkastoo kala qayb-sanaan weyni\u00a0ay dhex-taallo labadaan hoggaamiye ayaa haddana waxay sheegeen inay doonayaan inay ka wada-shaqeeyaan sidii loo hagaajin lahaa xiriirkooda, iyagoo sidoo kale shaaciyay horumarka ay ka gaareen arrimahaas.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-27169\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco2.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Mareykanka iyo Cuba, ayaa Waxaa u dhexeeya Weli kala aragti-duwanaan dhanka fikirka ah, iyadoo tani ay dibadda u soo baxday, kaddib kulan dhexmaray madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama oo booqasho ku jooga Havana iyo madaxweynaha Cuba, Raul Castro. Qodobbada ay sida aadka ah uga kala aragti-duwan yihiin labadan Dal, ayaa waxaa ka mid ah; Dimuquraadiyadda iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":27216,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-27214","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27214","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=27214"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27214\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":27218,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27214\/revisions\/27218"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/27216"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=27214"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=27214"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=27214"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}