{"id":27106,"date":"2016-03-19T07:10:28","date_gmt":"2016-03-19T04:10:28","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=27106"},"modified":"2016-03-19T07:10:28","modified_gmt":"2016-03-19T04:10:28","slug":"al-shabaab-iyo-ciidamada-puntland-oo-markale-ku-dagaalamay-deegaanka-suuj-gobolka-nugaal-ee-puntland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/03\/al-shabaab-iyo-ciidamada-puntland-oo-markale-ku-dagaalamay-deegaanka-suuj-gobolka-nugaal-ee-puntland\/","title":{"rendered":"Al-Shabaab Iyo Ciidamada Puntland Oo Markale Ku Dagaalamay Deegaanka SUUJ Gobolka Nugaal Ee Puntland."},"content":{"rendered":"<p><strong>Deegaanka Suuj ee gobolka Nugaal ee Puntland, ayaa waxaa mar kale ka bilowday dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab.<\/strong><\/p>\n<p>Ilaa hadda lama hayo qasaaraha dhabta ah ee labada dhinac gaaray.<\/p>\n<p>Genaral Muxyadiin Axmed Aw-Muuse, oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka, ayaa sheegay in dagaalka oo bilowday saakay aroortii hore, welina uu socdo.<\/p>\n<p>Kooxo hubaysan oo loo haysto in ay ka mid ahaayeen kooxda Al-Shabab ee ka jirtay deegaanada ka baxsan Puntland ee dhinaca koonfurta Soomaaliya, ayaa deegaanno ka tirsan Puntland gaaray maalintii Isniinta.<\/p>\n<p>Doonyo ay saaran yihiin ciidamadan hubaysan ayaa ka degay xeebaha degmada Garacad ee Puntland, kuwaas oo qayb ka mid ah ay u dhaqaaqday deegaanno gudaha ah.<\/p>\n<p>Lama oga ujeedka dhabta ah ee ciidamada hubaysan ee ka tirsanaa al-Shabab ay u galeen Puntland.<\/p>\n<p>Bishii October, ayaa dagaalyahanno ka tirsanaa al-Shabaab oo horay ugu jiray buuralaha Galgala ee Puntland oomaaliya, waxay ku dhawaaqeen in ay daacad u yihiin kooxda khilaafada Islaamka ama.<\/p>\n<p>Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena wey ku dhaawacmeen xalay abaara sideeddii fiidmimo markii rag hubeysan ay weerareen goob ay ku sugnaayeen ciidamo la sheegay inay ilaalo u ahaayeen, Gudoomiyihii hore ee laanta Canshuuraha Beriga gobolka Bari, Ibrahim Maxamed Jige.<\/p>\n<p>Weerarkan oo ka dhacay Isgoyska Afar irdoodka ee Laamiga dheer ee dhex mara magaalada Boosaaso, ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah ilaalada, Gudoomiyihii hore ee laanta Canshuuraha Beriga gobolka Bari, Ibrahim Maxamed Jige, waxaana ku dhaawacmay mid kale, iyo qof rayid ah.<\/p>\n<p>Sarakiisha Aminiga ee gobolka ayaa sheegay inay wadaan baaris la xiriirta ragga weerarka geystay.<\/p>\n<p>Hase yeeshee, Ururka al-Shabaab ayaa sheegatay mas\u2019uuliyadda weerarkaas sida ay baahisay idaacadda Andalus ee afka al-shabab ku hadasha.<\/p>\n<p>Weerarkan ayaa ku soo beegmay xilli qeyb ka mid ah gobolada nugaal iyo bari ay ka socdaan dagaalo ciidamada Puntland ay ku baacsanayaan maleeshiyo ka tirsan al-shabab oo dhawaan xeebaha Puntland ku gaaray doonyo.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Deegaanka Suuj ee gobolka Nugaal ee Puntland, ayaa waxaa mar kale ka bilowday dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab. Ilaa hadda lama hayo qasaaraha dhabta ah ee labada dhinac gaaray. Genaral Muxyadiin Axmed Aw-Muuse, oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka, ayaa sheegay in dagaalka oo bilowday saakay aroortii hore, welina uu socdo. Kooxo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":27107,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-27106","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27106","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=27106"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27106\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":27108,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27106\/revisions\/27108"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/27107"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=27106"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=27106"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=27106"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}