{"id":27091,"date":"2016-03-17T20:22:20","date_gmt":"2016-03-17T17:22:20","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=27091"},"modified":"2016-03-17T20:25:28","modified_gmt":"2016-03-17T17:25:28","slug":"mweynaha-jubaland-oo-codsadey-in-la-laalo-qodobo-ku-jira-dastuurka-jland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/03\/mweynaha-jubaland-oo-codsadey-in-la-laalo-qodobo-ku-jira-dastuurka-jland\/","title":{"rendered":"M\/weynaha Jubaland oo codsadey in la laalo qodobo ku jira Dastuurka J\/LAND."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa warqad codsi ah u gudbiyay baarlamanka Jubaland, taasoo uu uga dalbanayay in la laalo qodobo dastuurka Jubbaland ka mid ah.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jubbaland ayaa codsaday in la laalo qodobada 44-aad iyo 45-aad ee ku jira Dastuurka Jubbaland, kuwaasoo dhigaya in tirada wasiirrada Jubbaland ay Noqonayso 15-wasiir iyo Qodobka kale oo isaguna dhigaya in Hal madaxweyne ku-xigeen uu Maamulku yeelanayo.<\/p>\n<p>Sidoo kale, madaxweynaha ayaa codsaday in tirada madaxweyne ku xigeenada laga dhigo labo, halka qodobka kale ee wasiirrada uu codsaday in laga dhigo mid furan.<\/p>\n<p>Kulan ay xarunta caymiska magaalada Kismaayo ku yeesheen mudanayaasha baarlamanka Jubbaland, isla markaana uu Shir-guddoominayay &#8211; Guddoomiyaha Baarlamaanka, Cabdi Maxamed C\/raxmaan ayaa waxaa xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland loogu akhriyay warqaddii codsiga ahayd ee ka timid madaxweynaha.<\/p>\n<p>Guddoonka baarlamanka oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in baarlamaanku fadhi isugu imaan doono maalinta Sabtida ee soo socota si ay uga doodaan codsiga uu u soo gudbiyay madaxweynaha, wuxuuna ka codsaday mudaneyaasha in kulankaasi ay soo xaadiraan.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa la filayaa in dhawaan uu ku dhawaaqo golihiisa wasiirrada oo muddo dheer laga sugayay inuu soo magacaabo.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco1113.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-27089\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco1113-150x136.jpg\" alt=\"beco11\" width=\"150\" height=\"136\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beec2213.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-27095\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beec2213-150x150.jpg\" alt=\"beec22\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beec2213-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beec2213-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa warqad codsi ah u gudbiyay baarlamanka Jubaland, taasoo uu uga dalbanayay in la laalo qodobo dastuurka Jubbaland ka mid ah. Madaxweynaha Jubbaland ayaa codsaday in la laalo qodobada 44-aad iyo 45-aad ee ku jira Dastuurka Jubbaland, kuwaasoo dhigaya in tirada wasiirrada Jubbaland ay Noqonayso 15-wasiir iyo Qodobka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":27093,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-27091","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27091","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=27091"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27091\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":27096,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27091\/revisions\/27096"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/27093"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=27091"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=27091"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=27091"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}