{"id":27080,"date":"2016-03-17T18:26:22","date_gmt":"2016-03-17T15:26:22","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=27080"},"modified":"2016-03-17T18:34:38","modified_gmt":"2016-03-17T15:34:38","slug":"mweynihii-hore-ee-puntland-cadde-muuse-oo-sheegey-in-hadii-aan-leys-difaacin-la-bur-buri-doono","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/03\/mweynihii-hore-ee-puntland-cadde-muuse-oo-sheegey-in-hadii-aan-leys-difaacin-la-bur-buri-doono\/","title":{"rendered":"M\/weynihii hore ee Puntland Cadde Muuse oo sheegey in hadii aan leys difaacin la bur buri doono."},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco1112.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-27072\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco1112-150x136.jpg\" alt=\"beco11\" width=\"150\" height=\"136\" \/><\/a>Madaxweynihii hore ee Puntland, Jen. Cadde Muuse Xirsi oo ku sugan isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa ka hadlay maanta weerarka boqolaal xoogagga Al-shabaab ka tirsan ay deegaannada Puntland ku qaaday, isagoo xusay in haddii aan la difaacin Puntland ay baaba\u2019i\u00a0 doonto.<\/p>\n<p>Cadde Muuse oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay inaanay ahayn markii u horreysay oo Puntland lasoo weeraro, wuxuuna shacabka guud ee Puntland ugu baaqay inay meel uga soo wada-jeestaan sidii loo difaaci lahaa Puntland.<\/p>\n<p>\u201cMa ahan markii u horreysay oo Puntland lasoo weeraro, cadowgii horay u soo weerarayna waa\u00a0baabi&#8217;iyay, waana laga saaray, weerarkana ma ahan mid nagu cusub. Maanta waa in la difaaco Puntland, hadiise aan la difaacin way baaba\u2019aysaa,\u201d ayuu yiri madaxweynihii hore ee Puntland, Cadde Muuse Xirsi.<\/p>\n<p>Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku daray in duulaanka Puntland lagu soo qaada ay tahay mid siyaasadeed, lana doonayo Al-shabaab iyo kooxaha kale loo tuso inay Puntland tahay mid daciif ah oo aan awood u lahayn inay is-difaacdo.<\/p>\n<p>\u201cDuullaanka socota way ku jiri karaan arrimo siyaasadeed, waxaana la rabaa in kooxahaan Weerarka soo qaaday loo tuso in ay Puntland tahay Daciif. Dad baa been u sheegaya oo ku oranaya ciidanka waa kala daadsan yihiin iyo waxyaabo kale oo been laga dhaadhiciyay,\u201d ayuu Cadde Muuse hadalkiisa ku daray.<\/p>\n<p>Cadde Muuse oo la weydiiyay su\u2019aal ahayd; in duullaankaan uu yahay mid la xiriira 4.5-ka oo ay horay u diiday Puntland, wuxuuna kagaa jawaabay inaanay ahayn taas keliya, laakiin loo baahan yahay in Puntland laga difaaco Al-shabaab; wuxuuna intaas ku daray in kooxda Al-shabaab ay meel walba oo dalka ka tirsan ay dhibaatooyin ka geysanayso.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, hadalka madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, ayaa imaanaya iyadoo uu madaxweynaha Puntland, C\/weli Maxamed Cali (Gaas) uu sheegay inay isku filan tahay Puntland oo ay iska difaaci doonto Al-shabaab, aysana u baahnayn in Ciidammo AMISOM ka tirsan la keeno deegaanno Puntland.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, deegaannadii Puntland ee ciidamada Puntland iyo kuwa Al-shabaab ay ku dagaalamayeen ayaa maanta deggen, inkastoo saakay laga maqlayay deegaanka Suuj ee gobolka Nugaal is-rasaaseyn u dhexeysa xoogaga Al-shabaab iyo ciidamada Puntland.<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beec2212.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-27078\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beec2212-150x150.jpg\" alt=\"beec22\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beec2212-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beec2212-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynihii hore ee Puntland, Jen. Cadde Muuse Xirsi oo ku sugan isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa ka hadlay maanta weerarka boqolaal xoogagga Al-shabaab ka tirsan ay deegaannada Puntland ku qaaday, isagoo xusay in haddii aan la difaacin Puntland ay baaba\u2019i\u00a0 doonto. Cadde Muuse oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay inaanay ahayn markii u horreysay oo Puntland [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":27082,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-27080","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27080","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=27080"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27080\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":27084,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/27080\/revisions\/27084"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/27082"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=27080"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=27080"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=27080"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}