{"id":26955,"date":"2016-03-13T19:08:54","date_gmt":"2016-03-13T16:08:54","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=26955"},"modified":"2016-03-13T19:16:48","modified_gmt":"2016-03-13T16:16:48","slug":"deegaanka-ambareeso-ee-degmada-baraawe-oo-gaajo-darteed-dad-ay-ku-nafwaayeen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/03\/deegaanka-ambareeso-ee-degmada-baraawe-oo-gaajo-darteed-dad-ay-ku-nafwaayeen\/","title":{"rendered":"Deegaanka Ambareeso ee degmada Baraawe oo gaajo darteed dad ay ku nafwaayeen."},"content":{"rendered":"<p>Wararka laga helayo magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in haweeney uur leh ay gaajo ugu dhimatay deegaanka Ambareeso oo hoos-timaadda degmadaas una jirta qiyaastii 5-km, qoysas kale oo ku nool tuuladaasna ay qarka u saaran yihiin xaalad noocaan oo kale ah.<\/p>\n<p>Guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Shabeellada Hoose, Cali Nuur Maxamed oo u warramayay VOA-da ayaa sheegay in 30-qoys oo ku nool isla deegaanka Ambareeso ay haystaan xaalado nololeed oo aad u liita.<\/p>\n<p>\u201cDadka ku nool gobolka Shabeellada Hoose oo ay noloshoodu markii horeba ku tiirsanayd beeraha iyo xoolaha nool, ayaa roobab yaraantii dhacday sannadkii hore; waxay sabab u noqotay in dadka ay lasoo gudboonaato xaalad nololeed oo aad khatar u ah,\u201d ayuu yiri Cali Nuur.<\/p>\n<p>Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. \u201cHooyo Soomaaliyeed oo uur leh ayaa gaajo ugu dhimatay shalay tuulada Ambareesa oo ka tirsan degmada Baraawe, waxaana jira dad illaa 30-qoys ka kooban oo iyagana ay tuuladaas ku haysato xalaaddaan oo kale, kaddib markii xoolihii ay noloshoodu ku tiirsanayd ay kasoo gacan-bannaanaadeen.\u201d<\/p>\n<p>Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa intaa ku daray in ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Baraawe iyo hareeraheeda ay u gurmadeen qoysaskan, iyagoo garaamkii loogu loogu talo-galay qaar ka mid ah u geeyay.<\/p>\n<p>\u201cMaamulka iyo ganacsatada Baraawe ayaa dhankooda billaabay inay u fidiyaan gurmadaan qoysaskan Soomaaliyeed ee dhibaatadu ku haysato deegaanka Ambareesa, sidii qoysaskaas loo badbaadin lahaa,\u201d ayuu hadalkiisa ku daray Cali Nuur Maxamed.<\/p>\n<p>Guddoomiye ku xigeenka ayaa la weydiiyay su\u2019aal ah, waxa shacabka ku nool degmada Baraawe iyo deegaannada ku dhow inay kalluunka badda kala soo baxaan oo ay cunaan si ay ugu noolaadaan, ayaa wuxuu kaga jawaabay.<\/p>\n<p>\u201cKalluunka in la cuno, waxaa ka horreysa in la helo&#8230; waayo dadkaan dhibaatadu haysato aqoon uma lahan inay badda kalluun kala soo baxaan, kalluunna berriga uguma imaanayo, waxayna dadkani ku noolaayeen beero iyo xoolo, laakiinse dad ayaa ku nool kalluunka oo badweynta kala soo baxa, mana awoodaan dadkaan in ay billaabaan shaqo aysan aqoon oo aysan garab ku helayn.\u201d<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii, Cali Nur Maxamed ayaa sheegay in qaylo-dhaan ay u direen gabi ahaan hay\u2019adaha gargaarka iyo dowladda federaalka Somalia si dhamaan dadka ay xaaladaha nololeed ku haystaan gobolka loo caawyo, isagoo xusay inay jirto in tirada dadka ay nolol xumadu ay ku haysato gobolka ay aad u kordhaan.<\/p>\n<p>Si kasta ha ahaatee, hadalka guddoomiye ku xigeenka ammaanka ee gobolka Shabeellada Hoose ee ku dhimashada hooyadan uurka lahayd iyo qoysaska kale ee dhibku ku haysto tuuladaan ayaa imaanaya xilli xaalad biyo la\u2019aan ah\u00a0laga soo sheegayo degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco117.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-26946\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco117-150x136.jpg\" alt=\"beco11\" width=\"150\" height=\"136\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beec227.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-26948\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beec227-150x150.jpg\" alt=\"beec22\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beec227-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beec227-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka laga helayo magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in haweeney uur leh ay gaajo ugu dhimatay deegaanka Ambareeso oo hoos-timaadda degmadaas una jirta qiyaastii 5-km, qoysas kale oo ku nool tuuladaasna ay qarka u saaran yihiin xaalad noocaan oo kale ah. Guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Shabeellada Hoose, Cali Nuur Maxamed [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":26957,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-26955","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26955","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26955"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26955\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":26959,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26955\/revisions\/26959"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/26957"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26955"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26955"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26955"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}