{"id":26938,"date":"2016-03-12T18:19:40","date_gmt":"2016-03-12T15:19:40","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=26938"},"modified":"2016-03-12T18:22:01","modified_gmt":"2016-03-12T15:22:01","slug":"qaxootiga-soomliyeed-ee-degan-dhadhaab-oo-dawlada-kenya-dooneyso-in-dalkeeda-laga-saaro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/03\/qaxootiga-soomliyeed-ee-degan-dhadhaab-oo-dawlada-kenya-dooneyso-in-dalkeeda-laga-saaro\/","title":{"rendered":"Qaxootiga Soomliyeed ee degan DHadhaab oo dawlada Kenya dooneyso in dalkeeda laga saaro."},"content":{"rendered":"<p>Xukuumadda Kenya oo tan iyo sannadkii 1991-kii ay ku noolaayeen nus-malyuun Qoxooti Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u sheegtay inay doonayso in qoxootigu ku nool xeryahaha Dhadhaab-Kenya ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan dalkeeda.<\/p>\n<p>Isku-duwaha gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Maxamuud Saalax ayaa sheegay in xeryaha Dhadhaab ay lu noolaayeen muddo 25-sano ah qoxooti ka\u00a0 soo cararay Somalia, kuwaasoo haatan tiradoodu tahay 35,000 oo qof.<\/p>\n<p>\u201cQoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya waxay culeys ku hayeen wadanka muddo fog, waxayna dhibaato u geysteen deegaanka, iyagoo intaas ku darsaday inay qayb ku yeesheen ammaan-xumada dalka,\u201d ayuu hadalkiisa ku daray Maxamuud Saalax.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Saalax ayaa intaas ku daray. \u201cXeryaha Qoxootiga Dhadhaab waa halka ay ku Tarmaan unugyada Argagaxisada Al-shabaab. Waana meel ay ka jiraan Lacagaha la dhaqo, daroogada iyo ka ganacsiga dadka.\u201d<\/p>\n<p>Wuxuu isku-duwaha ayaa hadalkiisa ku daray in xeryaha Dhadhaab ay tahay halkii laga soo abaabulay weerarradii Westgate Mall, Jaamacadda Gaarisa iyo kuwo kale oo ka dhacay dalka Kenya, kuwaasoo uu xusay in lagu dilay Kenyaan fara badan.<\/p>\n<p>\u201cSoomaaliya 80% haatan waa nabad\u2026 mana aragno sabab ay qoxootiga ku jira Xeryaha Dhadhaab ay ugu guuri la\u2019yihiin goobahaas nabadoon,\u201d ayuu mar kale Maxamuud Saalax yiri.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Madaxa Wafdi Haya\u2019da UNHCR ka socda oo booqday xeryahaha Dhadhaab, Axmed Baba ayaa sheegay in Soomaaliya aysan ka jirin xilligaan Kaabayaashii Bulshada oo ay ka mid yihiin; biyo, waxbarasho, caafimaad iyo weliba ammaan la isku halleyn karo.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan qabnaa in dib u celinta Qoxootiga Soomaaliyeed ay noqoto mid iyagu ay si iskood ah u doortaan, balse aysan noqon mid lagu cadaadiyo,\u201d ayuu yiri Baba oo intaa ku daray in Qoxootiga ay yihiin kuwo u unug dhibaatooyinka.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Hadalkaan Mas\u2019uuliyiinta Kenya ee ah inay dalkooda ka baxaan ayaa kusoo Beegmaya xilli horay ay Heshiis dib u celinta Qoxootiga Soomaalida ah ay u kala Saxiixdeen Xukuumadaha Somalia, Kenya iyo Hay\u2019adda UNHCR.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco116.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-26919\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco116-150x136.jpg\" alt=\"beco11\" width=\"150\" height=\"136\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beec226.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-26921\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beec226-150x150.jpg\" alt=\"beec22\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beec226-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beec226-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xukuumadda Kenya oo tan iyo sannadkii 1991-kii ay ku noolaayeen nus-malyuun Qoxooti Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u sheegtay inay doonayso in qoxootigu ku nool xeryahaha Dhadhaab-Kenya ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan dalkeeda. Isku-duwaha gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Maxamuud Saalax ayaa sheegay in xeryaha Dhadhaab ay lu noolaayeen muddo 25-sano ah qoxooti ka\u00a0 [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":26940,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-26938","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26938","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26938"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26938\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":26942,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26938\/revisions\/26942"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/26940"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26938"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26938"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26938"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}