{"id":26916,"date":"2016-03-12T17:19:24","date_gmt":"2016-03-12T14:19:24","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=26916"},"modified":"2016-03-12T17:23:09","modified_gmt":"2016-03-12T14:23:09","slug":"cweli-cali-gaas-oo-markii-ugu-horeysey-sheegey-in-aaney-dooneyn-ciidamada-shisheeye-ee-dalka-soomaaliya-ku-sugan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/03\/cweli-cali-gaas-oo-markii-ugu-horeysey-sheegey-in-aaney-dooneyn-ciidamada-shisheeye-ee-dalka-soomaaliya-ku-sugan\/","title":{"rendered":"C\/weli Cali Gaas oo markii ugu horeysey sheegey in aaney dooneyn ciidamada shisheeye ee dalka soomaaliya ku sugan."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Puntland C\/weli Maxamed Cali Gaas oo maalmihaan ku sugnaa\u00a0Dalka Maraykanka ayaa xalay kumannaan Soomaali ah kula kulmay Xarunta Shirarka ee Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.<\/p>\n<p>Kulankan ayaa waxaa ka qayb-galay Bulshada Soomaaliyeed sida; Culummada, odayaasha, Waxgaradka, haweenka iyo Arday, waxaana si weyn loogu soo dhaweynayay ayaa lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland, C\/weli Gaas, Wuxuuna khudbadii uu ka jeediyay uga hadlay qodobo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen; socdaalkiisa Maraykanka, go\u2019aankaii ay Puntland ku qaadacday Nidaamka 4.5-ka \u00a0iyo Qodobbo kale.<\/p>\n<p>Sidoo kale, wuxuu u soo bandhigay Qurba-joogta Soomaaliyeed inay maal-gashadaan Guud ahaan Soomaaliya. Wixii maamulkiisu qabatay iyo waxa ay doonayaan inay qabataan, sidoo kale Gaas ayaa ka Hadlay sida Qurba-joogta Soomaaliyeed ay uga Qayb-qaadan karaan dib u dhiska dalka.<\/p>\n<p>C\/weli Gaas ayaa soo Hadal-qaaday in Shacabkii soo doortay aysan ogolayn 4.5-ka. Sidaas daraadeedna, uusan isagu xaq inuu u qaado Shacabkiisa wax aysan Raalli ka ahayn. Isagoo yiri. \u201cKuma ayaan ahay, markaan u soo qaadayo dadkaygii i doortay wax aysan ogolayn?\u201d<\/p>\n<p>Intaas kuma ekayn, ee wuxuu Madaxweynaha Puntland wuxuu mar kale soo hadal-qaaday Joogitaanka Ciidamada AMISOM ee dalka Somalia, isagoo xusay inaysan Soomaaliya wax dan ah ugu jirin joogitaanka ciidamadaas. Isagoo ku boorriyay Shacabka Soomaaliyeed inay iyagu isku tashadaan.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Imaanshaha Madaxweynaha Maamulka Puntland ee Dalka Mareykanka ayaa si wayn looga sugayay, gaar ahaan magaalooyinkan maatanaha ah ee Minneapolis iyo Saint Paul. Saddexdii Casho ee Madaxweyne C\/weli Gaas uu joogay Minneapolis ayuu Booqday dhawr meelood oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin; College-ka Minneapolis Community and Technical College; halkaasoo uu ka jeediyay khudbo ku Aaddan Muhiimada Waxbarashadu ay leedahay, iskuulka hoose\/dhexe ee International School, \u00a0Aqalka Baarlamaanka Gobolka Minnesota iyo meela kale oo badan.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Madaxweyne C\/weli Gaas ayaa muddo badan ku Noolaa Maraykanka, kuna dhamaystay waxbarashadiisa illaa heerka PhD-ga; waana markii ugu horreysay oo uu kusoo noqonayo Maraykanka illaa markii loo doortay Madaxweynaha Puntland.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco116.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-26919\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco116-150x136.jpg\" alt=\"beco11\" width=\"150\" height=\"136\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beec226.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-26921\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beec226-150x150.jpg\" alt=\"beec22\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beec226-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beec226-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Puntland C\/weli Maxamed Cali Gaas oo maalmihaan ku sugnaa\u00a0Dalka Maraykanka ayaa xalay kumannaan Soomaali ah kula kulmay Xarunta Shirarka ee Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota. Kulankan ayaa waxaa ka qayb-galay Bulshada Soomaaliyeed sida; Culummada, odayaasha, Waxgaradka, haweenka iyo Arday, waxaana si weyn loogu soo dhaweynayay ayaa lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland, C\/weli Gaas, Wuxuuna [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":26918,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-26916","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26916","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26916"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26916\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":26922,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26916\/revisions\/26922"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/26918"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26916"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26916"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26916"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}