{"id":26829,"date":"2016-03-08T18:25:11","date_gmt":"2016-03-08T15:25:11","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=26829"},"modified":"2016-03-08T18:27:32","modified_gmt":"2016-03-08T15:27:32","slug":"gobolka-minnesota-ee-dalka-mareykanka-oo-laga-furey-kulan-loogu-magac-darey-dood-qaran","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/03\/gobolka-minnesota-ee-dalka-mareykanka-oo-laga-furey-kulan-loogu-magac-darey-dood-qaran\/","title":{"rendered":"Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo laga furey kulan loogu magac darey Dood Qaran."},"content":{"rendered":"<p>Madashan oo loo bixiyey dood-qaran ayaa xalay lagu daah-furay gobolka Minnesota ee wadanka Mareykanka, taasoo ay Aas-aaseen Dhallinyaro Soomaaliyeed oo isugu jira Suxufiyiin iyo Xubno kale oo Gobolka Minnasota\u00a0Saameyn ku leh, waxaana munaasabaddii furitaankeeda kasoo qeybgalay dadweyne aad u fara badan oo ka kooban qeybaha bulshada.<\/p>\n<p>Munaasibadda furitaanka ayaa waxay ka koobnayd labo qaybood, kuwaasoo kala ahaa hadalo ay jeedinayeen shaqsiyaadka soo agaasimay madasha, waxayna sharraxeen ujeedada madashaan iyo waxqabadkeeda, iyadoo sidoo kalana lagu soo bandhigay dooddii ugu horraysay oo dhexmartay aqoonyahano iyo siyaasiin xog ogaal u ah arrimaha dalka.<\/p>\n<p>Maxamuud Cabdiraxmaan Benebene iyo Cabdixabiib Yaasin Warsame oo ku hadlay magaca soo qaban-qaabiyaashii doodan ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ay tahay in lagu falanqeeyo arrimaha dalka, isla markaana la helo talooyin iyo aragtiyo lagu gaaro horumar siyaasadeed iyo mid dhaqaale intaba.<\/p>\n<p>\u201cHadafkayagu waxaa uu yahay in la helo madal ay dadku si madax-baani ah ugu cabiri karaan fikirkooda, sidoo kalana ay aqoonta isku weydaarsankaraan,\u201d ayuu yiri Benebene.<\/p>\n<p>&#8220;Waxa ugu weyn ee doodaha nuucan ah ay keeni karaan waxaa ka mid ah in aan istusino hogaamiyeyaasha Soomaalida ee xilalka haya iyo dadka shacabka ah, islamarkaana ay dadku u heli karaan in ay su\u2019aalo toos ah weydiiyaan siyaasiinta,\u201d ayuu yiri Cabdixabiib Yaasin.<\/p>\n<p>Intaasi kaddib, ayaa waxaa bilaabatay dooddii ugu horraysay oo madashaan lagu daah-furayey, taasi oo lagu eegeyey xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan xiliga kala guurka 2016 halka ay Soomaaliya u socoto, waxaana dooddu ay u dhaxaysay afar aqoonyahan, kuwaasi oo siyaabo kala duwan uga\u00a0 soo shaqeeyey nidaamyada siyaasadda dalka, iyadoo uu doodda dhex-dhexaadinayey Maxamed Faarax Talyaani, oo ka mid ah\u00a0 weriyeyaasha Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Afarta Nin ee dooddaan ka qeybgalayey ayaa kala ahaa:<\/p>\n<ol>\n<li>Cabdulqaadir Cabdi Xaashi, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka feederaalka Soomaaliya, horrayna u ahaa siyaasi xil kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya.<\/li>\n<li>Pro. Xasan Cumar Mahadallah, oo ah Bare wax ka dhiga jaamacad ku taal gobolka Louisiana ee dalka Mareykanka, islamarkaana ka tirsan shanta xubnood ee guddiga madax-banaan ee dib u eegista iyo dhaqangelinta dastuurka Soomaaliya.<\/li>\n<li>Maxamuud Maxamed Culusow, oo ah falaqeeye siyaasadeed, muddo dheer wax ka qorayey arrimaha Soomaaliya, soona qabtay xilal kala duwan sida wasiir iyo gudoomiyihii bangiga dhexe ee Soomaaliya.<\/li>\n<li>Pro. Cabdiwaaxid Sh. Cusmaan Qalinle, oo ah sharciyaan Soomaaliyeed, sidoo kalana ahaa la taliyaha arrimaha sharciga iyo garsoonka ee madaxweyne Xasan SHeekh.<\/li>\n<\/ol>\n<p>Shaqsiyaadkii aqoonyahadana ahaa ee doodayay ayaa inta badna ku kala aragti duwanaa qaabka ay doorashadu u dhici karto iyo natiijada ka soo bixi karta, iyagoo dhinaca kala aratiyo kala duwan ka bixiyay wixii dowladda Soomaaliya u soo qabsoomay ilaa intii laga baxay kumeel-gaarka.<\/p>\n<p>Waxaa kale doodan furitaankeeda goob joog ka aheyd Xaliimo Ismaaciil Ibraahi (Xaliimo Yarey) oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada Soomaaliya, waxayna sharraxday masuuliyadda iyo waajibaadka guddiga ah madaxa ka tahay iyo weliba waajibaadka laga rabo shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco112.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-26822\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beco112-150x136.jpg\" alt=\"beco11\" width=\"150\" height=\"136\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beec222.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-26821\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beec222-150x150.jpg\" alt=\"beec22\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beec222-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/beec222-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madashan oo loo bixiyey dood-qaran ayaa xalay lagu daah-furay gobolka Minnesota ee wadanka Mareykanka, taasoo ay Aas-aaseen Dhallinyaro Soomaaliyeed oo isugu jira Suxufiyiin iyo Xubno kale oo Gobolka Minnasota\u00a0Saameyn ku leh, waxaana munaasabaddii furitaankeeda kasoo qeybgalay dadweyne aad u fara badan oo ka kooban qeybaha bulshada. Munaasibadda furitaanka ayaa waxay ka koobnayd labo qaybood, kuwaasoo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":26831,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-26829","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26829","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26829"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26829\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":26832,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26829\/revisions\/26832"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/26831"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26829"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26829"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26829"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}