{"id":26631,"date":"2016-02-29T00:00:38","date_gmt":"2016-02-28T21:00:38","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=26631"},"modified":"2016-02-29T00:07:58","modified_gmt":"2016-02-28T21:07:58","slug":"khasaaraha-qaraxyo-is-daba-joog-ah-oo-ka-dhacey-baydhabo-iyo-sida-dadka-reer-baydhabo-xaaladoodu-tahey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/02\/khasaaraha-qaraxyo-is-daba-joog-ah-oo-ka-dhacey-baydhabo-iyo-sida-dadka-reer-baydhabo-xaaladoodu-tahey\/","title":{"rendered":"KHasaaraha Qaraxyo is daba joog ah oo ka dhacey Baydhabo iyo sida dadka reer baydhabo xaaladoodu tahey."},"content":{"rendered":"<p>Ugu yaraan 19-ruux ayaa ku dhintay in ka badan 45-kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo uu midkood ismiidaamin ahaa oo gellinkii dambe ee maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.<\/p>\n<p>Mid ka mid ah labadan Qarax ayaa lala beegsaday Maqaayad lagu magacaabo Beder oo ku taalla bartamaha Magaalada Baydhabo ku taalla ayaa waxaa la sheegay inuu isku Qarxiyay ruux ay waxyaabaha qarxa ku xirnaayeen.<\/p>\n<p>\u201cTirada Dadkii ku Geeriyooday Qaraxii lala beegsaday Maqaayadda Beder ee aan Arkay waxay ahaayeen 10-qof, waxaana arkay dhaawacyada in ku dhow 10-qof, kuwaasoo ahaa rayid maqaayadda shaac ka cabayay,\u201d ayuu yiri Goobjooge ku sugnaa meel ku dhow halka uu Qaraxu ka dhacay.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Qaraxa kale ayaa ka dhacay agagaarka dhismaha Shirkadda Dahab-shiil ay ku leedahay Degmada Baydhabo, halkaasoo ay dad badan ku sugnaayeen xilligaas, kaasoo loo adeegsaday gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay agagaarka halkaas.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan ku sugnaa meel aan ka fogeyn Shirkada Dahab-shiil markii qaraxu dhacayay\u00a0inta aan arkay dhimashada waxay ka badnayd siddeed qof oo shacab ah iyo tiro intaas ka badan oo dhaawacyo kala duwan qabay,\u201d ayuu yiri Goob-jooge Baydhabo ku sugan.<\/p>\n<p>Isbitaalka guud ee Baydhabo ayaa waxaa la gaarsiiyay in ka badan 25-qof oo Qaraxyadan ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen, Waxaana sidoo kale la gaarsiiyay 14-qof oo ku dhintay Qaraxyadii maanta Baydhabo ka dhacay.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Isbitaal ay Ciidanka AMISOM ayaa isagana waxaa la gaarsiiyay Dhaawacyo badan oo ay ku jiraan askar ka tirsan ciidanka maamulka Koonfur-galbeed Somalia, iyadoo sidoo kalena la gaarsiiyay maydadka dhowr qof oo kale.<\/p>\n<p>Ma jirto illaa hadda Cid sheegatay inay Mas\u2019uul ka tahay Weeraradaan oo noqonaya kuwii ugu Khasaaraha badnaa ee dhawaanahan ka dhaca Magaalada Baydhabo, balse Al-shabaab ayaa horay u sheegatay qaraxyo noocaan oo kale ah oo sanadkii hore ka dhacay Baydhabo.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn Wararka ayaa sheegaya in xaaladda Baydhabo ay aad u kacsan tahay caawa, ciidammo fara badan oo AMISOM iyo kuwa maamulkana ay ku sugan yihiin waddooyinka magaaladaas.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ugu yaraan 19-ruux ayaa ku dhintay in ka badan 45-kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo uu midkood ismiidaamin ahaa oo gellinkii dambe ee maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay. Mid ka mid ah labadan Qarax ayaa lala beegsaday Maqaayad lagu magacaabo Beder oo ku taalla bartamaha Magaalada Baydhabo ku taalla ayaa waxaa la sheegay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":26636,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-26631","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26631","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26631"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26631\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":26632,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26631\/revisions\/26632"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/26636"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26631"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26631"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26631"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}