{"id":26621,"date":"2016-02-28T02:25:11","date_gmt":"2016-02-27T23:25:11","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=26621"},"modified":"2016-02-28T02:32:04","modified_gmt":"2016-02-27T23:32:04","slug":"ururka-midawga-afrika-oo-sheegey-in-ay-kormeerayaal-u-dirayo-dalka-brundi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/02\/ururka-midawga-afrika-oo-sheegey-in-ay-kormeerayaal-u-dirayo-dalka-brundi\/","title":{"rendered":"Ururka midawga afrika oo sheegey in ay kormeerayaal u dirayo dalka BRUNDI."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa wuxuu sheegay maanta oo Sabti ah in Midowga Afrika uu u darayo Burundi 100 Kormeerayaal Xuquuqda Aadanaha ah iyo 100 Kormeerayaal ciidan ah, kuwaas oo indho-indheyn ku sameyn doona xaaladaha uu dalkaas ku jiro.<\/p>\n<p>Jacob Zuma ayaa Hadalkaan ka sheegay Garoonka Diyaaradaha Bujumbura oo ay isaga iyo mas&#8217;uuliyiin ka socda dalalka Afrika ka dhoofayeen, kuwaasoo maalmahan u joogay Dalka Burundi sidii ay Xukuumadda iyo Kooxaha Mucaaradka ah uga Dhaadhicin lahaayeen inay wadahadallo ku xalliyaan khliaafka siyaasadeed ee u dhexeeya.<\/p>\n<p>Dalka Burundi ayaa waxaa tan iyo bishii Abriil ee Sanadkii hore ka jiray xiisado colaadeed oo salfatay in ka badan 400 oo qof, sidoo kalena ay dalkooda uga bara-kaceen colaadaha ka taagan kumammaan qof.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan si dhab ah u Aaminsan-nahay in colaadda siyaasadeed ee Burundi lagu dhameyn karo oo keliya Wadahadallo Nabadeed,\u201d ayuu yiri Jacob Zuma oo intaas ku daray. \u201cRuntii aad ayay walaac u leedahay xaaladaha colaadeed ee Burundi ka jira iyo dilalka dhacaya.\u201d<\/p>\n<p>Go\u2019aanka Midowga Afrika ay kormeerayaasha ugu dirayo Burundi ayaa waxaa la sheegay inuu ku yimid Tanaasul uu Sameeyay Madaxweyne, Pierre Nkurunziza, si Xal deg-deg ah looga gaaro colaadda sii kordhaysa ee dalkaas ka taagan xilligan.<\/p>\n<p>Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo madaxweynaha Burundi uu diiday bishii December ee sannadkii hore in Midowga Afrika ay 5,000 oo askari oo ah kuwo nabad-ilaalin ah ay dirto Burundi, isagoo sheegay inuu la dagaalammayo haddii loosoo diro dalkiisa.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Madaxda dalalka Afrika ka socda ee Maalmahaan ku sugnaa Bujumbura ayaa sheegay in madaxweynaha Burundi uu u sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadahadal uu la galo kooxaha mucaaradka ah ee dalkiisa.<\/p>\n<p>Waxaa dhammaadkii sannadkii hore Bur-buray Wadahadallo ay dhinacyada Dalka Burundi isku haya ay ku yeesheen magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, taasoo sii xoojisay khilaafka xukuumadda iyo mucaaradka u dhexeeya.<\/p>\n<p>Midowga Afirka ayaan weli ka Hadlin Go\u2019aankan uu Shaaciyay Madaxweyne Jacob Zuma, kaasoo ah inay Burundi u dirayaan kormeerayaan isugu jira Xubno Xuquuqda Aadanaha ka socda iyo kuwo Ciidammo ah oo Xalaadda dalkaas indho-indheyn ku sameyn doona.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Xukuumadda Bujumbura iyo kooxaha Mucaaradka ah ayaa waxay dhinacba kan kale uu ku eedeeyay in xiisadaha colaadeed ee dalkaas ka taagan uu Hormuud u yahay, iyadoo mucaaradku ay ku eedeeyeen Xukuumadda inay ku hayso dilal iyo caga-jugleyn ku hayso mar xilli,<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa wuxuu sheegay maanta oo Sabti ah in Midowga Afrika uu u darayo Burundi 100 Kormeerayaal Xuquuqda Aadanaha ah iyo 100 Kormeerayaal ciidan ah, kuwaas oo indho-indheyn ku sameyn doona xaaladaha uu dalkaas ku jiro. Jacob Zuma ayaa Hadalkaan ka sheegay Garoonka Diyaaradaha Bujumbura oo ay isaga iyo mas&#8217;uuliyiin ka socda dalalka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":26623,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-26621","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26621","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26621"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26621\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":26622,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26621\/revisions\/26622"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/26623"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26621"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26621"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26621"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}