{"id":26527,"date":"2016-02-21T20:27:56","date_gmt":"2016-02-21T17:27:56","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=26527"},"modified":"2016-02-21T20:30:59","modified_gmt":"2016-02-21T17:30:59","slug":"abaaro-baahsan-saameeyeyna-dadka-iyo-duunyada-oo-ka-jira-qeybo-kamid-ah-goboladda-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/02\/abaaro-baahsan-saameeyeyna-dadka-iyo-duunyada-oo-ka-jira-qeybo-kamid-ah-goboladda-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Abaaro baahsan saameeyeyna dadka iyo duunyada oo ka jira qeybo kamid ah Goboladda Soomaaliya."},"content":{"rendered":"<p>Qeybo badan oo Soomaaliya ah ayaa waxaa ka jira abaaro ba&#8217;an oo saameeyay nolosha dadka iyoo duunyada. Koofurta dalka ayaa meelaha dhibaatada abaartu sida aadka ah u saameysay waxaa ka mid ah gobolka Bakool gaar ahaan degmooyinka Wajid iyo Xudur.<\/p>\n<p>Dad badan ayaa durba ka barakacay deegaanadaa kuwaasoo gaaraya kumanaan gaar ahaan bilihii la soo dhaafay ayadoo weli laga yaabo in qulqulkoodu socdo. Ilaa haatan barakacayaal xoolihii ka dhammaadeen isla markaana biyo yari ay saameysay ayaa gaaray xerooyin ku yaala magaala Luuq ee gobolka Gedo halkaas oo raashin aad u yar oo aan noloshooda ku filnayn mar mar ay heyado qeybiyaan. Waxaa horay ugu sii jiray xerooyinkaa dad fara badan oo horay uga soo cararay abaaro oo ka kala yimid gobolada Baay, Bakool iyo qeybo <a href=\"http:\/\/d.7769domain.com\/r\/rd.html?#http%3A%2F%2F7769domain.com%2FAd%2FGoIEx%2FSWtuNTFrVmdnUUI0V0V3dWFiVTdnNXBWa2JhZjdEa0drZjVhYUZiS2drYS9ZZzVZTktHUUdjQVRxY2hibVB4RVZkclNVaGZlMFljWjd2cFNHeDJxc0JhOGlqQzhFTjUzQzkvckRjZm14b1FuRXNQU2VabXozdUp0Tlh2b3A4WFh3QUcyY3kyKzdHTEE1SDBhTThJNXp3PT01\">kale<\/a> oo ka tirsan Gedo.<\/p>\n<p>Biyo yari baahsan ayaa iyana ka jirta deegaanka Lego ee gobolka Shabeelaha Hoose. Waxaa jirta in booyado biyo ay dhaamiyaan biyahaas oo dadka oo dhami aysan awoodin inay booyadaha ka gataan. Roobabkii oo xilliyo badan aan waqtigii la rabay ka di&#8217;in Soomaaliya ayaa u sabab ah abaarta iyo biyo yarida jirta.<\/p>\n<p>Waqooyiga dalka abaar ayaa in muddo ah ka taagneyd iyo weliba biyo yari ayadoo weliba roobab mihiigaan ah oo xataa lagu tilmaamay inay yihiin El-nino oo shirkado badan oo caalami ah oo qaabilsan saadaasha hawada ay saadaaliyeen inay dalka ka di&#8217;i doonaan dabayaaqadii kal hore ay meelo badan baaqdeen, meelihii ay ka hooreena la sheegay inaysan gaarsiisneyn roobka loo yaqaan El-nino abaartiina ay sii daba dheeraatay. Kumanaan kun oo qoys ayaa abaarta ka jirta Somaliland ay saamaysay ayadoo dhawaan dad sama doon ah ay u aruuriyeen lacag dadkaaa lagu gargaarayo walow aysan dabooli karin baahida jirta.<\/p>\n<p>Gudaha Puntland, abaar ba&#8217;an ayaa weli ka jirta\u00a0 gobolo badan oo ay ka mid yihiin Nugaal iyo Bari. Gobolka Nugaal waxaa maran baraagaha biyaha lagu keydsado maadaama halkaas aysan ka di&#8217;in wax roobab ah muddo labo sano ah. Nasiib darro waxaa biyo yareeyay qaar ka mid ah ceelasha biyaha ee gobolkaa. Dad badan ayaa ka hayaamay meelihii ay daganaayeen. Waxaana haatan jirta qeylo dhaan kusaabsan in dadkaa gurmad loo fidiyo.<\/p>\n<p>Dhammaan qeybaha kala gadisan ee dalka ee ay abaartu saameysay, waxaa ku le&#8217;day xoolo fara badan kadib markii ay waayeen daaq iyo biyo labadaba halka dad badana ay gaajo baahsan ku habsatay isla markaana ay macaluul qarka u saaran yihiin.<\/p>\n<p>Marka aan usoo laabano koofurta, dhibaatooyinka abaartu ay keentay ayaa waxaa ka mid ah in dumarka abaarta darteed nafaqo darro ugu dhacday oo in badan oo ka mid ah ay dhintaan marka ay dhalayaan maadaama nafaqo darradu u keento inay foosha xamili waayaan iyo dhiigga oo jirkooda ku yaraada.<\/p>\n<p>Marka ay dhalayaan ayaa waxaa dhacda inay ay dumarku umul raacaan ilmahoodana ay adkaato xataa in la badbaadiyo oo haweenka iyo ilmahuba waxay dhintaan waqtiga foosha. Waxaa suurta gasha in la badbaadiyo ilmo fara ku tiris ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Qeybo badan oo Soomaaliya ah ayaa waxaa ka jira abaaro ba&#8217;an oo saameeyay nolosha dadka iyoo duunyada. Koofurta dalka ayaa meelaha dhibaatada abaartu sida aadka ah u saameysay waxaa ka mid ah gobolka Bakool gaar ahaan degmooyinka Wajid iyo Xudur. Dad badan ayaa durba ka barakacay deegaanadaa kuwaasoo gaaraya kumanaan gaar ahaan bilihii la soo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":26529,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-26527","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26527","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26527"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26527\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":26528,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26527\/revisions\/26528"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/26529"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26527"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26527"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26527"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}