{"id":26478,"date":"2016-02-18T19:38:09","date_gmt":"2016-02-18T16:38:09","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=26478"},"modified":"2016-02-18T19:40:19","modified_gmt":"2016-02-18T16:40:19","slug":"heyad-wadani-somaali-ah-oo-ku-guuleysatey-shahaado-heer-caalami-ah-zamzam","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/02\/heyad-wadani-somaali-ah-oo-ku-guuleysatey-shahaado-heer-caalami-ah-zamzam\/","title":{"rendered":"Hey&#8217;ad wadani Somaali ah oo ku guuleysatey shahaado heer caalami ah ZAMZAM."},"content":{"rendered":"<p>Xaflad ballaaran oo ay ka Qayb-galeen Madax ka kala socda Bangiga Horumarinta Islaamka, Ururka Iskaashiga Islaamka, Wakiillo ka socda Hay\u2019ado Deeq-bixiyaal ah oo Fadhigoodu yahay Sucuudiga iyo Ganacsato; ayaa Hay\u2019adda Zamzam lagu guddoonsiiyay SHAHAADADA TAYADA IYO MAAMUL WANAAGGA EE CAALAMIGA AH OO LOO YAQAANNO; <strong>ISO 9001:2008.<\/strong><\/p>\n<p>Munaasabadan oo Isniintii 15-kii Feberaayo 2016-ka, ka dhacday Hoteelka Intercontinental Magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa Hay\u2019adda ZAMZAM Foundation loogu aqoonsaday inay mudan tahay in la guddoonsiiyo Shahaadadaas.<\/p>\n<p>Waa markii ugu horreysay oo hay\u2019ad Soomaali ahi (Mid dowladeed, mid gaar loo leeyahay iyo mid sama-falba) ay ku guuleysato Shahaadadan.<\/p>\n<p>Kaddib markii ay aragtay hab maamuleedka Hay\u2019adda <strong>ZAMZAM FOUNDATION<\/strong> ayay kooxda lagu magacaabo <em>International Expertise House for Administrative Development<\/em> oo ka mid ah sharikadaha Bariga Dhexe ugu waa-weyn dhinaca la-talinta, waxay u sharraxday Shahaadada <strong>ISO 9001:2008, <\/strong>la socod dheer oo la xiriira howlaha iyo adeeegyada ay ZAMZAM FOUNDATION bixiso, kadibna waxaa loo aqoonsaday mid tayada maamulkeeda iyo howlaheeduba yihiin kuwo aad u sarreeya.<\/p>\n<p>Sharikadda <strong>T<\/strong><strong>\u00dc<\/strong><strong>V INTERCERT SAAR <\/strong>fadhigeedu yahay Dalka Jarmalka oo ka shaqeysa arrimaha diiwaan-gelinta, shahaada bixinta, hannaanka tayada iyo maamul-wanaagga Hay\u2019adaha iyo Sharikadaha Caalamka ayaa Shahaadada guddoonsiisay Agaasimaha Guud ee Hay\u2019adda <strong>ZAMZAM FOUNDATION<\/strong> Mudane, <strong>Shuceyb C\/ladiif Sheekh.<\/strong><\/p>\n<p>Guusha ay <strong>ZAMZAM FOUNDATION<\/strong> ku hanatay Shahaadadan Caalamiga ah waxay kusoo beegmaysaa xilli sharikadaha iyo hay\u2019adaha xukuumiga ah, kuwa gaarka loo leeyahay iyo kuwa sama-falku ay ku han-weyn yihiin hanashada shahaaddada tayada iyo maamul-wanaaga ee loo yaqaanno <strong>ISO 9001:2008.<\/strong><\/p>\n<p>Dhanka <a href=\"http:\/\/d.7769domain.com\/r\/rd.html?#http%3A%2F%2F7769domain.com%2FAd%2FGoIEx%2FSWtuNTFrVmdnUUI0V0V3dWFiVTdnNXBWa2JhZjdEa0drZjVhYUZiS2drYS9ZZzVZTktHUUdjQVRxY2hibVB4RVZkclNVaGZlMFljWjd2cFNHeDJxc0JhOGlqQzhFTjUzQzkvckRjZm14b1FuRXNQU2VabXozdUp0Tlh2b3A4WFh3QUcyY3kyKzdHTEE1SDBhTThJNXp3PT01\">kale<\/a>,<strong> ISO 9001:2008. <\/strong>Waa Shahaado sare oo caalamiy ah caddeyna u ah sumacadda iyo tayada maamuul wanaaga cidda ay u suura-gasho in ay hesho shahaadadan. Waxaa shahaadadan lagu bixiyaa dhinaca tayada habka maamulka, iyadoo la siiyo hay\u2019adaha la xaqiijiyo in hab maamukoodu yahay mid tayeysan oo la jaan-qaadi kara nidaamka caalamiga ah, iyadoo ay horay ugu guuleysteen hay\u2019ado iyo sharikado dunida laga yaqaano, balse marka Soomaaliya laga hadlayo <strong>ZAMZAM FOUNDATION<\/strong> waa tii ugu horreysay oo la guddoonsiiyo shahaadadaan.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Hay\u2019adda <strong>ZAMZAM FOUNDATION<\/strong> waxaa la Aasaasay Sannadkii 1992-kii, waana hay\u2019ad samafal oo bixisa adeegyo kala duwan oo ay ka mid yihiin: Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Daryeelka Agoonta, Nabadeynta iyo Horumarinta, waxayna ka howlgashaa guud ahaan dalka Soomaaliya, xafiiskeeda ugu weynna wuxuu ku yaallaa Magaalada Muqdisho.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xaflad ballaaran oo ay ka Qayb-galeen Madax ka kala socda Bangiga Horumarinta Islaamka, Ururka Iskaashiga Islaamka, Wakiillo ka socda Hay\u2019ado Deeq-bixiyaal ah oo Fadhigoodu yahay Sucuudiga iyo Ganacsato; ayaa Hay\u2019adda Zamzam lagu guddoonsiiyay SHAHAADADA TAYADA IYO MAAMUL WANAAGGA EE CAALAMIGA AH OO LOO YAQAANNO; ISO 9001:2008. Munaasabadan oo Isniintii 15-kii Feberaayo 2016-ka, ka dhacday Hoteelka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":26480,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-26478","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26478","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26478"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26478\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":26479,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26478\/revisions\/26479"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/26480"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26478"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26478"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26478"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}