{"id":26475,"date":"2016-02-18T19:19:28","date_gmt":"2016-02-18T16:19:28","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=26475"},"modified":"2016-02-18T19:23:31","modified_gmt":"2016-02-18T16:23:31","slug":"doorashada-cod-bixinta-dalka-uganda-oo-dib-loo-dhigey-iyo-cabashooyin-soo-baxaya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/02\/doorashada-cod-bixinta-dalka-uganda-oo-dib-loo-dhigey-iyo-cabashooyin-soo-baxaya\/","title":{"rendered":"Doorashada cod bixinta dalka Uganda oo dib loo dhigey iyo cabashooyin soo baxaya."},"content":{"rendered":"<p>Cod-bixintii Doorashada Dalka Uganda oo ay ahayd in lasoo gaba-gabeeyo 4:00 Galabnimo ee manta ayaa waxay guddiga doorashada dalkaas ay ku sheegeen hadal ay warbaahinta siiyeen in illaa caawa 7:00 Fiidnimo ay socon doonto doorashada, Maadaama meelaha qaarkood ay dib uga dhacday codeynta xillligii loo Qorsheeyay in codeyntu billaabato, iyadoo ay xiran yihiin baraha ay bulshadu ku xiriirto ee Facebook-ga iyo Twitter-ka.<\/p>\n<p>Xaafado ka tirsan Magaalada Kampala iyo degmada Wakiso oo ku taalla Bartamaha Dalka Uganda ayay Codeyntu dib uga dhacday xilligii Qorshuhu ahaa inay Billowdaan, taasoo ay walaac ka muujiyeen shacabkii Uganda ee codka dhiiban lahaa.<\/p>\n<p>\u201cTani waa niyad-jab weyn, laakiisen waxaan Go\u2019aansaday in aan taagnaado Qorraxda illaa inta aan codkeyga ka dhiibanayo,\u201d ayuu yiri Fred Mubiru oo ah Taksiile, isagoo hadalkiisa ku daray in Dadkii goobta uu ka Codeynayay ee Kampala kula sugnaa ay u Sheegeen inay isaga tagayaan goobta haddii cod-bixintu ay daahdo.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Waxaa gabi ahaanba xiran Goobaha Ganacsiga iyo Shirkadaha waaweyn oo ay kuwa taleefoonnada ka mid yihiin; iyadoo shacabka Uganda ay cabsi weyn ka qabaan inay rabshado dhacaan. inkastoo aan lasoo sheegin rabshado waa-weyn oo dhacay intii codeyntu ay socotay.<\/p>\n<p>\u201cAnigu waxaa si aad ah uga walaacsanahay inay rabshado dhacaan,\u201d ayuu Oceng Boniface oo 32-jir ah yiri, isagoo ka Codeynayay Hoima oo Qiyaastii 125 Mayl u Waqooyi-galbeed kaga beegan Magaalada Kampala, isagoo intaas ku daray. \u201cGanacsigu wuu xiran yahay ma garanayo meel aan raashin iyo alaabo ka iibsado.<\/p>\n<p>\u201d Doorashada Uganda ka dhacaysa ayaa waxaa ku tartamaya siddeed Murashax oo uu ka mid yahay madaxweynaha Uganda ka taliya Museveni, inkastoo uu wajahayo loolan aad u adag oo kaga imaanaya Murashaxiinta mucaaradka ah oo uu ugu weyn yahay, Kizze Basigye.<\/p>\n<p>\u201cHaddii doorashadu ay noqoto mid ku dhacda si cadaalad ah oo xor ah, Waxaan noqonayaa qofka ugu horreeya ee ay shacabku u codeeyaan, xitaa haddii aanan doorashada ku guul ka gaarin,\u201d ayuu yiri Kizze Besigye oo 59-jir ah oo intaas ku daray. &#8220;Laakiinse ma filayo inay doorashadu noqon doonto mid ku dhacda si cadaalad ah oo xor ah.<\/p>\n<p>\u201d Maria Burnett oo ka mid ah baarayaasha Guddiga Xuquuqda Aadanaha Qaarada Afrika oo la hadashay warbaahinta ayaa ka digtay in Natiijada Doorashada lagu dhawaaqo Xilli hore, iyadoo intaas ku daray in laga digtoonaado in natiijada lagu dhawaaqo waqtigii loogu talo-galay ka hor.<\/p>\n<p>Iyadoo Shacabka dalka Uganda ay aad uga walaacsan yihiin Internet-ka Isgaarsiinta oo aan la Adeegsan karin Maanta, ayaa Madaxa Guddiga Isgaarsiinta Waddanka Uganda, Godfrey Mutabazi wuxuu War-fidiyeenka u sheegay in Sababta loo xiray Is-gaarsiinta ay tahay in la adkeeyo amniga lagana hortago falal amni-darro oo dhaca.<\/p>\n<p>\u201cSababta Is-gaarsiinta loo xiray waa mid la xiriirta Amaanka, Aniguna kama Jawaabi karo Arrimaha ku saabsan Sugidda Amniga,\u201d ayuu Hadalkiisa ku daray Godfrey Mutabazi oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee AP.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Hay\u2019adaha u Dooda Xuquuqda Aadanaha ee Caalamka iyo kuwa Maxalliga ah ayaa ku baaqay in deggenaashada la ilaaliyo, lagana fogaado wax walba oo rabshado ay ka dhalan karaan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Cod-bixintii Doorashada Dalka Uganda oo ay ahayd in lasoo gaba-gabeeyo 4:00 Galabnimo ee manta ayaa waxay guddiga doorashada dalkaas ay ku sheegeen hadal ay warbaahinta siiyeen in illaa caawa 7:00 Fiidnimo ay socon doonto doorashada, Maadaama meelaha qaarkood ay dib uga dhacday codeynta xillligii loo Qorsheeyay in codeyntu billaabato, iyadoo ay xiran yihiin baraha ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":26477,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-26475","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26475","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26475"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26475\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":26476,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26475\/revisions\/26476"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/26477"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26475"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26475"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26475"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}