{"id":26458,"date":"2016-02-17T22:53:42","date_gmt":"2016-02-17T19:53:42","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=26458"},"modified":"2016-02-18T06:04:08","modified_gmt":"2016-02-18T03:04:08","slug":"gobolka-hiiraan-oo-manta-lagu-wareejiyey-gaadiid-ay-adeegsan-doonaan-ciidanka-booliska-gobolkaasi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/02\/gobolka-hiiraan-oo-manta-lagu-wareejiyey-gaadiid-ay-adeegsan-doonaan-ciidanka-booliska-gobolkaasi\/","title":{"rendered":"Gobolka Hiiraan oo manta lagu wareejiyey gaadiid ay adeegsan doonaan ciidanka booliska gobolkaasi."},"content":{"rendered":"<p>Taliyaha Guud ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jen Max&#8217;ed Sheekh Xassan Xaamud ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad gaadiid loogu wareejinayay taliska booliiska gobolka Hiiraan oo lagu qabtay magaalada Beledweyne.<\/p>\n<p>Munaasabada oo lagu qabtay xarunta taliska AMISOM ee gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale, Waxaa ka Qayb-galay, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar, taliyaha ciidammada booliiska gobolka Hiiraan Col. Isaaq Cali Cabdulle, taliyaha Ciidanka Jabuuti ee Qaybta ka ah Hawl-galka Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM Col. Cismaan Dubad iyo saraakiil kale oo ka soctay qeybaha kale ee Ciidamada. Col.<\/p>\n<p>Isaaq Cali C\/lle ayaa sheegay in gadiidka maanta lagu wareejiyay noqon doonaa kuwo Wax weyn ka tara Hawl-gallada Ciidamada Booliiska ay ku sugaan ammaanka guud ahaan gobolka, gaar ahaan Beledweyne, isagoo intaa ku darray inay kusoo beegmeen xili boliiska gobolku baahi-weyn u qabay in ay helleen gadiidkan oo kale.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar ayaa sheegay in Gadiidkaan oo ka kooban Shan, laba ka mid ah loogu tala-galay ciidamada Booliiska ka howlgala magaalada, halka saddexda kalana loogu deeqay qeybta miino baaristan ee ciidammada booliiska oo ku shaqeyn doonna.<\/p>\n<p>&#8221;Labo ka mid ah Gadiidka waxaa ku deeqay Dowladda Jarmalka, Saddexda kalana, waxaa ku deeqay hay&#8217;adda QM u qaabilsan miino baarista,\u201d ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka.<\/p>\n<p>Taliyaha ciidammada booliiska Soomaaliyeed Jen Max&#8217;ed Sheekh Xasan Xaamud oo hadal kooban jeediyay ayaa kula Dar-daarmay Taliska Booliiska Gobolka Hiiraan inay ilaaliyaan kana faa&#8217;iideystaan Gadiidka oo ah ayuu yiri kuwo loogu tala-galay in loogu adeego dadka ku dhaqan Gobolka Hiiraan.<\/p>\n<p>&#8221;Taliska Booliiska Gobolka Hiiraan, waxaan kula dardaarmayaa inay ilaaliyaan gaadiidkan loogu deeqay uguna adeegaan bulshada ay mas&#8217;uuuliyada Ammaanka u ahayaan,&#8221; ayuu yiri taliyahay ciidammada booliiska Soomaaliyeed. Gaadiidkaan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee loogu deeqo ciidammada Booliiska ka Hawl-gala Gobolka Hiiraan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Taliyaha Guud ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jen Max&#8217;ed Sheekh Xassan Xaamud ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad gaadiid loogu wareejinayay taliska booliiska gobolka Hiiraan oo lagu qabtay magaalada Beledweyne. Munaasabada oo lagu qabtay xarunta taliska AMISOM ee gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale, Waxaa ka Qayb-galay, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar, taliyaha ciidammada booliiska gobolka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":26464,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-26458","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26458","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26458"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26458\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":26459,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26458\/revisions\/26459"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/26464"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26458"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26458"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26458"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}