{"id":26426,"date":"2016-02-14T20:25:33","date_gmt":"2016-02-14T17:25:33","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=26426"},"modified":"2016-02-14T20:30:07","modified_gmt":"2016-02-14T17:30:07","slug":"sanadguuradii-56aad-ee-ciidanka-circa-soomaaliya-oo-manta-loo-dabaal-degey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/02\/sanadguuradii-56aad-ee-ciidanka-circa-soomaaliya-oo-manta-loo-dabaal-degey\/","title":{"rendered":"Sanadguuradii 56&#8217;aad ee ciidanka circa soomaaliya oo manta loo dabaal degey."},"content":{"rendered":"<p>Ciidamada Cirka Soomaaliya ayaa Maanta u Dabaal-dagay Sannad-guuradii 56-aad ee kasoo Wareegtay markii la Aasaasay, waxaana Xafladda Dabaal-dagga ka qayb-galay RW ku xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte &amp; Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Jen. C\/qaadir Sh. Cali Diini.<\/p>\n<p>RW ku xigeenka Soomaaliya oo Hadal ka jeediyay Munaasabadda, ayaa u si gaar ah u ugu mahad-naqay ciidanka qalabka sida ee Somalia, gaar ahaana ciidanka cirka Soomaaliya iyo Qoysaskooda.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Carte ayaa ka hadlay muhiimadda ay ciidamada Cirku u leeyihiin DFS iyo sida ay ugu baahan yihiin in lasoo celiyo Sumcaddii iyo Sharaftii ay Horay u lahaayeen, isagoo u mahad-caliyay dhamaan saraakiishii Soomaaliyeed ee ka qayb-qaatay dhismaha ciidanka Cirka Soomaaliya, isagoo si gaar ah u xusay Haweenaydii ugu Horreysay ee Soomaaliyeed oo Duuliye ka noqota Ciidamada Cirka Soomaaliya, Dhamme Asli Calan-side.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan ka xumahay in Xaruntii Wasaaradda Difaaca Somalia iyo Xaruntii ciidanka cirka Soomaaliya ay sidan u bur-bur-sanaato, waxaan idinka codsanayaa in la dhiso xaruntaas oo Sannadka dambe ay sidaan ka duwanaato, si loo xuso taariikhdii ay lahayd. Dalkaan wixii sababay burburka dalkan, waxaa ka mid ahaa cadaalad-xumo iyo siyaasad-xumo, waxaana muhiim ah inay innaga go\u2019naato inaysan taasoo kale dib inoogu soo laaban,\u201d ayuu yiri RW ku xigeenka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Ciidanka Cirka Somalia ayaa waxaa la Aasaasay sannadkii 1960-kii, iyagoo ka soo Qayb-qaatay Hal-gankii iyo Horumarkii uu Waddankaan lahaa, Waxaana si gaar ah loo xusi karaa gacantii ay ka gaysteen fatahaadihii dhacday Sannadkii 1962-kii iyo Abaartii daba-dheer ee Sannadkii 1974-kii.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ciidamada Cirka Soomaaliya ayaa Maanta u Dabaal-dagay Sannad-guuradii 56-aad ee kasoo Wareegtay markii la Aasaasay, waxaana Xafladda Dabaal-dagga ka qayb-galay RW ku xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte &amp; Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Jen. C\/qaadir Sh. Cali Diini. RW ku xigeenka Soomaaliya oo Hadal ka jeediyay Munaasabadda, ayaa u si gaar ah u ugu mahad-naqay ciidanka qalabka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":26427,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-26426","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26426","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26426"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26426\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":26428,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26426\/revisions\/26428"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/26427"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26426"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26426"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26426"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}