{"id":26420,"date":"2016-02-14T19:46:39","date_gmt":"2016-02-14T16:46:39","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=26420"},"modified":"2016-02-14T19:49:31","modified_gmt":"2016-02-14T16:49:31","slug":"qiimeynta-xaaladda-soomaaliya-oo-ay-u-yimaadeen-wafdi-ka-socda-ururka-midawga-afrika","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/02\/qiimeynta-xaaladda-soomaaliya-oo-ay-u-yimaadeen-wafdi-ka-socda-ururka-midawga-afrika\/","title":{"rendered":"Qiimeynta xaaladda Soomaaliya oo ay u yimaadeen wafdi ka socda ururka midawga afrika."},"content":{"rendered":"<p>Wafdi ka socda Midowga Afrika ayaa Soomaaliya ku yimid booqasho ay ku qiimeynayaan howlgalka Ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia iyo baahida deg-degga ah ee ciidamadu Midowga Afrika ka socda ay u baahan yihiin.<\/p>\n<p>Xubnaha Wafdigan oo ka socda qaybta taageerada howlgallada nabad-ilaalinta ee Ciidanka Midowga Afrika ayaa Waxyaabaha ay doonayaan inay ogaadaan waxaa ka mid ah sida loo Qorsheeyay Hawl-gallada AMISOM iyo kaalinta ay ku leeyihiin sidii loo heli lahaa jawi xasilloon oo ay ku socon karaan arrimaha siyaasadda Soomaaliya, amniga iyo weliba dib u heshiisiinta.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Wafdiga ayaa waxay u Kuur-galayaan sida lagu Caawin karo Laamaha Amniga Dowladda Federaalka Somalia ee la shaqeeya Ciidanka AMISOM iyo sidii loo Fulin lahaa Waajibaadka ka saaran ka Hor-tagga khataraha ka imaan kara Al-shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan.<\/p>\n<p>\u201cGuddigan waxay qiimeyn doonaan sida ay ku socdaan howlaha lagu doonay inay Somalia ay uga dhacdo doorasho Sannadkaan dhamaadkiisa,\u201d ayaa lagu yiri warbixin lagu daabacay Shabakadda AMISOM ay ku leedahay Internet-ka. Jen. Francis Okello oo Hoggaaminayay Wafdiga ayaa yiri.<\/p>\n<p>\u201cSafarka aan Somalia ku nimid, waa sidii aan wax uga ogaan lahayn diyaar-garowga ciidanka AMISOM ay ugu jiraan sidii ay u taageeri lahaayeen Geeddi-socodka Siyaasadeed ee Soomaaliya ka socota. Maadaama la filayo in Somalia ay ka dhacdo doorasho Dhammaadka Sannadkan 2016-ka iyo sidii aan taageero uga geysan lahayn.<\/p>\n<p>\u201d Wafigan ayaa waxay booqdeen, Fariisimaha AMISOM ay ku leedahay degmada Marko ee gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo halkaas ay kulamo kula yeeshay waxgaradka degmada, taliyeyaasha ciidamada iyo maamulka, si xaaladda amni ee degmadaas ka jirta ay wax uga ogaadaan. Taliyaha Ciidamada Uganda ee Qaybta ka ah howlgalka AMISOM oo Saldhiggoodu yahay degmada Marko Col.<\/p>\n<p>Peter Omol ayaa uga warbixiyay wafdiga ka socday ururka Midowga Afrika, is-bedelladii gacan ku haynta Degmada ahaa ee Al-shabaab iyo Ciidanka AMISOM oo dhawaan ka dhacay degmadaas, isagoo xusay inay xiligan ciidanka AMISOM si buuxda gacanta ugu hayaan degmada Marko.<\/p>\n<p>\u201cMagaalada Marka inaga ayaa si buuxda gacanta ku hayna. Maalin iyo habeenna waxaanu ku sameymaan Roondo Xaafadaha Degmada si aan ammaanka u sugno. Waxaana taageero ka Haysannaa Ciidanka dowladda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Shacabka Degmada ku nool waxay mararka qaarkood naga Taageeraan fariimaha ku saabsan kooxaha Ammaan-darrada wada, inkastoo Han-jabaadyo iyo Cabsi-gelino ay mararrka qaarkood kala kulmaan Al-shabaab,\u201d ayuu yiri yiri Col. Omol. Dhanka kale, Col. Paul Njuguna oo isagana ah Afhayeenka ciidamada AMISO ee degmada Marko ku sugan ayaa beeniyay Wararka Warbaahintu ay sii daayeen ee ahaa in Ciidamada AMISOM ay isaga baxeen degmada Marko, isagoo xusay inay ahaayeen kuwo aan sal iyo raad lahayn.<\/p>\n<p>\u201cWararka ay warbaahintu baahisay ee ahaa in ciidamada AMISOM ay Marko isaga baxeen waa kuwo aanay waxba ka jirin.<\/p>\n<p>Magaalada innagaa si buuxda Gacanta ugu haynna, waana nabdoon tahay, Ciidamaduna waxay Gudanayaan Waajibka ka saaran sidii loo ilaalin lahaa amniga degmada iyo nolosha shacabkeeda,\u201d ayuu yiri Col. Njuguna.<\/p>\n<p>UGu dambeyn, Crowd Chirenje oo ka mid ahaa xubnaha wafdiga Midowga Afrika ayaa ka sheegay goobta inay warbixinada ay helaan ay ku celinayaan mas&#8217;uuliyiinta sare ee Ururka, waxaana ka mid ah waxyaabaha aan ka warbixin doonno taageerada ay ciidanka AMISOM ee Somalia ku sugan u baahan yihiin iyo weliba tallaabooyinka ay doonayaan inay qaadaan Taliyeyaasha Ciidanka Midowga Afirka si ay Dowladda Somalia uga caawiyaan sidii dalka dhan loo nabadeyn lahaa.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wafdi ka socda Midowga Afrika ayaa Soomaaliya ku yimid booqasho ay ku qiimeynayaan howlgalka Ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia iyo baahida deg-degga ah ee ciidamadu Midowga Afrika ka socda ay u baahan yihiin. Xubnaha Wafdigan oo ka socda qaybta taageerada howlgallada nabad-ilaalinta ee Ciidanka Midowga Afrika ayaa Waxyaabaha ay doonayaan inay ogaadaan waxaa ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":26422,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-26420","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26420","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26420"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26420\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":26421,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26420\/revisions\/26421"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/26422"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26420"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26420"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26420"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}