{"id":26414,"date":"2016-02-13T15:40:46","date_gmt":"2016-02-13T12:40:46","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=26414"},"modified":"2016-02-13T15:44:57","modified_gmt":"2016-02-13T12:44:57","slug":"riek-machar-oo-si-taxadar-leh-uga-hadley-xilka-madaxweyne-ku-xigeenka-uu-u-magacaabey-madaxweynaha-dalka-ssuudaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/02\/riek-machar-oo-si-taxadar-leh-uga-hadley-xilka-madaxweyne-ku-xigeenka-uu-u-magacaabey-madaxweynaha-dalka-ssuudaan\/","title":{"rendered":"Riek Machar; oo si taxadar leh uga Hadley xilka madaxweyne ku xigeenka uu u magacaabey madaxweynaha dalka S\/suudaan."},"content":{"rendered":"<p>Hoggaamiyaha Mucaaradka Koonfurta Suudaan, Riek Machar ayaa si taxaddar leh uga hadlay xilkii madaxweyne ku xigeenka dalka South Sudan ee uu shalay u magacaabay madaxweynaha dalkaas, Salva Kiir.<\/p>\n<p>Machar ayaa xilkan loo magacaabay, Wuxuu qayb ka yahay Heshiiskii ay labada dhianc ee isku haya dalkaas ku gaareen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, Sannadkii hore ee 2015-ka, kaasoo qorshihiisu ahaa in colaada dalkaas ka taagan lagu soo af-jaro.<\/p>\n<p>Riek Machar ayaa wareysi uu siiyay BBC-da lagu weeydiiyey inuu aamisan yahay xilka uu madaxweyne Salva Kiir u magacaabay iyo in kale, isagoo ku jawaabay inuusan kalsooni ku qabin xilka loo magacaabay.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Machar, ayaa xusay inay wax lala yaabo ay ku noqotay Xilka uu u Magacaabay Salva Kiir maanta oo Jimco ah, balse uu soo dhaweynayo, isagooo muujiyay siduu uga rajo xun yahay inuu dib ugu laabto caasimadda South Sudan ee Juba. \u201cMagacaabiddu ma ahan mid loo maray waddadii saxda ahayd.<\/p>\n<p>Balse waxay igu noqotay la yaab, waayo waxaan moodayay in marka hore Jubba la isugu tago oo heshiis wanaagsan la galo, Si kasta oo ay tahay waan soo dhaweynayaa jagada uu ii magacaabay Madaxweynaha kaddib markii uu go\u2019aan qaatay,\u201d ayuu Machar hadalkiisa ku daray. Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray.<\/p>\n<p>\u201cHaddii, Hubka la iska dhigo waa midda keliya ee xoojinaysa qorsaha madaxweynaha. Waxaana rajeynayaa mar walba in heshiiskii la gaaray la fulin doono.\u201d Mar la weydiiyay kalsoonida uu qabo, ayuu ku Jawaabay.<\/p>\n<p>\u201cKalsoonidayda waxay ku xiran tahay hadba sida Hawsha loogu dhaqaaqo, dalkana Nabad-galyo loogu soo celiyo. Taasina waa qorshaha aan doonayo inuu hir-gal noqdo.\u201d Su\u2019aal ahayd xilliga uu dib ugu laabanayo Magaalada caasimadda ah ee Jubba, ayaa wuxuu ku jawaabay.<\/p>\n<p>\u201cHaddii aan u arko inaan ku nabad-galayo saddex toddobaad gudahood ayaan ku tagayaa\u2026 xilka la ii Magacaabayna waan la wareegayaa\u2026 laakiin wax walba waxay ku xiran yihiin kalsoonida aan helo.<\/p>\n<p>\u201d Madaxweyne ku xigeenka dalka Koonfurta Suudaan ee xilka sii haya, James Wani Igga oo isagana la hadlay warbaaahinta ayaa ugu baaqay madaxweyne ku xigeenka la magacaabay Machar inuu kusoo laabto Juba, isagoo Xusay in Madaxweyne ku xigeen aysan Suuro-gal ahayn inuu dalkiisa ka maamulo dibadda.<\/p>\n<p>\u201cHadda waxaad tahay madaxweyne ku xigeen, xitaa haddii xilka lagu magacaabo oo keliya dalkaaga kama xukumi kartid dibadda. Sidaas awgeed tan ugu wanaagsan waa inaad kusoo biirto kooxdaada,\u201d ayuu yiri Wain Igga.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa kaddib colaado dalka South Sudan ka taagnaa tan iyo bishii December ee sannadkii 2013-kii, dagaalladaasoo ay ku naf-waayeen boqolaal qof oo shacab u badan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hoggaamiyaha Mucaaradka Koonfurta Suudaan, Riek Machar ayaa si taxaddar leh uga hadlay xilkii madaxweyne ku xigeenka dalka South Sudan ee uu shalay u magacaabay madaxweynaha dalkaas, Salva Kiir. Machar ayaa xilkan loo magacaabay, Wuxuu qayb ka yahay Heshiiskii ay labada dhianc ee isku haya dalkaas ku gaareen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, Sannadkii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":26416,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-26414","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26414","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26414"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26414\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":26415,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26414\/revisions\/26415"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/26416"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26414"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26414"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26414"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}