{"id":26323,"date":"2016-02-06T16:22:32","date_gmt":"2016-02-06T13:22:32","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=26323"},"modified":"2016-02-06T16:28:39","modified_gmt":"2016-02-06T13:28:39","slug":"cweli-cali-gaas-oo-codsadey-in-laga-caawiyo-abaaro-ku-habsadey-deegaanada-puntland-ee-uu-maamulo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/02\/cweli-cali-gaas-oo-codsadey-in-laga-caawiyo-abaaro-ku-habsadey-deegaanada-puntland-ee-uu-maamulo\/","title":{"rendered":"C\/weli Cali Gaas oo codsadey in laga caawiyo Abaaro ku habsadey deegaanada Puntland ee uu maamulo."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Puntland, C\/weli Maxamed Cali Gaas oo kulan la qaatay hay\u2019ado badan oo kuwa gargaarka ah oo ka howlgala Puntland, ayaa ka dalbaday in gargaar lala soo gaaro shacabka qaybo ka mid ah Puntland ku nool, kuwaasoo uu sheegay inay abaaro kusoo wajahan yihiin.<\/p>\n<p>C\/weli Gaas ayaa hay\u2019adahaas kala hadlay xaalada abaareed ee ka jirta xilligan deegaanada Puntland iyo sidii wax looga qaban lahaa, maadaama laga cabsi qabo in abaaro hor leh inay ku dhuftaan Puntland.<\/p>\n<p>\u201cRuntii waxaan ugu baaqaynaa ha\u2019yadaha samafalka iyo shacabka Soomaaliyeed oo dhan inay gacan siiyaan Walaalahooda ku dhaqan Puntland oo ay kusoo Wajahan yihiin Abaaro xooggan. Abaartaasna ma ahan kuwo ay Puntland oo keliya wax ka qaban karto,\u201d ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo kula ka hadlay.<\/p>\n<p>Sidoo <a href=\"http:\/\/d.7769domain.com\/r\/rd.html?#http%3A%2F%2F7769domain.com%2FAd%2FGoIEx%2FSWtuNTFrVmdnUUI0V0V3dWFiVTdnNXBWa2JhZjdEa0drZjVhYUZiS2drYS9ZZzVZTktHUUdjQVRxY2hibVB4RVZkclNVaGZlMFljWjd2cFNHeDJxc0JhOGlqQzhFTjUzQzkvckRjZm14b1NaOHRwOW02a0NuRDh4azFFWGxPRnNMRDBCRGtyODNiRHVRcmJNWWtwRzB5Wk5rMlFrc3BrWk5KM1NtU0tndUpVPQ2\">kale<\/a>, C\/weli Gaas ayaa sheegay abaarahan ay jiri karaan illaa inta xilliga guga laga gaarayo, kaasoo uu sheegay inay dhici karto inuu billowdo sidii ay caadaduba ahaan jirtay bilaha Abriil ama May Sannadkan.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Puntland ayaa markuu kulanku soo dhammaaday wuxuu bahda saxaafadda uga waramay xaalada abaareed ee ka jirta Puntland, isagoo baaq u diray hay\u2019adaha dhanka samafalka ah ee Caalamiga, kana dalbaday inay gacan ka geystaan Abaaraha\u00a0Puntland ka.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, C\/weli Gaas ayaa sheegay in qaar ka mid ah Gobollada Puntland ay yihiin meelaha ugu daran ee ay Abaaraha saameeyeen welibana ay ka mid yihiin dhulka la filayo inay kusoo wajahan yihiin Abaaro soo fool leh.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Puntland, C\/weli Maxamed Cali Gaas oo kulan la qaatay hay\u2019ado badan oo kuwa gargaarka ah oo ka howlgala Puntland, ayaa ka dalbaday in gargaar lala soo gaaro shacabka qaybo ka mid ah Puntland ku nool, kuwaasoo uu sheegay inay abaaro kusoo wajahan yihiin. C\/weli Gaas ayaa hay\u2019adahaas kala hadlay xaalada abaareed ee ka jirta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":26325,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-26323","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26323","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26323"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26323\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":26324,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26323\/revisions\/26324"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/26325"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26323"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26323"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26323"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}