{"id":26284,"date":"2016-01-28T17:30:09","date_gmt":"2016-01-28T14:30:09","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=26284"},"modified":"2016-01-28T17:33:26","modified_gmt":"2016-01-28T14:33:26","slug":"cabdullaahi-saciid-cismaan-danjirihii-ugu-horeeyey-ee-soomaaliya-u-fariistey-mareykanka-oo-geeryoodey-allaha-u-naxariistee","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/01\/cabdullaahi-saciid-cismaan-danjirihii-ugu-horeeyey-ee-soomaaliya-u-fariistey-mareykanka-oo-geeryoodey-allaha-u-naxariistee\/","title":{"rendered":"Cabdullaahi Saciid Cismaan danjirihii ugu horeeyey ee soomaaliya u fariistey Mareykanka oo geeryoodey allaha u naxariistee."},"content":{"rendered":"<p>Danjire C\/llaahi Siciid Cismaan ayaa ku geeriyooday shalay Dalka Mareykanka, waxaana geeridiisa ka tacsieeyay RW Somalia Cumar C\/rashiid Cali Sharma\u2019arke iyo ku xigeenkiisa, Maxamed Cumar Carte.<\/p>\n<table>\n<tbody>\n<tr>\n<td><\/td>\n<\/tr>\n<\/tbody>\n<\/table>\n<p>RW Somalia, ayaa Geerida Danjire C\/llaahi Cismaan ku tilmaamay mid Naxdin leh, isagoo tacsi u diray ehelladii, asxaabtii iyo shacabka Soomaaliyeed oo dhan oo uu ka geeriyooday marxuum C\/laahi Siciid, Wuxuuna Alle uga baryey inuu Samir iyo Iimaan ka siiyo isagana Qabrigiisa u Waasiciyo.<\/p>\n<p>\u201cMarxuum C\/llaahi Siciid Cismaan wuxuu muwaadin dalkiisa wax badan u soo qabtay, isla markaana wakhtiyo kala duwan xilal kasoo qabtay Somalia, wuxuuna Alle uga baryaa inuu naxariistiisa Jannaayo uu ka waraabiyo marxuumka,\u201d ayuu yiri RW Sharma\u2019arke.<\/p>\n<p>Dhanka <a href=\"http:\/\/d.7769domain.com\/r\/rd.html?#http%3A%2F%2F7769domain.com%2FAd%2FGoIEx%2FSWtuNTFrVmdnUUI0V0V3dWFiVTdnNXBWa2JhZjdEa0drZjVhYUZiS2drYS9ZZzVZTktHUUdjQVRxY2hibVB4RVZkclNVaGZlMFljWjd2cFNHeDJxc0JhOGlqQzhFTjUzQzkvckRjZm14b1NaOHRwOW02a0NuRDh4azFFWGxPRnNMRDBCRGtyODNiRHVRcmJNWWtwRzB5Wk5rMlFrc3BrWk5KM1NtU0tndUpVPQ2\">kale<\/a>, RW Sharma;arke ayaa sheegay in Marxuumku uu soo noqday Danjirihii ugu Horreeyay ee Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva u Fadhiya Soomaaliya, uuna sidoo kale Xilal kala duwan kasoo qabtay Xukuumadihii kala dambeeyay ee Dalka soo maray ka hor burburkii.<\/p>\n<p>Ugu dabmeyn, Geerida Marxuumka ayaa waxaa ka tacsiyeeyay mas&#8217;uuliyiinta Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, waxaana<\/p>\n<p><strong>TAARIIKHDII IYO XILALKII UU KASOO QABTAY DOWLADIHII SOMALIA;<\/strong><\/p>\n<p>Marxuum danjire C\/llaahi Said Osman ayaa muddo dheer kusoo jiray siyaasadda, wuxuuna ahaa Mas\u2019uul si xeel-dheer u yaqaan sharciga iyo siriirka caalamiga ah, wuxuuna ka Qalin-jabiyay Jaamacadda Hull oo uu ka Qaatay Shahaadada Qaanuunka LLP (Hons), isagoo ku Takhasusay Qaanuunka Caalamiga ah iyo midka Shirkadaha (Public International law and Mercantile\/Corporate law).<\/p>\n<p>Sannadkii 1963-kii ayuu helay darajada Barrister oo tilmaameysa inuu yahay sharci-yaqaan Garsoore ah. Isagoo Waxbarashadiisii Jaamacadeed kusoo qaatay Britain, kaddibna wuxuu kusoo laabtay dalka si uu ugu adeego dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed.<\/p>\n<p><strong>1991 illaa 1995: <\/strong>Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Midnimada Afrika (OAU) <strong>1984 illaa 1990: <\/strong>Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta QM ee New York <strong>!976 illaa 1984: <\/strong>Danjiraha iyo Wakiilka Somalia u fadhiya xafiika QM ee Geneva. <strong>!970 illaa 1976: <\/strong>Garyaqaanka Guud ee Dawladda (Avvocato Generale dello Stato) <strong>1968 illaa 1970: <\/strong>Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Caddaalada. <strong>1966 illaa 1968: <\/strong>Agaasimaha Waaxda Caddaaladda. <strong>Sanadkii\u00a0 1964: <\/strong>Xaghayaha Xafiiska Ra\u2019iisul Wasaaraha.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Danjire C\/llaahi Siciid Cismaan ayaa ku geeriyooday shalay Dalka Mareykanka, waxaana geeridiisa ka tacsieeyay RW Somalia Cumar C\/rashiid Cali Sharma\u2019arke iyo ku xigeenkiisa, Maxamed Cumar Carte. RW Somalia, ayaa Geerida Danjire C\/llaahi Cismaan ku tilmaamay mid Naxdin leh, isagoo tacsi u diray ehelladii, asxaabtii iyo shacabka Soomaaliyeed oo dhan oo uu ka geeriyooday marxuum C\/laahi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":26286,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-26284","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26284","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26284"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26284\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":26285,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26284\/revisions\/26285"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/26286"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26284"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26284"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26284"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}