{"id":26265,"date":"2016-01-27T15:27:02","date_gmt":"2016-01-27T12:27:02","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=26265"},"modified":"2016-01-27T15:28:35","modified_gmt":"2016-01-27T12:28:35","slug":"musuq-maasuqa-iyo-xatooyada-oo-soomaaliya-ay-safka-hore-ka-gashey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/01\/musuq-maasuqa-iyo-xatooyada-oo-soomaaliya-ay-safka-hore-ka-gashey\/","title":{"rendered":"Musuq maasuqa iyo xatooyada oo Soomaaliya ay safka hore ka gashey."},"content":{"rendered":"<p>Warbixin cusub oo sanadle ah oo ay maanta baahisay Hay\u2019ada Transparency International ayaa Waddamada Soomaaliya, Kuuriyada Waqooyi &amp; Afghanistan ku tilmaantay\u00a0Dalalka ugu Musuq-maasuqa badan Caalamka oo dhan.<\/p>\n<p>Hay\u2019adda ayaa warbixiinteeda ku xustay inay Warbixintan soo ururiyeen Khuburo ka kala socda Adduunka Daafihiisa, kuwaasoo Cabirayay Heerka Musuq-maasuqa Dhaqaalaha ay dowladuhu maamulaan.<\/p>\n<p>Khuburadan ayaa waddamada Dunida oo dhan ku cabiray dhibco u dhexeeya 01 illaa 100, iyadoo dhinaca yar uu Macnahoodu yahay in Musuq-maasuqa ka jira Dalalkaas uu yahay mid xad-dhaaf ah.<\/p>\n<p>Warbixinta ayaa lagu xusay in Soomaaliya iyo Kuuriyada Waqooyi ay yihiin ka mid yihiin Dalalka ugu Musuq-maasuqa badan Caalamka, iyadoo la siiyay 08-dhibic Middiiba, Halka Afghanistan ay heshay 11-dhibcood, taasoo macanaheedu yahay in Somalia iyo Kuuriyada Woqooyi ay wadaagaan kaalinta koowaad ee dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka.<\/p>\n<p>Ma jirin Dal helay 100-ka Dhibic oo ah in uusan Musuq-maasuq ka jirin Dalkaas, Waxaase 91-dhibic helay dalka Denmark, halka waddamada Finland &amp; Sweden ay heleen 90-dhibic, kuwaasoo ah waddamada ugu musuq-maasuqa yar caalamka.<\/p>\n<p>Waddanka Mareykanka ayay warbixintani ay siisay 76-dhibcood, taasoo caddeyn u ah inuu ka jiro musuq-maasuqa, Laakiinse laguma Caddeyn Warbixinta inta uu Musuq-maasuqaasi le\u2019eg yahay ama baaxadda uu leeyahay.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Hay\u2019adda Transparency International ayaa sheegtay in 6-bilyan oo ruux oo ka mid ah dadka dunida ku nool ay ku nool yihiin dalal uu ka jiro Musuq-maasuq xooggan.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horreysay oo Soomaaliya lagu daro Liiska ugu sarreeya waddamada uu Musuq-maasuqu ka jiro, inkastoo Dowladda Federaalka Somalia ay dhowr jeer oo hore sheegtay inay dagaal kula jirto wax walba oo musu-maasuq ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Warbixin cusub oo sanadle ah oo ay maanta baahisay Hay\u2019ada Transparency International ayaa Waddamada Soomaaliya, Kuuriyada Waqooyi &amp; Afghanistan ku tilmaantay\u00a0Dalalka ugu Musuq-maasuqa badan Caalamka oo dhan. Hay\u2019adda ayaa warbixiinteeda ku xustay inay Warbixintan soo ururiyeen Khuburo ka kala socda Adduunka Daafihiisa, kuwaasoo Cabirayay Heerka Musuq-maasuqa Dhaqaalaha ay dowladuhu maamulaan. Khuburadan ayaa waddamada Dunida oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":26267,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-26265","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26265","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26265"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26265\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":26266,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26265\/revisions\/26266"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/26267"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26265"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26265"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26265"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}