{"id":26219,"date":"2016-01-24T23:59:06","date_gmt":"2016-01-24T20:59:06","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=26219"},"modified":"2016-01-25T00:03:03","modified_gmt":"2016-01-24T21:03:03","slug":"shirka-dib-u-eegista-xuquuqul-insaanka-wadamada-adduunka-oo-soomaaliya-hadal-ka-jeedisey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/01\/shirka-dib-u-eegista-xuquuqul-insaanka-wadamada-adduunka-oo-soomaaliya-hadal-ka-jeedisey\/","title":{"rendered":"SHirka dib u eegista xuquuqul insaanka wadamada adduunka oo Soomaaliya hadal ka jeedisey."},"content":{"rendered":"<p>Soomaaliya ayaa waxay ka Qayb-gashay shir dib loogu eegayay Xuquuqda Aadanaha Calaamka, kaasoo Afartii Sannaba mar la qabto kana dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Wafdiga Somalia uga qayb-galay Shirkaas ayaa waxaa ka mid ahaa;<\/p>\n<p>Wasiiradda Haweenka &amp; Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya, Sahra Maxamed Cali Samatar iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Xaaji Daahir. Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali oo u Warramay VOA-da ayaa sheegay in shirkaas Xuquuqda Aadanaha Caalamka uu shalay ahaa mid su\u2019aalo ay Caalamku kaga Weydiinayeen Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201cMaanta [Sabtidii] Waxay ahayd maalin ay Dowladda Soomaaliya Jawaabo ka bixinaysay Su\u2019aalo uu Caalamku Qabay, isla markaana ay jeedinayeen warbixintii afartii sano ee lasoo dhaafay laga qabtay Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya,\u201d ayuu yiri Dr. Axmed Cali Daahir. Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha ayaa waxaa la weydiiyay tirada dalalka weydiinayay su\u2019aalaha, wuxuuna ku jawaabay.<\/p>\n<p>\u201cDalalka is-qoray ee su\u2019aalaha na weydiinayay waxay ahaayeen 98-waddan, balse shirka waxaa goobjoog ka ahaa in ka badan 160-waddan.\u201d Dr. Axmed Daahir ayaa waxaa kaloo la weydiiyay su\u2019aalaha ugu badan ee la weydiinayay Waxay ahaayeen, Wuxuuna ku jawaabay in Su\u2019aalaha intooda badan ay ahaayeen kuwo la xiriira ilaalinta xuquuqda aadanaha.<\/p>\n<p>\u201cWaddamada su\u2019aalaha na weydiinayay waxaa mudaanta siinayeen Waxyaabo kala duwan, waxaana ka mid ahaa; waxyaabaha ay Somalia ka qabatay intii ay ka Ansixisay Sharciyada Xuquuqaha Aadamiga ee Caalamka, Qodobbada kale ee aysan Somalia weli meel-marinna sababta ay u meel-marin wayday.<\/p>\n<p>Dalalka qaarkood waxay aad u Danaynayeen dilalka aan fulinno ee toogashada ah oo runtii Waddamada Yurub ay si aad ah u daneynayeen sidii loo baabi\u2019in lahaa, aad ayayna su\u2019aalah arrintaan u badnaayeen, innaguna jawaabo ku habboon ayaanan ka siinnay, Maadaama aanu nahay Ummad Muslim ah; Shareecada Islaamkuna ay tahay aasaaska shuruucdeeda wax walba oo ka hor-imaan karana aanan ku dhaqmi karin.<\/p>\n<p>\u201d Ugu dambeyn, Xeer-ilaaliaha Guud ee Qaranka, Axmed Daahir ayaa Waxaa la weydiiyay su\u2019aal ahayd, Waa maxay faa\u2019iidada ay leedahay warbixinnada laga dhiibo Shir noocan oo kale ah; wuxuuna ku jawaabay.<\/p>\n<p>\u201cFaa\u2019iidooyin badan ayuu leeyahay. Marka hore Warbixinada aan gudbinnay iyo su\u2019aalaha aan ka jawaabnay dhammaantood waxaa loo Gudbinayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana Waddamada Caalamka ee Talooyinka kuu soo jeedinaya intooda badan waxay diyaar u yihiin inay Talooyinkaas maal-gelin ku sameeyaan sidii loo dhaqan-geliyo; qolo walbana dhinaca ay daneynayso ay ku sameyso maal-gelin.\u201d<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Soomaaliya ayaa waxay ka Qayb-gashay shir dib loogu eegayay Xuquuqda Aadanaha Calaamka, kaasoo Afartii Sannaba mar la qabto kana dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Wafdiga Somalia uga qayb-galay Shirkaas ayaa waxaa ka mid ahaa; Wasiiradda Haweenka &amp; Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya, Sahra Maxamed Cali Samatar iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Xaaji Daahir. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":26222,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-26219","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26219","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26219"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26219\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":26223,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26219\/revisions\/26223"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/26222"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26219"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26219"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26219"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}