{"id":26197,"date":"2016-01-23T17:33:36","date_gmt":"2016-01-23T14:33:36","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=26197"},"modified":"2016-01-23T17:41:21","modified_gmt":"2016-01-23T14:41:21","slug":"jubbalad-oo-nabad-sugideedu-shacabka-reer-jubaland-ugu-baaqdey-in-ay-ka-feejignaadaan-weerarada-al-shabaab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/01\/jubbalad-oo-nabad-sugideedu-shacabka-reer-jubaland-ugu-baaqdey-in-ay-ka-feejignaadaan-weerarada-al-shabaab\/","title":{"rendered":"Jubbalad oo nabad sugideedu shacabka reer jubaland uGu baaqdey in ay ka feejignaadaan weerarada AL-shabaab."},"content":{"rendered":"<p>Afhayeenka nabadsugidda Jubaland Axmed Max\u2019uud Max\u2019ed oo maanta shir jaraa\u2019id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ugu horeyn tacsi u diray ehellada dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday maqaayad ku taal xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Afhayeenka nabadsugidda Jubaland ayaa amaanay ciidamada nabadsugidda qaranka ee NISA oo uu sheegay in ay si guul ah kusoo afjareen kooxihii weeraray islamarkaana gudaha u galay maqaayad ku taal xeebta Liido, isagoo sheegay in kooxahaasi ay damacsanaayeen in\u00a0 ay geysteen qasaare ka badan kii ay geeystaan balse laga hortagay.<\/p>\n<p>\u201cNabadsugidda qaranka, aad baan ugu mahadcelinayaa, waxaan leeyahay howsha aad qabateen waa tan aad bulshada wakiilka uga tihiin, waxaan amaanayaa sida geesinimada leh ee aad usoo afjarteen kooxihii doonayay in ay shacabka gumaadaan,\u201d ayuu hadalkiisii raaciyay.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, afhayeenka nabadsugidda Jubaland oo ka jawaabayay su\u2019aal la weeydiyay oo ahayd wada shaqeynta kala dhexeeysa nabadsugidda qaranka ayaa yiri, \u201cHay\u2019adda nabadsugidda qaranka waxaa taliye u ah C\/raxmaan Tuuryare, inaguna waxaan nahay dowlad goboleed qaranka ka tirsan, marka isaga ayaan hoostagnaa, wada shaqeyn aad u wanaagsanna way naga dhexeeysaa.\u201d<\/p>\n<p>\u201cNabadsugida Qaranka iyo tan maamul-goboleedyada xogaha ayay is dhaafsadaan, qorsha-yaasha cadawgana way isku gudbiyaan, waxaa la doonayaa in shacabka Soomaaliyeed ay muujiyaan feejignaan dheeraad, waayo way arkaan in dagaalku uusan ahayn mid si gaar ah loogu ugaarsanayo masuuliyiin ee shacabkii xitaa la ugaarsanayo,\u201d ayuu hadalkiisa ku yiri afhayeenka Nabadsugidda Jubbaland.<\/p>\n<p>Weerar ay habeenkii Jimcaha kooxo ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen maqaayado ku taal xeebta Liido ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 25 qof oo ay ku jiraan afar kamid ah kooxihii weerarka soo qaaday, ayadoo la sheegay in kooxahaasi ay rasaas oodda uga qaadeen dad badan oo usoo damaashaad tagay neecaawda xeebta, maadaama ay ahayd maalin fasax ah oo ay dadka Soomaaliyeed shaqooyinka ka nastaan.<\/p>\n<p>Hay\u2019adda Nabadsugidda qaranka ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigtay nin ay sheegeen in uu hogaaminayay weerarka lagu qaaday maqaayadaha ku taal xeebta Liido.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Afhayeenka nabadsugidda Jubaland Axmed Max\u2019uud Max\u2019ed oo maanta shir jaraa\u2019id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ugu horeyn tacsi u diray ehellada dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday maqaayad ku taal xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Afhayeenka nabadsugidda Jubaland ayaa amaanay ciidamada nabadsugidda qaranka ee NISA oo uu sheegay in ay si guul [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":26199,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-26197","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26197","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26197"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26197\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":26198,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26197\/revisions\/26198"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/26199"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26197"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26197"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26197"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}