{"id":26172,"date":"2016-01-21T19:39:04","date_gmt":"2016-01-21T16:39:04","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=26172"},"modified":"2016-01-21T19:41:57","modified_gmt":"2016-01-21T16:41:57","slug":"wufuud-ka-socota-qm-oo-gaaraya-dalka-burundiwaa-maxey-ujeedada-booqashadoodu","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/01\/wufuud-ka-socota-qm-oo-gaaraya-dalka-burundiwaa-maxey-ujeedada-booqashadoodu\/","title":{"rendered":"Wufuud ka socota QM oo gaaraya dalka Burundi\/waa maxey ujeedada booqashadoodu?."},"content":{"rendered":"<p>Mas&#8217;uuliyiin ka tirsan Golaha Amaanka ee QM ayaa maanta booqan doonaan dalka Burundi, si ay u dhiirri-geliyaan wadahadallada nabadda iyo in ay isku dayaan soo af-jarida rabshadaha ka aloosan dalkaas.<\/p>\n<p>Qorshaha Madaxweyna Burundi, Pierre Nkurunziza ee ahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxtinimada dalkaasi ayaa bishii Abriil ee sannadkii aynu ka soo gudubnay waxaa ka dhashay banaan-baxyo, Inqilaab dhicisoobay iyo waliba kacdoon dalkaas qarka u saaray colaado sokeeye. Tani waa booqashadii labaad ee Xubno ka socda Golaha Ammaanka ee QM ay ku Tagaan Buirundi.<\/p>\n<p>Iyadoo tan iyo Sannadkii lasoo dhaafay ay sare u sii kacayeen walaaca ay beesha calaamku ka qabto xalaadda sii xumaanaysa ee Burundi ka socda. Sidoo kale, waxyaabaha walaaca xooggan laga muujiyay ayaa waxaa ka mid ah inay wada-haddalo dhab ah ka yeeshaan Xaaladda siyaasadeed ee dalkaas iyo in xukuumadda dalkaas ay aqbasho in ciidammo ka socda Midowga Afrika dalkaas la geeyo si looga hor-tago Xad-gudubyada lagu hayo dadka rayidka ah.<\/p>\n<p>Danjiraha Dalka Faransiiska u Fadhiyo QM ayaa sheegay arrinta dheeraadka ah inay tahay in laga hor-tago in Qalalaasaha Dalkaas uu isu badalo xad-gudub Qabiil ku saleysan, balse muran la\u2019aan xaaladda hadda faraha ayay ka baxday.<\/p>\n<p>Toddobaad ayaa laga joogaamarkii madaxa QM u qaabilsan arrimaha aadanaha uu sheegay wuxuu ku Tilmaamay, Kufsi-wadareed inay geysteen Ciidammo ka tirsan kuwa ammaanka dalka Burundi.<\/p>\n<p>Mas\u2019uulkan ayaa intaas ku daray inay jiraan bar-tilmaameedsi ka dhan ah Tutsi-ga oo ay ka dameeyaan Hutuga, maadaama ay deris ahaayeen tani iyo Xasuuqii ka dahacay Waddanka Rwanda sannadkii 1994-kii. Ugu dambeyn, wuxuu mas\u2019uulkani carrabka ku dhuftay in dhammaan astaamaha dalkaasi lagu arkayo ay muujinayaan xaalada wadankaas ka jirta inay tahay mid aad u xun.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Mas&#8217;uuliyiin ka tirsan Golaha Amaanka ee QM ayaa maanta booqan doonaan dalka Burundi, si ay u dhiirri-geliyaan wadahadallada nabadda iyo in ay isku dayaan soo af-jarida rabshadaha ka aloosan dalkaas. Qorshaha Madaxweyna Burundi, Pierre Nkurunziza ee ahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxtinimada dalkaasi ayaa bishii Abriil ee sannadkii aynu ka soo gudubnay waxaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":26174,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-26172","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26172","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26172"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26172\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":26173,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26172\/revisions\/26173"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/26174"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26172"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26172"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26172"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}