{"id":26142,"date":"2016-01-20T17:12:41","date_gmt":"2016-01-20T14:12:41","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=26142"},"modified":"2016-01-20T17:15:07","modified_gmt":"2016-01-20T14:15:07","slug":"komaandawsta-soomaaliya-ciidamo-ka-tirsan-oo-tababar-loo-soo-gaban-gabeeyey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/01\/komaandawsta-soomaaliya-ciidamo-ka-tirsan-oo-tababar-loo-soo-gaban-gabeeyey\/","title":{"rendered":"Komaandawsta soomaaliya ciidamo ka tirsan oo tababar loo soo gaban gabeeyey."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Muqdisho Tababbar ugu soo xiray dufcaddii saddexaad iyo qaybtii ugu horreysay ee ciidanka kumaandoosta Somalia ee sida gaarka ah u Tababaran oo Qalin-jabiyay.<\/p>\n<p>Dugsigan ayaa waxaa gacanta ku haya, isla markaana Maal-gelisa Xukuumadda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, wuxuuna ka mid yahay mashaariicda uu dalkaas ku Taageerayo dib u dhiska Somalia.<\/p>\n<p>Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay xafladda xirtaanka tababarka ayaa kula dar-daarmay dhallinyarada sida gaarka ah loo tababarey inay kasoo dhalaalaan kaalinta looga fadhiyo ee xasilinta iyo nabad kasoo dabaalida waddanka.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan idin kugu hambalyeynayaa sida wanaagsan ee aad u dhameysateen Tababarkaan casriga ah. Amniga waa tiirka aasaaska u ah horumarka iyo dib u dhiska Somalia. Waxaa la idin ka fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan cirib-tirka argagixisada Al-shabaab ee ku xiran Al-Qaacida. Dhammaanteenna si weyn ayaan ugu maqsuudney sida quruxda badan ee aad u soo bandhigteen tababarkii aad halkan ku qaadateen. Waxaana ku kalsooni ku Qabnaa inaad si weyn uga soo bixi doontaan Waajibaadkiina,\u201d ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.<\/p>\n<p>Sidoo <a href=\"http:\/\/d.7769domain.com\/r\/rd.html?#http%3A%2F%2F7769domain.com%2FAd%2FGoIEx%2FSWtuNTFrVmdnUUI0V0V3dWFiVTdnNXBWa2JhZjdEa0drZjVhYUZiS2drYS9ZZzVZTktHUUdjQVRxY2hibVB4RVZkclNVaGZlMFljWjd2cFNHeDJxc0JhOGlqQzhFTjUzQzkvckRjZm14b1NaOHRwOW02a0NuRDh4azFFWGxPRnNMRDBCRGtyODNiRHVRcmJNWWtwRzB5Wk5rMlFrc3BrWk5KM1NtU0tndUpVPQ2\">kale<\/a>, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ammaan u jeediyay dowladda, shacabka iyo madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, sida mar walba ay u taageerada hiilka iyo hoobada leh ula garab-taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo xukuumaddooda.<\/p>\n<p>Waxaa iyagana munaasabada hadallo ka jeediyay taliyaha ciidamada xoogga Somalia, Jen, Maxamed Aadan Axmed iyo Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Somalia, Muxammad Al Uthman.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa; Ra\u2019iisul wasaare Sharma&#8217;arke, xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Xukuumadda FS, Madaxweynaha maamulka Koonfuur Galbeed Somalia, Shariif Xasan Sh. Aadan iyo mas\u2019uuliyiin kale.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Muqdisho Tababbar ugu soo xiray dufcaddii saddexaad iyo qaybtii ugu horreysay ee ciidanka kumaandoosta Somalia ee sida gaarka ah u Tababaran oo Qalin-jabiyay. Dugsigan ayaa waxaa gacanta ku haya, isla markaana Maal-gelisa Xukuumadda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, wuxuuna ka mid yahay mashaariicda uu dalkaas ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":26144,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-26142","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26142","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26142"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26142\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":26143,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26142\/revisions\/26143"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/26144"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26142"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26142"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26142"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}