{"id":26117,"date":"2016-01-18T16:56:56","date_gmt":"2016-01-18T13:56:56","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=26117"},"modified":"2016-01-18T17:00:15","modified_gmt":"2016-01-18T14:00:15","slug":"ceel-cadde-iyo-gobolka-gedo-oo-ay-ku-sii-jeedaan-ciidamo-isugu-jira-amisom-iyo-kuwa-dawlada-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/01\/ceel-cadde-iyo-gobolka-gedo-oo-ay-ku-sii-jeedaan-ciidamo-isugu-jira-amisom-iyo-kuwa-dawlada-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Ceel Cadde iyo gobolka gedo oo ay ku sii jeedaan ciidamo isugu jira Amisom iyo kuwa dawlada Soomaaliya."},"content":{"rendered":"<p>Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya inay ciidanka Dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay ku Wajahan yihiin deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo. Deegaanka Ceel-cadde ayaa Jimcihii lasoo dhaafay waxaa ciidanka Kenya ee Qaybta ka ah AMISOM ku Weeraray xoog Taabacsan ururka Al-shabaab, iyagoo sheegay inay ku dileen deegaankaas ku dhawaad boqol askari oo ciidamada Kenya ka tirsan.<\/p>\n<p>Xukuumadda Kenya ayaa beenisay tirada Ciidanka looga dilay weerarkaas, inkastoo aysan weli sheegin khasaaraha dhismasho iyo dhaawac ee ciidankooda kasoo gaaray weerarkaas, inkastoo shalay dib loogu celiyay Nairobi Afar askari oo ku dhaawacmay weerarkaas. Taliyaha ciidamada dowladda Somalia ee gobolka Gedo, Jen. Cabbaas Ibraahim Gureey oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in ay qiyaastii 6-km oo keliya u jiraan Ceel-cadde oo ku dhow xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201cCiidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku Sugnaa Saldhigyada ku yaalla deegaanka Ceel-cadde waa lagu war-geliyay inuu kusoo wajahan yahay dagaal Al-shabaab ay soo abaabulayso, waayo xogta horay ayaan u sii helnay,\u201d ayuu yiri Jen. Cabbaas Gurey.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Wararka laga helayo Ceel-cadde ayaa sheegaya in Xoogaggii Al-shabaab ay ka baxeen halkaas; iyadoo Dadka deegaanku ay soo Sheegayaan inaysan jirin cid Xilligaan ku sugan deegaankaas ku sugna. Ugu dambeyn, Weerarkii lagu qaaday Xeryaha AMISOM iyo kuwa Dowladda ayaa waxay noqonayaa kuwii ugu Khasaaraha badnaa ee ay Al-shabab ku qaado Saldhigyo ay leeyihiin ciidamada AMISOM tan iyo markuu sannadkan cusub dhashay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya inay ciidanka Dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay ku Wajahan yihiin deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo. Deegaanka Ceel-cadde ayaa Jimcihii lasoo dhaafay waxaa ciidanka Kenya ee Qaybta ka ah AMISOM ku Weeraray xoog Taabacsan ururka Al-shabaab, iyagoo sheegay inay ku dileen deegaankaas ku dhawaad boqol [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":26119,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-26117","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26117","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26117"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26117\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":26120,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26117\/revisions\/26120"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/26119"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26117"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26117"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26117"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}