{"id":26098,"date":"2016-01-17T15:24:38","date_gmt":"2016-01-17T12:24:38","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=26098"},"modified":"2016-01-17T15:27:03","modified_gmt":"2016-01-17T12:27:03","slug":"burkina-faso-hotel-lagu-magacaabo-splendid-oo-lagu-diley-28-qof-ayna-ku-jiraan-dad-ajnebi-aan-u-dhalan-dalka-burkina-faso","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/01\/burkina-faso-hotel-lagu-magacaabo-splendid-oo-lagu-diley-28-qof-ayna-ku-jiraan-dad-ajnebi-aan-u-dhalan-dalka-burkina-faso\/","title":{"rendered":"Burkina faso; hotel lagu magacaabo SPLENDID oo lagu diley 28 qof ayna ku jiraan dad ajnebi aan u dhalan dalka Burkina faso."},"content":{"rendered":"<p>Xukuumadda Burkina Faso ayaa shaacisay in lagu dilay 28-qof oo ay ku jiraan ajaanib weerarkii lagu qaaday Jimcihii Hoteel Splendid oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Ouagadougou.<\/p>\n<p>Weerarkaan ayaa Waxaa sheegatay Mas\u2019uuliyaddiisa kooxda AQIM oo Waqooyiga Afrika ka dagaalanta, xiriirka la leh Al-Qaacida, kuwaasoo weerarkoodan qaaday gellinkii dambe ee Jimcihii lasoo dhaafay.<\/p>\n<p>Dadka lagu dilay Weerarkan ayaa waxaa ku jira lix qof oo u dhashay dalka Canada; iyadoo xukuumadda Burkina Faso ay ku dhawaaqday 72-saacadood oo loo Baroor-diiqayo Dadkii ku geeriyooday weerarka hoteelka.<\/p>\n<p>Sidoo <a href=\"http:\/\/d.7769domain.com\/r\/rd.html?#http%3A%2F%2F7769domain.com%2FAd%2FGoIEx%2FSWtuNTFrVmdnUUI0V0V3dWFiVTdnNXBWa2JhZjdEa0drZjVhYUZiS2drYS9ZZzVZTktHUUdjQVRxY2hibVB4RVZkclNVaGZlMFljWjd2cFNHeDJxc0JhOGlqQzhFTjUzQzkvckRjZm14b1NaOHRwOW02a0NuRDh4azFFWGxPRnNMRDBCRGtyODNiRHVRcmJNWWtwRzB5Wk5rMlFrc3BrWk5KM1NtU0tndUpVPQ2\">kale<\/a>, weerarkan ayaa lagu dilay afar ka mid ah xoogaggii weerarkaas ka dambeeyay, iyadoo la sheegay in mid ka mid ah kooxda\u00a0Weerarka geysatay ay ahayd Haweeney; sidoo kalena waxay kooxdan weerareen maqaayad kafeega laga cabo oo hoteel-ka la weeraray ku dhow.<\/p>\n<p>Wasiirka Amniga Burkina Faso, Simon Compoare ayaa sheegay 176-qof oo lagu haystay hoteelka la badbaadiyay, sidoo kalena la helay maydadka sadex qof oo kooxihii hoteelka weeraray ah oo uu ku jiro qof aad da\u2019 yar.<\/p>\n<p>Dadkii lagu dilay Weerarka ayaa waxay kala ahaayeen; Lix qof oo Canadian ah, Shan qof Burkina Faso udhashay, laba qof oo Faransiis ah, laba qof oo Swiss ah, qof 67-jir ahaa oo u dhashay Netherlands iyo ruux Mareykan ah.<\/p>\n<p>Xukuumadda Burkina Faso ayaa waxay dhanka kale sheegtay in laba Ruux oo ka Tirsanaa hay\u2019ad caafimaad oo ajnabi ah oo u dhashay dalka Australia, ahaana nin iyo xaaskiisa lagu qafaashay habeennimadii Jimcaha ahayd Waqooyiga waddankeeda, gaar ahaan deegaan ku dhow xadka ay la wadaagto dalka Mali.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Kooxda Al-Qaacida ku xiran ee AQIM oo ka Hawl-gasha Waqooyiga iyo Galbeedka Afrika ayaa waxay sidaan oo kale u Weerareen bishii November ee sannadkii hore hoteel kuwa raaxada ah oo ku yaalla magaalada\u00a0Bamako ee caasimaddda dalka Mali, weerarkaas lagu dilay 19-qof.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xukuumadda Burkina Faso ayaa shaacisay in lagu dilay 28-qof oo ay ku jiraan ajaanib weerarkii lagu qaaday Jimcihii Hoteel Splendid oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Ouagadougou. Weerarkaan ayaa Waxaa sheegatay Mas\u2019uuliyaddiisa kooxda AQIM oo Waqooyiga Afrika ka dagaalanta, xiriirka la leh Al-Qaacida, kuwaasoo weerarkoodan qaaday gellinkii dambe ee Jimcihii lasoo dhaafay. Dadka lagu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":26100,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-26098","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26098","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26098"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26098\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":26099,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26098\/revisions\/26099"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/26100"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26098"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26098"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26098"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}