{"id":26078,"date":"2016-01-15T20:37:03","date_gmt":"2016-01-15T17:37:03","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=26078"},"modified":"2016-01-15T20:38:58","modified_gmt":"2016-01-15T17:38:58","slug":"weerarkii-ay-alshabaab-ku-qaadeen-talika-amisom-eeceel-cadde-oo-amisom-maanta-ka-hadashey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/01\/weerarkii-ay-alshabaab-ku-qaadeen-talika-amisom-eeceel-cadde-oo-amisom-maanta-ka-hadashey\/","title":{"rendered":"Weerarkii ay alshabaab ku qaadeen talika amisom eeCeel cadde oo AMISOM maanta ka hadashey"},"content":{"rendered":"<p>Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa Ciidamada AMISOM, Danjire Francisco Madeira ayaa Weerarkii ay saakay Al-shabaab ku qaadday saldhiggooda deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo si adag u cambaareeyay.<\/p>\n<p>Danjire Madeira ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in xoogagga Al-shabaab ay weerareen saldhiggooda Ceel-cadde, laakiinse ciidamadii AMISOM ee Saldhiggaas ku sugnaa ay iska caabiyeen weerarka.<\/p>\n<p>\u201cMa jiraan illaa hadda wax khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalka ka dhashay oo aan diiwaan-gelinnay, weli waxaa socda baaritaanno lagu xaqiijinayo khasaaraha. Laakiin Waxaan ciidamada AMISOM ku ammaanayaa jawaabtii deg-dega ahayd ee ay ka bixiyeen dagaalka iyo geesinimada ay muujiyeen,\u201d ayuu yiri danjire Madeira.<\/p>\n<p>Sidoo <a href=\"http:\/\/d.7769domain.com\/r\/rd.html?#http%3A%2F%2F7769domain.com%2FAd%2FGoIEx%2FSWtuNTFrVmdnUUI0V0V3dWFiVTdnNXBWa2JhZjdEa0drZjVhYUZiS2drYS9ZZzVZTktHUUdjQVRxY2hibVB4RVZkclNVaGZlMFljWjd2cFNHeDJxc0JhOGlqQzhFTjUzQzkvckRjZm14b1NaOHRwOW02a0NuRDh4azFFWGxPRnNMRDBCRGtyODNiRHVRcmJNWWtwRzB5Wk5rMlFrc3BrWk5KM1NtU0tndUpVPQ2\">kale<\/a>, ergayga Midowga Afrika ayaa xusay in weerarrada noocan oo kale ah ee ay Al-shabaab qaadayso ay yihiin kuwo dadka ay ku cabsi-gelinayso, ujeeddada ay ka leeyihiinna ay tahay inay xaaladda Somalia sii cakiraan.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa ka AMISOM inay sii waddo dagaallada ay Al-shabaab kula jirno illaa Somalia oo dhan laga xoreeyo kooxaha argagaxisada ah,\u201d ayuu hadalkiisa raaciyay Francisco Madeira.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu tacsi u dirayo ehelladii iyo qoysaskii ay ka baxeen ciidamadii ku dhintay dagaalkii cuslaa ee maanta ka dhacay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo, isagoo sheegay in ciidamadii ku dhintay ay wadeen howl ay ku xasilinayaan Somalia, balse ma sheegin tirada askarta kaga dhintay AMISOM dagaalkaas.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerarkii ay maanta ku qaadday saldhigga ciidanka AMISOM ee deegaanka Ceel-cade ay ku dileen 60-askari oo ka tirsan ciidamada dalka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM, inkastoo aysan sheegin khasaarihii ka soo gaaray dagaalka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa Ciidamada AMISOM, Danjire Francisco Madeira ayaa Weerarkii ay saakay Al-shabaab ku qaadday saldhiggooda deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo si adag u cambaareeyay. Danjire Madeira ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in xoogagga Al-shabaab ay weerareen saldhiggooda Ceel-cadde, laakiinse ciidamadii AMISOM ee Saldhiggaas ku sugnaa ay iska caabiyeen [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":26080,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-26078","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26078","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26078"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26078\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":26079,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26078\/revisions\/26079"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/26080"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26078"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26078"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26078"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}