{"id":26072,"date":"2016-01-14T20:30:56","date_gmt":"2016-01-14T17:30:56","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=26072"},"modified":"2016-01-14T20:36:13","modified_gmt":"2016-01-14T17:36:13","slug":"afar-dhibic-sagaal-milyan-soomaali-ah-oo-qm-sheegtey-in-ay-u-baahanyihiin-cunto-iyo-gar-gaar-lala-gaaro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/01\/afar-dhibic-sagaal-milyan-soomaali-ah-oo-qm-sheegtey-in-ay-u-baahanyihiin-cunto-iyo-gar-gaar-lala-gaaro\/","title":{"rendered":"Afar dhibic sagaal milyan Soomaali ah oo Q\/M sheegtey in ay u baahanyihiin cunto iyo gar gaar lala gaaro."},"content":{"rendered":"<p>Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay billaabayaan todobaadka soo soccda raadinta 885-milyan oo doollar si loogu caawiyo dadka Soomaalida ah ee gargaarka u baahan sannadkan cusub ee 2016-ka. Xafiiska isku-dubaridka Gar-gaarka bani\u2019aadamnimo ee Qaramada Midoobay, UN-OCHA ayaa warbixin laga soo saaray lagu sheegay in 4.9-milyan qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin Gar-gaar bani\u2019aadamnimo, ayna qorsheynayaan inay 3.5-milyan ruux ay gaarsiiyaan gargaar sannadkan lagu jiro.<\/p>\n<p>\u201cTiradan malaayiinka ah waxaa ku jira hal milyan oo qof oo cuno-yaraan ay soo wajahday iyo 3.9-milayn oo qof oo ku nool xaalad laga argagaxo,\u201d ayuu lagu yiri warbixinta OCHA, iyadoo hay\u2019addu ay sheegtay in Talaadada todobaadka soo socda la baahin doono qorshaha gargaarka loogu raadinayo Soomaaliya.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Hay\u2019ada UN-OCHA ayaa sheegtay in dabeylihii roobabka watay ee El Nino ay Waxyeelleeyeen 145,000 oo ruux sannadkii hore ee 2015-ka; kuwaasoo u baahan Gar-gaar deg-deg ah oo noloshooda lagu badaadiyo. \u201cBarnaamijka HRP ee gargaarka Soomaaliya ayaa waxaa lagu codsaday $885 milyan si loo caawiyo 3.5-milyan oo qof oo u baahan gargaar bani\u2019aadamnimo oo deg-deg ah.<\/p>\n<p>Waxaana la doonayaa in Tallaabooyinka dadkan lagu caawiyo mar Qura la qaado,\u201d ayaa Warbixinta UN-OCHA lagu yiri. Dhanka kale, Sannadkii 2015-kii ee lasoo dhaafay hay\u2019adaha Gar-gaarku waxay sheegeen inay kaalmooyin gaarsiiyeen 2.5 milyan qof, kuwaasoo weli u baahan gargaar bani\u2019aadam-nimo.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii, UN-OCHA ayaa sheegtay inay u mahadcelinayso wadamadii horay ugu deeqay 14-ka milyan ee doollar, taasoo loogu diyaar-garoobayay sidii looga gaashaaman lahaa dabeylihii El Nino.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay billaabayaan todobaadka soo soccda raadinta 885-milyan oo doollar si loogu caawiyo dadka Soomaalida ah ee gargaarka u baahan sannadkan cusub ee 2016-ka. Xafiiska isku-dubaridka Gar-gaarka bani\u2019aadamnimo ee Qaramada Midoobay, UN-OCHA ayaa warbixin laga soo saaray lagu sheegay in 4.9-milyan qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin Gar-gaar bani\u2019aadamnimo, ayna [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":26074,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-26072","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26072","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26072"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26072\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":26073,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26072\/revisions\/26073"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/26074"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26072"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26072"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26072"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}