{"id":26052,"date":"2016-01-13T20:50:06","date_gmt":"2016-01-13T17:50:06","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=26052"},"modified":"2016-01-13T20:51:35","modified_gmt":"2016-01-13T17:51:35","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-oo-ugu-baaqey-shacabka-gobolada-hiiraan-iyo-shdhexe-in-ay-ka-faaiideystaan-maamulka-loo-dhisayo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/01\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-ugu-baaqey-shacabka-gobolada-hiiraan-iyo-shdhexe-in-ay-ka-faaiideystaan-maamulka-loo-dhisayo\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan SHeekh oo ugu baaqey shacabka gobolada Hiiraan iyo SH\/dhexe in ay ka faa&#8217;iideystaan maamulka loo dhisayo"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadii uu ka jeediyay furitaanka shirka degmada Jowhar ee maamulka loogu dhisi doono gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa sheegay in loo baahan yahay inay ka faa&#8217;iideystaan shacabka labada gobol barnaamijka lagu baahinayo xukunka dalka.<\/p>\n<p>\u201cMaanta waa maalin weyn oo muhiim ah; waxaad hesheen fursad aad ku go&#8217;aansan kartaan mustaqbalka labada gobol.\u00a0Alle \u00a0wuxuu idin ku maneystay kheyraad badan oo kala duwan. Waxaana la idin ka doonayaa inaad heshaan hogaamiyeyaashii kheyraadkaas shacabka uga faa\u2019iideyn lahaa, isla markaana ka shaqeeya haqab-tirka baahiyaha kala duwan ee aad qab-taan. Waxaanan idin kula dar-daarmayaa si aad horumar u gaartaan inaad soo doorataan dadka aad is-leedihiin waa dad daacad ah, aqoon leh, karti iyo caddaaladna isku darsaday,\u2019\u2019 ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.<\/p>\n<p>Sidoo <a href=\"http:\/\/d.7769domain.com\/r\/rd.html?#http%3A%2F%2F7769domain.com%2FAd%2FGoIEx%2FSWtuNTFrVmdnUUI0V0V3dWFiVTdnNXBWa2JhZjdEa0drZjVhYUZiS2drYS9ZZzVZTktHUUdjQVRxY2hibVB4RVZkclNVaGZlMFljWjd2cFNHeDJxc0JhOGlqQzhFTjUzQzkvckRjZm14b1NaOHRwOW02a0NuRDh4azFFWGxPRnNMRDBCRGtyODNiRHVRcmJNWWtwRzB5Wk5rMlFrc3BrWk5KM1NtU0tndUpVPQ2\">kale<\/a>, Madaxweyne Xasan ayaa wuxuu ka hadlay Maqaamka uu Gobolka Banaadir yeelan doono, isagoo xusay in laga shaqeyn doono sidii Arrimahaas xal loogu heli lahaa; iyadoo la raacayo dastuurka dalka u yaalla.<\/p>\n<p>Wuxuu madaxweynuhu sheegay in nidaamka federaalka ee Somalia ay qaadatay uu yahay mid Shacabku ay doorteen si maamulka iyo fidinta adeegyada loo baahiyo, isla markaana doorka dowladda dhexe oo ah tan isku-xirta dalka uu sii jiri doono.<\/p>\n<p>Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadley arrinta Somaliland oo uu sheegay inaan laga daali doonin xal u raadinteeda, isla markaana aaminsan yahay in ay Soomaaliya noqoto wadan ku mideysan nidaamka dimuqraadiyadda oo dhawraya xuquuqda muwaadin kasta oo Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Furitaanka shirkaan ayaa waxaa ka khudbado ka jeediyay Madaxweynaha Galmudug, C\/kariin Xuseen Guuleed, madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Cabdulqaadir Maxamed [Luga-dheere], Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia, C\/raxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa], Guddoomiyeyaasha Gobolada Hiiraan &amp; Shabeellaha Dhexe, Odayaasha dhaqanka iyo Mas\u2019uuliyiin kale.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadii uu ka jeediyay furitaanka shirka degmada Jowhar ee maamulka loogu dhisi doono gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa sheegay in loo baahan yahay inay ka faa&#8217;iideystaan shacabka labada gobol barnaamijka lagu baahinayo xukunka dalka. \u201cMaanta waa maalin weyn oo muhiim ah; waxaad hesheen fursad aad ku go&#8217;aansan kartaan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":26053,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-26052","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26052","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=26052"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26052\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":26054,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/26052\/revisions\/26054"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/26053"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=26052"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=26052"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=26052"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}