{"id":25954,"date":"2016-01-08T00:04:53","date_gmt":"2016-01-07T21:04:53","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=25954"},"modified":"2016-01-08T00:04:53","modified_gmt":"2016-01-07T21:04:53","slug":"ciidamadda-dawladda-federalka-soomaaliya-iyo-kuwa-al-shabaab-oo-dagaal-ku-dhex-marey-gobolka-baay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/01\/ciidamadda-dawladda-federalka-soomaaliya-iyo-kuwa-al-shabaab-oo-dagaal-ku-dhex-marey-gobolka-baay\/","title":{"rendered":"Ciidamadda dawladda federalka Soomaaliya iyo kuwa AL-shabaab oo dagaal ku dhex marey Gobolka BAAY!!."},"content":{"rendered":"<p>Ugu yaraan 12 ruux ayaa ku geeriyooday, 25-qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo maanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya oo dhinac ah iyo xoogaga Al-shabaab ku dhex-maray deegaanka Goof-gaduud oo qiyaastii 30-km u jira xarunta Bay ee Baydhaba.<\/p>\n<p>Dagaalka oo billowday saakay aroortii ayaa ka dhashay weerar ay Al-shabaab ku qaadeen saldhig ay ciidanka dowaldda Somalia iyo kuwa maamulka Koonfur-galbeed ku lahaayeen deegaankaas, iyadoo dadkii ku geeriyooday dagaalkan ay ahaayeen dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay.<\/p>\n<p>Wasiirka Tababarrada iyo Dhaqan-celinta Malleeshiyooyinka maamulka Koonfur-galbeed Somalia, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) oo VOAda u warramay ayaa sheegay in xoogaggii Al-shabaab ay doonayeen inay la wareegaan saldhigga, balse la iska caabiyay.<\/p>\n<p>\u201cMaanta dagaal ayaa ka dhacay deegaanka Goof-guduud oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Koonfur-galbeed, kaddib markii ay soo weerartay Al-shabaab, waxay isku dayeen inay qabsadaan xerada balse uma suuro-gelin oo waa la iska difaacay,\u201d ayuu yiri Xasan Eelaay.<\/p>\n<p>Sidoo kale, wasiirka ayaa intaas ku daray in deegaanka ay hadda ku sugan yihiin ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Koonfur-galbeed, xoogaggii Al-shabaab ee soo weerarayna la eryay, isagoo xusay in khasaare xooggan loo geystay.<\/p>\n<p>Taliyaha Ciidamada Maamulka Koonfur-galbeed ee Somalia, Maxamed Isaaq Carra-cas oo isagana warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in haatan ay xaaladda deegaanka Goof-guduud degen tahay ayna socdaan baaritaanno.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Al-shabaab oo iyaduna ka hadashay Dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Goof-guduud ee gobolka Bay ayaa sheegtay inay xoogaggeeda ay weerar ku qaadeen xero ciidan oo deegaankaas ku taalla, ayna ku dileen in 25-askari. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa sheegtay in xoogageeda ay kasoo laabteen goobtaas, isla markaana ay dhowr jeer oo hore weerareen xerada ciidamada ee deegaanka Goof-guduud ee gobolka Bay. &#8211;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ugu yaraan 12 ruux ayaa ku geeriyooday, 25-qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo maanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya oo dhinac ah iyo xoogaga Al-shabaab ku dhex-maray deegaanka Goof-gaduud oo qiyaastii 30-km u jira xarunta Bay ee Baydhaba. Dagaalka oo billowday saakay aroortii ayaa ka dhashay weerar ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":25955,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-25954","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25954","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25954"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25954\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":25956,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25954\/revisions\/25956"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/25955"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25954"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25954"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25954"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}