{"id":25948,"date":"2016-01-07T23:08:06","date_gmt":"2016-01-07T20:08:06","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=25948"},"modified":"2016-01-07T23:11:13","modified_gmt":"2016-01-07T20:11:13","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-maxamuud-oo-si-lama-filaana-uga-degey-boosaaso-si-uu-uga-qeyb-galo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/01\/madaxweyne-xasan-sheekh-maxamuud-oo-si-lama-filaana-uga-degey-boosaaso-si-uu-uga-qeyb-galo\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan SHeekh Maxamuud oo si lama filaana uga degey Boosaaso si uu uga qeyb galo!!."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta casar-gaabkii ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso ,waana booqashadiisi ugu horeysay ee uu ku yimaado Bosaaso tan iyo markii loo doortay madaxweynaha dalka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa C\/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa madaxweynaha Somalia kusoo dhaweeyay garoonka Boosaaso, iyadoo ammaanka ay si wadajir ah u sugayeen laamaha kala duwan ee ciidamada Puntland.<\/p>\n<p>Inta madaxweynaha Somalia uu joogo waxaa lagu wadaa inuu ka qayb-galo Munaasabad weyn oo xarigga looga jarayo garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso oo dib u habeyn iyo balaarin lagu sameeyay.<\/p>\n<p>\u201cSharaf weyn ayey inoo tahay in aan halkan ku soo dhaweynno madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo wafdi uu Hoggaaminayo oo nooga yimid Magaalada Muqdisho,\u201c ayuu yiri C\/weli Gaas oo hadal kooban siiyay warbaahinta.<\/p>\n<p>\u201cMudane madaxweyne shacabkaagii ayaad u timid, wayna ku faraxsan-yihiin inaad halkan ugu timaaddo, annagana sharaf weyn ayey inoo tahay ka dowlad ahaan,\u201c ayuu mar kale yiri madaxweynaha Puntland.<\/p>\n<p>Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh oo dhoola cadaynaya ayaa sheegay in Maanta ay Soomaaliya u tahay maalin weyn oo Taariikhi ah, isagoo ka Mahad-celiyay soo dhaweyntii loogu sameeyay magaalada Bosaaso.<\/p>\n<p>\u201cMar haddii ay Madaxdu isku-timaaddo dabcan waa muhiim in la is\u2013xog-wareysto waxna la iska weydiiyo horumarka balaaran ee ka socda Puntland,\u201d ayuu yiri madaxweyne Xasan oo isagana si kooban warfidiyeenka ula hadlay.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan halkan u nimid munaasabadda furitaanka garoonkan cusub ee casriga ah ee laga hirgaliyay magaalada Boosaaso. Runtii waa horumar iyo guul u soo hoyatay guud ahaan Soomaaliya,\u201c ayuu mar kale yiri madaxweynaha Somalia.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu sidoo kale ka qayb-gali doono xuska sanad guuradii labaad ee kasoo wareegatay markii madaxweynaha Puntland la doortay, taasoo la filayo inay ka dhacdo xarunta madaxtooyada ee Boosaaso.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Safiirrada dowladaha Talyaaniga iyo Shiinaha u fadhiya Somalia ayaa sidoo kale maanta soo gaaray Boosaaso, waxaana soo dhaweyntooda ka qayb-galay madaxda ka tirsan maamulka Puntland oo ay ku jiraan xubno wasiirro ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta casar-gaabkii ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso ,waana booqashadiisi ugu horeysay ee uu ku yimaado Bosaaso tan iyo markii loo doortay madaxweynaha dalka. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa C\/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa madaxweynaha Somalia kusoo dhaweeyay garoonka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":25950,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-25948","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25948","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25948"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25948\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":25949,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25948\/revisions\/25949"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/25950"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25948"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25948"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25948"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}