{"id":25903,"date":"2016-01-05T00:00:03","date_gmt":"2016-01-04T21:00:03","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=25903"},"modified":"2016-01-05T00:14:15","modified_gmt":"2016-01-04T21:14:15","slug":"rag-taageersan-dagaalyahanada-al-shabaab-oo-weerarey-tuulada-warmaxan-ee-gshabeelada-hoose","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/01\/rag-taageersan-dagaalyahanada-al-shabaab-oo-weerarey-tuulada-warmaxan-ee-gshabeelada-hoose\/","title":{"rendered":"Rag taageersan dagaalyahanada Al-shabaab oo weerarey tuulada warmaxan ee G\/shabeelada hoose."},"content":{"rendered":"<p>Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa dagaal ku qabsaday maanta tuulada War-maxan ee gobolka Shabeellada Hoose oo 60-km Koonfur kaga beegan magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkaas uu sababay khasaare nafeed.<\/p>\n<p>Al-shabaab ayaa la sheegay inay markii hore weerareen saldhig ay ciidamada dowladda FS ku leeyihiin tuuladaas, iyagoo dagaal culus oo dhacay kaddib ay Al-shabaab la wareegtay; inkastoo saacado kaddib ay ciidamada dowladda Somalia ku guuleysteen inay Al-shabaab ka saaraan Warmaxan.<\/p>\n<p>Inta la ogyahay dagaalka ayaa waxaa ku dhintay shan ruux oo dhinacyadii uu u dhexeeyay dagaalka ah, iyadoo tobanayeeno kalena ay dhaawacyo soo gaareen, inkastoo Al-shabaab ay sheegatay in dagaalkaas ay ku dishay toban askari oo ka tirsan ciidamada dowladda FS.<\/p>\n<p>\u201cXoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ah kusoo qaaday Warmaxan, ciidankii dowladdana way isaga baxeen, laakiinse barqo-nimadii maanta ayay ciidamada dowladda Soomaaliya dib u qabsadeen deegaanka,\u201d ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta.<\/p>\n<p>Sidoo kale, taliyaha ciidamada booliiska gobolka Shabeellada Hoose, Col. Cabdi Ibraahim Shaamow oo isagana la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saddex ka tisran xoogaggii Al-shabaab lagu dilay dagaalladii maanta ka dhacay deegaanka Warmaxan, ciidanka dowladda Soomaaliyana looga dilay hal askari.<\/p>\n<p>\u201cCiidamada dowladda Somalia waxay dagaalladii Warmaxan ka dhacay ku dileen Saddex ka tirsan xoogaggii Al-shabaab ee deegaanka soo weeraray, dhinaceena Askari ayaa nooga dhintay dagaalka. Deegaanka Warmaxan waxaa xilligaan gacanta ku haya ciidamada DF,\u201d ayuu yiri Col. Shaamow.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Afhayeenka maamulka gobolka Shabeellada hoose, Maxamed Xuseen Shiine oo la hadlay warbaahinta ayaa isna xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay dib ula wareegeen tuulada Warmaxan, xaaladduna ay deggen tahay.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, ma aha markii ugu horreysay oo xoogagga taabacsan Al-shabaab ay weerar ku qaadaan deegaanka Warmaxan, iyagoo sannadkii lasoo dhaafay marar is-xiga weeraray deegaankaas oo ay dhowr jeer la wareegeen.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa dagaal ku qabsaday maanta tuulada War-maxan ee gobolka Shabeellada Hoose oo 60-km Koonfur kaga beegan magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkaas uu sababay khasaare nafeed. Al-shabaab ayaa la sheegay inay markii hore weerareen saldhig ay ciidamada dowladda FS ku leeyihiin tuuladaas, iyagoo dagaal culus oo dhacay kaddib ay Al-shabaab la wareegtay; inkastoo saacado [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":25905,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-25903","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25903","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=25903"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25903\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":25904,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/25903\/revisions\/25904"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/25905"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=25903"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=25903"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=25903"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}